Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்அன்பால்   வசனம்:

Al-anfaal

يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡأَنفَالِۖ قُلِ ٱلۡأَنفَالُ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَصۡلِحُواْ ذَاتَ بَيۡنِكُمۡۖ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
1.Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) qaniimooyinka waxaa leh Alle iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah. Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَإِذَا تُلِيَتۡ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُهُۥ زَادَتۡهُمۡ إِيمَٰنٗا وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
2. Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay cabsato oo nuglaato quluubtoodu marka la xuso Alle 'weyneyn iyo ka heybeysi darti', marka Aayadahiisa loo akhriyona ay u kordhiyaan Iimaan; Rabbigood (Keliyana) tala saarta oo isku halleeya.
அரபு விரிவுரைகள்:
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo waxa aan siinnay wax ka bixiya (sadaqaysta).
அரபு விரிவுரைகள்:
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقّٗاۚ لَّهُمۡ دَرَجَٰتٌ عِندَ رَبِّهِمۡ وَمَغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ
4. Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku leeyihiin darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiisa, iyo denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.
அரபு விரிவுரைகள்:
كَمَآ أَخۡرَجَكَ رَبُّكَ مِنۢ بَيۡتِكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقٗا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لَكَٰرِهُونَ
5. Siduu Rabbigaa kaaga soo saaray gurigaaga si xaq ah1, inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay kahanayeen.
1. Inaad u baxdo dagaalkii Badar waxay la mid tahay siduu kuu amray inaad ugu qaybiso qanoomiyinka dagaalka si xaq ah dhexdood, oo labaduba ahaa khayr.
அரபு விரிவுரைகள்:
يُجَٰدِلُونَكَ فِي ٱلۡحَقِّ بَعۡدَ مَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى ٱلۡمَوۡتِ وَهُمۡ يَنظُرُونَ
6. Waxay kaala doodayeen2 xaqa kaddib markuu u caddaaday, (waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya.
2. Waxay tilmaameysaa dooddii dhex martay muslimiinta xagga qaybinta qaniimada dagaalka. Alle wuxuu u qaybshay qaniimooyinka si xaq ah sida uu u amrayba Nabiga s.c.w. inuu kaga baxo guriga oo u aado dagaalka Badar si xaq ah. Ad-Dabari waxaa ku qoran inay ka baxeen guriga iyagoo u socda dagaalka Badar.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَإِذۡ يَعِدُكُمُ ٱللَّهُ إِحۡدَى ٱلطَّآئِفَتَيۡنِ أَنَّهَا لَكُمۡ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيۡرَ ذَاتِ ٱلشَّوۡكَةِ تَكُونُ لَكُمۡ وَيُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُحِقَّ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَيَقۡطَعَ دَابِرَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
7. (Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Alle idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood3 inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan4, Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada.
3. Colka ka yimid Makkah ama safarkii badeecada siday ee ka yimid Suuriya.
4. Abuu Sufyaan wuxuu ka yimid safar Suuriya ah isagoo badeecad aad u tiro badan ka keenay. Qolo hubeysanna waxay ka yimaadeen xagga Makkah, waxaana hoggaaminayey Cutba bin Rabiicah, iyo Abuu Jahal.
அரபு விரிவுரைகள்:
لِيُحِقَّ ٱلۡحَقَّ وَيُبۡطِلَ ٱلۡبَٰطِلَ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
8. Si uu (Alle) u sugo Xaqa, oo u buriyo baa- dilka haba nacbeystaan denbiilayaashee.
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்அன்பால்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக