Check out the new design

แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ * - สารบัญ​คำแปล

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Ar-Rūm   อายะฮ์:

Ar-ruum

الٓمٓ
1. Alif laam-miim [2].
1. Arruum : waa Biizantayiintii (Imbaraadoorayadii hore ee Roomaanka) . 2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda koowaad.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
غُلِبَتِ ٱلرُّومُ
2. Ruum waxaa lagaga adkaaday.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فِيٓ أَدۡنَى ٱلۡأَرۡضِ وَهُم مِّنۢ بَعۡدِ غَلَبِهِمۡ سَيَغۡلِبُونَ
3. Dhulka soke ee hooseeya (Shaam), iyaguna, kaddib markii laga adkaaday [3], way adkaan doonaan.
3. Waxaa ka adkaaday Furus. Furus ama Peershiya waa magacii hore ee loo yiqiin Iiraan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فِي بِضۡعِ سِنِينَۗ لِلَّهِ ٱلۡأَمۡرُ مِن قَبۡلُ وَمِنۢ بَعۡدُۚ وَيَوۡمَئِذٖ يَفۡرَحُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
4. Dhowr sano gudahood, Amarka Alle baa iska leh hor iyo gadaalba. Maalintaasayna mu’miniintu ku farxi [4].
4. Guusha uu Alle siin ehlu kitaabka darteed, ay ka guuleysan Furuskii dab caabudka ahaa waagaas.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
بِنَصۡرِ ٱللَّهِۚ يَنصُرُ مَن يَشَآءُۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
5. Gargaarka Alle, wuxuu (Alle) u gargaaraa cidduu doono, waana Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَعۡدَ ٱللَّهِۖ لَا يُخۡلِفُ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
6. Waa Ballan Alle, kama uu baxo Alle Ballankiisa, dadka badankiisuse ma oga.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
يَعۡلَمُونَ ظَٰهِرٗا مِّنَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُمۡ عَنِ ٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ غَٰفِلُونَ
7. Waxay yaqaanaan (dadku) daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, nolosha dambe se (Aakhirada) way moog yihiin.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
أَوَلَمۡ يَتَفَكَّرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۗ مَّا خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَأَجَلٖ مُّسَمّٗىۗ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ بِلِقَآيِٕ رَبِّهِمۡ لَكَٰفِرُونَ
8. Miyeyna ka fakarin nafahooda: Alle uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo magacaaban? In badan oo dadka ka mid ahna waxay beeniyaan la kulanka Rabbigood.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗ وَأَثَارُواْ ٱلۡأَرۡضَ وَعَمَرُوهَآ أَكۡثَرَ مِمَّا عَمَرُوهَا وَجَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
9. Miyeyna marin (gaalada) dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay (ee beeniyey Rusushii Alle)? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog iyo awood badan, waxay beerteen dhulka oo u dhiseen si ka badan siday kuwani u dhiseen, waxaana halkaa ula yimid xujooyin cad Rusushii loo soo diray. Alle ma aha mid dulmiya (dadka), iyaga baase nafahooda ku dulmiya (macaasi).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ثُمَّ كَانَ عَٰقِبَةَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔواْ ٱلسُّوٓأَىٰٓ أَن كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَكَانُواْ بِهَا يَسۡتَهۡزِءُونَ
10. Markaasay noqotay cidhibtii kuwii xuma falay xumaan (Naar), beenintay Aayadaha Alle beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo ku jees-jeesa.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ٱللَّهُ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
11. Alle baa billaabay uunka, haddana dib u soo nooleyn (dhimasho kaddib), Xaggiisaana la idiin soo celin.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُبۡلِسُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
12. Maalintay dhici Saacadda (Qiyaame) way quusan denbiilayaashu.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَمۡ يَكُن لَّهُم مِّن شُرَكَآئِهِمۡ شُفَعَٰٓؤُاْ وَكَانُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ كَٰفِرِينَ
13. Ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuway (Alle) la wadaajiyeen (cibaadada), waxayna dafiri kuway Alle la wadaajiyeen (cibaadada).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوۡمَئِذٖ يَتَفَرَّقُونَ
14. Maalintay dhici Saacaddu waa Maalintay kala bixi (dadku).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَهُمۡ فِي رَوۡضَةٖ يُحۡبَرُونَ
15. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha falay, waxaa lagu maamuusi beer (Janno) gudaheed iyagoo faraxsan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَلِقَآيِٕ ٱلۡأٓخِرَةِ فَأُوْلَٰٓئِكَ فِي ٱلۡعَذَابِ مُحۡضَرُونَ
16. Kuwase gaaloobay oo beeniyey Aayadahayaga iyo kulanka Aakhirada - kuwaa cadaabka ayaa lagu kulmin.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ حِينَ تُمۡسُونَ وَحِينَ تُصۡبِحُونَ
17. Ee Xurmad weyneeya Alle oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) markaad galabsataan [5] iyo markaad waabariisataanba [6].
5. Salaadaha Maghribka iyo Cishaha.
6. Salaadda Subax.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَعَشِيّٗا وَحِينَ تُظۡهِرُونَ
18. (Alle) baana leh ammaan idilkeed iyo mahad samooyinka iyo arlada gudahood, oo mudan ammaan iyo mahdin Casarka iyo duhurnimadaba [7].
7. Salaadaha Duhurka iyo Casarka. Cashiyyan waxaa sidoo kale lagu fasiray habeenka waqtiga caweysinka - Cishaha.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
يُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّ وَيُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ وَكَذَٰلِكَ تُخۡرَجُونَ
19. Wuxuu (Alle) ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنۡ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ إِذَآ أَنتُم بَشَرٞ تَنتَشِرُونَ
20. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Awooddiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) inuu idinka abuuray carro, mise waxaad tihiin dad ku faafa arlada.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنۡ خَلَقَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٰجٗا لِّتَسۡكُنُوٓاْ إِلَيۡهَا وَجَعَلَ بَيۡنَكُم مَّوَدَّةٗ وَرَحۡمَةًۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
21. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna lammaan idinla nooc ah si aad ugu xasishaan, Wuxuu dhexdiinna yeelay kalgacal iyo naxariis, hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ خَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱخۡتِلَٰفُ أَلۡسِنَتِكُمۡ وَأَلۡوَٰنِكُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡعَٰلِمِينَ
22. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo kala duwanaanta carrabyadiinna iyo midabya- diinna. Hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa aqoonta leh.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ مَنَامُكُم بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَٱبۡتِغَآؤُكُم مِّن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ
23. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna habeenka iyo doonashadiinna Deeqdiisa maalinta. Xaqiiq Waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin ciddii wax maqli.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ يُرِيكُمُ ٱلۡبَرۡقَ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَيُنَزِّلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَيُحۡيِۦ بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَآۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
24. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, Wuxuu ka soo dejiyaa biyo (roob) daruuraha oo ku nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax fahmi.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن تَقُومَ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ بِأَمۡرِهِۦۚ ثُمَّ إِذَا دَعَاكُمۡ دَعۡوَةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ إِذَآ أَنتُمۡ تَخۡرُجُونَ
25. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku taagan yihiin (jiraan) Amarkiisa, haddana markuu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo baxeysaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ كُلّٞ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ
26. (Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligood Isagay u hoggaansan yihiin (oo adeecaan).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَهُوَ ٱلَّذِي يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَهُوَ أَهۡوَنُ عَلَيۡهِۚ وَلَهُ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
27. Waa Kan billaabay uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, wayna u fududdahay arrintaasu. Isagaa iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda. Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ضَرَبَ لَكُم مَّثَلٗا مِّنۡ أَنفُسِكُمۡۖ هَل لَّكُم مِّن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن شُرَكَآءَ فِي مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ فَأَنتُمۡ فِيهِ سَوَآءٞ تَخَافُونَهُمۡ كَخِيفَتِكُمۡ أَنفُسَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
28. Wuxuu idiin yeelay tusaale nafahiinna ah, miyey idinla wadaaagaan kuway midigtiinnu hanato waxa aan idin siinnay oo aad idinku u wada siman tihiin oo aad uga cabsataan sidaad isaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii wax fahmi.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
بَلِ ٱتَّبَعَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَهۡوَآءَهُم بِغَيۡرِ عِلۡمٖۖ فَمَن يَهۡدِي مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ
29. Hase yeeshee, kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) waxay raacaan hawadooda cilmi la'aan, ee yaa hanuunin mid uu Alle lumiyo? Mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَأَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفٗاۚ فِطۡرَتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي فَطَرَ ٱلنَّاسَ عَلَيۡهَاۚ لَا تَبۡدِيلَ لِخَلۡقِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
30. Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Alle ku beeray dadka. Waa inaysan jirin beddelaad uunka Alle (iyo diintiisa), sidaa uu (kugu amray) baa ah Jidka Toosan, dadka badankiisuse ma ay oga.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
۞ مُنِيبِينَ إِلَيۡهِ وَٱتَّقُوهُ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
31. (idinkoo) Alle u noqon oo tawbad keen ah, dhowrana (amarradiisa), oo ooga salaadda, hana ka mid ahaannina Mushrikiinta.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
مِنَ ٱلَّذِينَ فَرَّقُواْ دِينَهُمۡ وَكَانُواْ شِيَعٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ
32. Kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday kooxo, xizbi walbaa waxay haystaan [8] ay ku faraxsan yihiin.
8. Waxay heystaan oo caqiidooyin ah, caadooyin , dhaqammo, iwm.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَإِذَا مَسَّ ٱلنَّاسَ ضُرّٞ دَعَوۡاْ رَبَّهُم مُّنِيبِينَ إِلَيۡهِ ثُمَّ إِذَآ أَذَاقَهُم مِّنۡهُ رَحۡمَةً إِذَا فَرِيقٞ مِّنۡهُم بِرَبِّهِمۡ يُشۡرِكُونَ
33. Markuu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (cid kale) Rabbigood u shariig yeelaan oo la wadaajiyaan cibaadada.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡۚ فَتَمَتَّعُواْ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
34. Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) waad ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
أَمۡ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٗا فَهُوَ يَتَكَلَّمُ بِمَا كَانُواْ بِهِۦ يُشۡرِكُونَ
35. Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, oo sheegi waxay Alle u shariig yeelaan?
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَإِذَآ أَذَقۡنَا ٱلنَّاسَ رَحۡمَةٗ فَرِحُواْ بِهَاۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ إِذَا هُمۡ يَقۡنَطُونَ
36. Markaan dhadhsansiinno dadka Naxariis, way ku farxaan, haddayse soo gaarto xumaato ay sababtay waxay gacmahoodu horey u geysteen (oo denbiyo ah), mise wayba quustaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
37. Miyeyna arkayn inuu Alle u ballaariyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono).Waxaa arrinkani xaqiiq ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn (Xaqa).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَـَٔاتِ ذَا ٱلۡقُرۡبَىٰ حَقَّهُۥ وَٱلۡمِسۡكِينَ وَٱبۡنَ ٱلسَّبِيلِۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ يُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
38. Ee sii kan qaraabada kula ah xaqiisa iyo miskiinka iyo tub socotada (go'doonsan). Sidaasaa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Alle, waana kuwaa liibaanayaasha.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن رِّبٗا لِّيَرۡبُوَاْ فِيٓ أَمۡوَٰلِ ٱلنَّاسِ فَلَا يَرۡبُواْ عِندَ ٱللَّهِۖ وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن زَكَوٰةٖ تُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُضۡعِفُونَ
39. Waxaad bixisaan oo ribo ah, si aad uga badsataan maalka dadka [9], ma badnaado Alle agtiis; wixiise aad bixisaan oo sako [10] ah idinkoo doonaya Wejiga Alle, waa kuwaa kuwa heli ajar labo laab ah [11].
9. Weedhan waxay leedahay dhowr macne, waxaa ka mid ah macnooyinkaa: a) waxa loo bixiyo ribo ahaan ama kor saar b) waxa la bixiyo iyadoo lagu xiro shardi ah in la gudo iyadoo faa’ido la saartay ha yaraaato ama ha badnaatee faa’idadaa. Iyo c) inaad cid siiso hadiyad adigoo uga jeeda inaad ka hesho ciddaas aad hadiyadda siisay wax ka badan oo ka weyn hadiyadda aad siisay.
10. Sakada halkan waxaa sidoo kale soo galaya sadaqada tabaruca ah aad Dar Alle ula baxdo.
11. Waa loo labo jibbaaraa khayrka iyo barakooyinka lagu siiyo arlada iyo ajarka Aakhirada.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ ثُمَّ رَزَقَكُمۡ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يُحۡيِيكُمۡۖ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَفۡعَلُ مِن ذَٰلِكُم مِّن شَيۡءٖۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
40. Alle waa Kan idin abuuray, haddana idin irsaaqa, haddana idin dhinsiin, haddana idin soo nooleyn. Miyey jiraan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan), wuuna ka Sarreeyaa waxay u shariig yeelaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ظَهَرَ ٱلۡفَسَادُ فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ بِمَا كَسَبَتۡ أَيۡدِي ٱلنَّاسِ لِيُذِيقَهُم بَعۡضَ ٱلَّذِي عَمِلُواْ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
41. Waxaa ka muuqday fasahaad barriga iyo badda waxay gacmahu dadku kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), si uu Alle u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in u soo noqdaan (Xaqa).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلُۚ كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّشۡرِكِينَ
42. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta kuwii hore (ee beeniyey Xaqa). Waxay ahaayeen badankoodu gaalo mushrikiin ah.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَأَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ ٱلۡقَيِّمِ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٞ لَّا مَرَدَّ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِۖ يَوۡمَئِذٖ يَصَّدَّعُونَ
43. Ee u jeedi wejigaaga xagga diinta toosan (Islaamka) ka hor inta aysan ka imaan Alle Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi [12].
12. Waa la kala sooci kuwaa gali Jannada iyo kuwaa gali Naarta.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
مَن كَفَرَ فَعَلَيۡهِ كُفۡرُهُۥۖ وَمَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِأَنفُسِهِمۡ يَمۡهَدُونَ
44. Qofkii gaalooba (isaga bay dhibeysaa) gaalnimadiisu, qofkiise wanaag fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلۡكَٰفِرِينَ
45. Si uu Alle ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala deeqdiisa; hubaal Alle ma uu jecla gaalada.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن يُرۡسِلَ ٱلرِّيَاحَ مُبَشِّرَٰتٖ وَلِيُذِيقَكُم مِّن رَّحۡمَتِهِۦ وَلِتَجۡرِيَ ٱلۡفُلۡكُ بِأَمۡرِهِۦ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
46. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Weynidiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) inuu soo diro dabeylaha iyagoo ku bishaareyn (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan Deeqdiisa, inaad Alle ku mahdisaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَٱنتَقَمۡنَا مِنَ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْۖ وَكَانَ حَقًّا عَلَيۡنَا نَصۡرُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
47. Waxaan dhab ahaan u soo dirnay hortaa Rusul xagga dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, waana ka aarsannay kuwii denbi falay. Waa xaq na saaran u gargaarka mu’miniinta.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي يُرۡسِلُ ٱلرِّيَٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابٗا فَيَبۡسُطُهُۥ فِي ٱلسَّمَآءِ كَيۡفَ يَشَآءُ وَيَجۡعَلُهُۥ كِسَفٗا فَتَرَى ٱلۡوَدۡقَ يَخۡرُجُ مِنۡ خِلَٰلِهِۦۖ فَإِذَآ أَصَابَ بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦٓ إِذَا هُمۡ يَسۡتَبۡشِرُونَ
48. Alle waa Kan soo dira dabeylaha, markaas kicisa daruur, uu ugu fidiyo cirka siduu doono, kana dhiga goosimo, oo aad aragto roobka oo ka soo dhex baxaya, markuu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise way ku farxaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَإِن كَانُواْ مِن قَبۡلِ أَن يُنَزَّلَ عَلَيۡهِم مِّن قَبۡلِهِۦ لَمُبۡلِسِينَ
49. Inkastoo ay ahaayeen ka hor intaan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo quus ka joogay.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَٱنظُرۡ إِلَىٰٓ ءَاثَٰرِ رَحۡمَتِ ٱللَّهِ كَيۡفَ يُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَآۚ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
50. Ee fiiri raadadka Raxmadda Alle; siduu u nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal, Kaasi wuu soo nooleyn meytida. Alle wax walba wuu Karaa.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَئِنۡ أَرۡسَلۡنَا رِيحٗا فَرَأَوۡهُ مُصۡفَرّٗا لَّظَلُّواْ مِنۢ بَعۡدِهِۦ يَكۡفُرُونَ
51. Haddaan ku dirno dabeyl daran (beertooda), oo ay arkaan iyadoo doorsoontay oo caddaatay, waxay markaas noqdaan kuwo ka abaal dhaca 'Alle' [13].
13. Ka abaal dhacaan galladihuu siiyey.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَإِنَّكَ لَا تُسۡمِعُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَلَا تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوۡاْ مُدۡبِرِينَ
52. Ee adigu (Nabiyow) wax ma maqashiin kartid maytida, mana maqashiin kartid kuwa dhegaha la’ dhawaaqa, markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِ ٱلۡعُمۡيِ عَن ضَلَٰلَتِهِمۡۖ إِن تُسۡمِعُ إِلَّا مَن يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسۡلِمُونَ
53. Ma ka hanuunin kartid kuwa ka indha la’ (Xaqa) lunsanaantooda, cidna ma maqashiin kartid (Xaqa) aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo u hoggaansan (Muslimiimta ah).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
۞ ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن ضَعۡفٖ ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعۡدِ ضَعۡفٖ قُوَّةٗ ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعۡدِ قُوَّةٖ ضَعۡفٗا وَشَيۡبَةٗۚ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ وَهُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡقَدِيرُ
54. Alle waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Waana Isaga wax kasta Ogsoonaha, wax walba Kara.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُقۡسِمُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ مَا لَبِثُواْ غَيۡرَ سَاعَةٖۚ كَذَٰلِكَ كَانُواْ يُؤۡفَكُونَ
55. Maalinta saacadda (Qiyaame) dhacdona, waxay ku dhaaran denbiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaasay xaqa uga iishaan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ وَٱلۡإِيمَٰنَ لَقَدۡ لَبِثۡتُمۡ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡبَعۡثِۖ فَهَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡبَعۡثِ وَلَٰكِنَّكُمۡ كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
56. Kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan: Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Alle ilaa iyo maalinka isa soo Bixinta, marka kani waa Maalinkii isa soo bixinta, ma aydaanse ogeyn [14].
14. Macnaha waa ma aydaan rumeysneyn Xaqa.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مَعۡذِرَتُهُمۡ وَلَا هُمۡ يُسۡتَعۡتَبُونَ
57. Maalinkaas (Qiyaamaha) ma anfacdo kuwii falay dulmiga (shirki iyo macaasi) cudur daarasho iyo tawbad keen midna.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
وَلَقَدۡ ضَرَبۡنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٖۚ وَلَئِن جِئۡتَهُم بِـَٔايَةٖ لَّيَقُولَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا مُبۡطِلُونَ
58. Waxaan ugu soo qaadannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ
59. Sidaasuu Alle u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn [15].
15. Waa kuwa aan dooneyn inay bartaan Xaqa oo ku dhaqmaan ee ka dhoohan.
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۖ وَلَا يَسۡتَخِفَّنَّكَ ٱلَّذِينَ لَا يُوقِنُونَ
60. Ee samir yeelo, hubaal Ballanka Alle waa xaq, yeysanna ku liidsan kuwa aan (Aakhirada) yaqiinsaneyn (oo kaa dhigin mid aan ku sugnaan diintiisa).
ตัฟสีรต่างๆ​ ภาษาอาหรับ:
 
แปลความหมาย​ สูเราะฮ์: Ar-Rūm
สารบัญสูเราะฮ์ หมายเลข​หน้า​
 
แปล​ความหมาย​อัลกุรอาน​ - คำแปลภาษาโซมาเลีย - โดยอับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ - สารบัญ​คำแปล

แปลโดย อับดุลลอฮ์ หะซัน ยะอ์กูบ

ปิด