Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்கமர்   வசனம்:
وَنَبِّئۡهُمۡ أَنَّ ٱلۡمَآءَ قِسۡمَةُۢ بَيۡنَهُمۡۖ كُلُّ شِرۡبٖ مُّحۡتَضَرٞ
28. U sheeg in biyuhu yihiin qayb iyo kaltan dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَنَادَوۡاْ صَاحِبَهُمۡ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ
29. Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood7 oo soo qaatay (seef) oo boqna gooyey hashii (oo dilay).
7. Habaar qabe Qudaar.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
30. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَكَانُواْ كَهَشِيمِ ٱلۡمُحۡتَظِرِ
31. Waxaan ku soo dirnay dushooda hal Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
32. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
அரபு விரிவுரைகள்:
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطِۭ بِٱلنُّذُرِ
33. Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٖۖ نَّجَّيۡنَٰهُم بِسَحَرٖ
34. Waxaan ku dirnay dushooda dabeyl dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waan badbaadinnay waaberiga hortiis.
அரபு விரிவுரைகள்:
نِّعۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَن شَكَرَ
35. Nicmo Xaggayaga ah, sidaasoo kale baan u abaal marinnaa qofkii (Alle ku) shukriya.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَقَدۡ أَنذَرَهُم بَطۡشَتَنَا فَتَمَارَوۡاْ بِٱلنُّذُرِ
36. Wuxuu (Luud) uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, wayse ka doodeen oo shakiyeen digniinihii.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَقَدۡ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيۡفِهِۦ فَطَمَسۡنَآ أَعۡيُنَهُمۡ فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ
37. Oo waxay dhab ahaan dooneen inay martidiisii (faro xumeeyaan) markaasaan indha tirray ee dhadhamiya cadaabkeyga iyo digniinaheyga.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَقَدۡ صَبَّحَهُم بُكۡرَةً عَذَابٞ مُّسۡتَقِرّٞ
38. Waxaana ku waabariistay aroortiiba cadaab sugan.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ
39. Ee dhadhamiya Cadaabkeyga iyo Digniinaheyga.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
40. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَقَدۡ جَآءَ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ ٱلنُّذُرُ
41. Waxaa u yimid qoladii Fircoon digniino.
அரபு விரிவுரைகள்:
كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذۡنَٰهُمۡ أَخۡذَ عَزِيزٖ مُّقۡتَدِرٍ
42. Waxay beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaasaan qabannay Qabasho Awood Badane, Karaan Badan.
அரபு விரிவுரைகள்:
أَكُفَّارُكُمۡ خَيۡرٞ مِّنۡ أُوْلَٰٓئِكُمۡ أَمۡ لَكُم بَرَآءَةٞ فِي ٱلزُّبُرِ
43. Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mise waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabahayaga?
அரபு விரிவுரைகள்:
أَمۡ يَقُولُونَ نَحۡنُ جَمِيعٞ مُّنتَصِرٞ
44. Mise ma waxay leeyihiin: Waxaanu nahay ciidan dhan oo guuleysan.
அரபு விரிவுரைகள்:
سَيُهۡزَمُ ٱلۡجَمۡعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ
45. Waa la jabin ciidankooda, dabadayna jeedin.
அரபு விரிவுரைகள்:
بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوۡعِدُهُمۡ وَٱلسَّاعَةُ أَدۡهَىٰ وَأَمَرُّ
46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo kharaar.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٖ
47. Hubaal kuwa denbiilayaasha ah waxay ku sugan yihiin habow (adduunka), Aakhirona dhex ahaan dab ololaya.
அரபு விரிவுரைகள்:
يَوۡمَ يُسۡحَبُونَ فِي ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ ذُوقُواْ مَسَّ سَقَرَ
48. Maalinka marka wejiyadooda lagu dhex jiidi Naarta (waxaa lagu odhan): Dhadhamiya taabashada Naarta.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّا كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَٰهُ بِقَدَرٖ
49.Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar.
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்கமர்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக