Check out the new design

แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ * - สารบัญ​คำแปล

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: An-Nahl   อายะฮ์:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ لَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا عَبَدۡنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖ نَّحۡنُ وَلَآ ءَابَآؤُنَا وَلَا حَرَّمۡنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ فَهَلۡ عَلَى ٱلرُّسُلِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
35. Kuwa Alle u shariig yeela waxay yidhaahdaan: Hadduu Alle doono ma aanu caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, mana xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee ma waxaa saaran Rususha waxaan aheyn gaarsiin cad?
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَقَدۡ بَعَثۡنَا فِي كُلِّ أُمَّةٖ رَّسُولًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱجۡتَنِبُواْ ٱلطَّٰغُوتَۖ فَمِنۡهُم مَّنۡ هَدَى ٱللَّهُ وَمِنۡهُم مَّنۡ حَقَّتۡ عَلَيۡهِ ٱلضَّلَٰلَةُۚ فَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
36. Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Alle Keliya, kana dheeraada Dhaaquut (sheydaanka iyo cibaadada wax Alle ka soo hadhay). Waxaa ka mid ah kuwo Alle uu hanuuniyey, waxaana ka mid ah kuwo habowga ku waajibay. Ee mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta beeniyayaasha (Xaqa).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
إِن تَحۡرِصۡ عَلَىٰ هُدَىٰهُمۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي مَن يُضِلُّۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ
37. Haddaad ku dadaashid hanuunkooda, Alle ma hanuuniyo cid uu lumiyo [8], mana helaan wax u soo gargaara (Aakhirada).
8. Sababta doorashadooda inay diidaan hanuunka.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَا يَبۡعَثُ ٱللَّهُ مَن يَمُوتُۚ بَلَىٰ وَعۡدًا عَلَيۡهِ حَقّٗا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
38. Waxay ku dhartaan Alle dhaarahooda kuwa ugu adag inuusan Alle soo bixineyn cid dhimatay. Haayoo waa ballan saaran oo Xaq ah, dadkuse badankiisu ma oga.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
لِيُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِي يَخۡتَلِفُونَ فِيهِ وَلِيَعۡلَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ كَانُواْ كَٰذِبِينَ
39. (Waa) si uu ugu caddeeyo (abbaarta) waxay isku khilaafsan yihiin, iyo inay ogaadaan kuwa gaalooba inay ahaayeen beenaalayaal.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
إِنَّمَا قَوۡلُنَا لِشَيۡءٍ إِذَآ أَرَدۡنَٰهُ أَن نَّقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
40. Sideedaba Qowlkayagu markaan wax doonno waa oo Keliya inaan ku nidhaahno: "Ahaw” waana uu yahay.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَٱلَّذِينَ هَاجَرُواْ فِي ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْ لَنُبَوِّئَنَّهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗۖ وَلَأَجۡرُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
41. Kuwa u soo haajira Alle Darti, kaddib markii la dulmiyey, Waxaan ku siin meeqaan wanaagsan adduunka, ajarka Aakhiraana ka weyn, hadday ogaan lahaayeen.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
42. Kuwa samra oo Rabbigood tala saarta.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
 
แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: An-Nahl
สารบัญสูเราะฮ์ หมายเลข​หน้า​
 
แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ - สารบัญ​คำแปล

แปลโดย อับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ

ปิด