Check out the new design

แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ * - สารบัญ​คำแปล

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Al-Hajj   อายะฮ์:
ٱلۡمُلۡكُ يَوۡمَئِذٖ لِّلَّهِ يَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡۚ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
56. Xukunka Maalinkaas waxaa iska leh Allaah, Wuxuu kala xukumi dhexdooda. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay geli beeraha barwaaqada ah (Janno).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا فَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
57. Kuwase gaalooba ee beeniya Aayadahayaga, kuwaa weeye kuwa leh cadaab dulleysa.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَٱلَّذِينَ هَاجَرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ قُتِلُوٓاْ أَوۡ مَاتُواْ لَيَرۡزُقَنَّهُمُ ٱللَّهُ رِزۡقًا حَسَنٗاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّٰزِقِينَ
58. Kuwa u soo haajira Alle darti, markaa la dilo ama dhinta, Wuxuu Alle siin risiq wanaagsan. Alle waa Kan u wanaagsan inta bixisa risiqa.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
لَيُدۡخِلَنَّهُم مُّدۡخَلٗا يَرۡضَوۡنَهُۥۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَلِيمٌ حَلِيمٞ
59. Wuxuu galin meel gelitaan ay ka raalli noqon (Janno). Alle waa wax kasta Ogsoone, Dul qaad Badan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
۞ ذَٰلِكَۖ وَمَنۡ عَاقَبَ بِمِثۡلِ مَا عُوقِبَ بِهِۦ ثُمَّ بُغِيَ عَلَيۡهِ لَيَنصُرَنَّهُ ٱللَّهُۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٞ
60. Waa sidaase, kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, hubaal Alle wuu u gargaari. Allese waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan18.
18. Isagoo awooda inuu aar guto. Waxaa laga qaadanayaa Aayadda inay sidoo kale mu’miniinta wax cafiyaan iyagoo aar goosan kara.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعُۢ بَصِيرٞ
61. Arrinkani waxaa ku wacan inuu Alle habeenka dhex geliyo maalinta, maalintana dhex geliyo habeenka (kala badiyo), Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ هُوَ ٱلۡبَٰطِلُ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡكَبِيرُ
62. Arrinkani waxaa ku wacan waa in Alle uu yahay Xaq, iyo in waxay baryaan (caabudaan) sokadi uu yahay Baadil, iyo in Alle yahay Sarreeyaha, Weyn .
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَتُصۡبِحُ ٱلۡأَرۡضُ مُخۡضَرَّةًۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٞ
63. Miyaanad arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas dhulku noqdo doog? Hubaal, Alle waa Roonaan Badane, Xog-Ogaal ah.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَهُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ
64. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hubaal, Alle waa Hodonka (ka deeqtoon wax waliba) la ammaanoo Mahadsan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
 
แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Al-Hajj
สารบัญสูเราะฮ์ หมายเลข​หน้า​
 
แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ - สารบัญ​คำแปล

แปลโดย อับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ

ปิด