Check out the new design

แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ * - สารบัญ​คำแปล

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Al-Hijr   อายะฮ์:
قَالَ هَٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِيٓ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ
71. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii16, haddaad yeeleysaan (inaad guursataan).
16. Gabdhaha qoonkiisa ee u bannaan inay guursadaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
لَعَمۡرُكَ إِنَّهُمۡ لَفِي سَكۡرَتِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
72. Waa igu Cimrigaaga'e (Nabi Muxammadow), waxay indho la’aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii17
17. Waxaa caadada Carabta ka mid aheyd inay ku dhaartaan qofka cumrigiisa. Wuxuu halkan Alle ku dhaartay cumriga Nabi Muxammad s.c.w. taasoo muujineysa meeqaankiisa iyo meesha weyn uu Nabigu s.c.w. ka joogo Alle kor ahaaye. Alle wuxuu doono buu ku dhaartaa, dadkuse waa ka xaaraan inay ku dhaartaan waxaan Alle ahayn.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُشۡرِقِينَ
73. Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba;
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَجَعَلۡنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن سِجِّيلٍ
74. Waxaana u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡمُتَوَسِّمِينَ
75. Arrinkaas waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٖ مُّقِيمٍ
76. Waxayna ku taal (magaaladaasi)18 waddo weli la deggan yahay.
18. Magaalada Sodom ee u dhow badda meytan ee hadda loo yaqaan Al-Baxrul Mutawasid ama Mideterean.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
77. Arrinkaas waxaa ugu sugan calaamo mu’miniinta.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَإِن كَانَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ لَظَٰلِمِينَ
78. Dadkii degganaa hawdkana19 waxay iyaguna ahaayeen daalimiin (gar diid).
19. Dadka Aykah ama reer hawdka ama keynta waa qoonkii Shuacyb. Aykah waxay ahayd meel u dhow Madyan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٖ مُّبِينٖ
79. Markaasaan ka aargudannay. Waxayna labaduba20 ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro.
20. Waxaa loola jeedaa magaalooyinka qoonkii Luud iyo Shucayb (Jetro).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَقَدۡ كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡحِجۡرِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
80. Dadkii degganaana dhadhaabka (reer Thamuud)waxay beeniyeen Rususha (Alle).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَءَاتَيۡنَٰهُمۡ ءَايَٰتِنَا فَكَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ
81. Waxaanuna siinnay Aayadahayagii, waxayse ahaayeen kuwa ka jeesada.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَكَانُواْ يَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ
82. Waxay ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo iyago aamin ah.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُصۡبِحِينَ
83. Markaasaa waxaa qabtay qeylo (qarax) weyn waaberkiiba.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
84. Waxbana uma tarin waxay kasbadeen (oo maal ah iyo dhismooyin dhaadheer).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٞۖ فَٱصۡفَحِ ٱلصَّفۡحَ ٱلۡجَمِيلَ
85. Umana aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan Xaq ahayn. Hubaalna Saacadda (Qiyaame) way imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ
86. Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba Ogsoonaha ah.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ سَبۡعٗا مِّنَ ٱلۡمَثَانِي وَٱلۡقُرۡءَانَ ٱلۡعَظِيمَ
87. Waxaan dhab ahaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota (Suuradda Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
لَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّنۡهُمۡ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
88. Ha u taagin indhahaaga waxaanu ugu raaxeynay qaybo ka mid ah (gaalada), hana u murugoon una raarici (nuglee) garabkaaga (u muuji naxariis) mu’miniinta.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَقُلۡ إِنِّيٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلۡمُبِينُ
89. Dheh: Anigu waxaan ahay dige cad.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
كَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَى ٱلۡمُقۡتَسِمِينَ
90. Sidaan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii (Yuhuudda iyo Nasaarada)*.
*Fiiro gaar ah: tafsiir kale waa sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday dhibka xaqa iyo diiddadi oo loola jeedo mushrikiintii Carbeed.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
 
แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Al-Hijr
สารบัญสูเราะฮ์ หมายเลข​หน้า​
 
แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ - สารบัญ​คำแปล

แปลโดย อับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ

ปิด