1. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha ka yeelina guryahiinna Qubuuro ee ku akhriya Qur'aanka, ogaadana gurigii lagu akhriyo suuradda Al-Baqarah ma soo galo shaydaan." W.w. Muslim iyo Axmad.
2. Suuradaha Qur’aanka qaarkood waxay ku billowdaan xarfaha alifbeetada, sida alif laam miim, alif laam raa, iwm waxay ka mid yihiin afar iyo toban xaraf oo ku billaabasho iyo furitaan ahaan ku soo arooray sagaal iyo labaatan suuuradood oo ku jira Qur’aanka.Waxaa la yidhi xuruuftaas waa magacyada suuradaha, waxaa sidoo kale la yidhi waa baraarujin iyo soo jeedin ahaan dadka, waxaa kaloo la yidhi, waa tilmaan in Qur’aanka uu ku soo degay afka Carabiga ee ka kooban xarfaha alifbeetada sidaas oy tahay ma jiro cid la imaan karta isagoo kale oo keeni karta oo waa kitaab mucjiz ah. Inkastoo siyaabahaas kala duwan loo fasiray, dhabta waxaa weeye Alle keliya baa u cilm u leh oo ogsoon macaanidooda, oo og muraadka uu ka leeyahay iyo wuxuu ula jeedo.
13. Marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku wax u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Ma waxaanu u rumeyn siday maangaabku u rumeeyeen? Ogaada, hubaal, waa iyaga kuwa maangaabka ahi, mase oga.
20. Hillaacu wuxuu sigaa inuu dafo arragooda, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaado dushooda way joogsadaan. Hadduu Alle doono, wuxuu la tegi lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Alle wax walba Wuu Karaa.
22. Allahaasoo idiinka yeelay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, idiinkana soo dejiyey daruuraha biyo (roob), kuna soo bixiyey midhaha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Alle shariikyo (ilaahyo been ah) aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon (inaysan jirin cid la mid ah).
23. Haddaad ka shakisan tihiinna waxaan ku soo dejinnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad) oo Waxyi ah, keena Suurad la mid ah (Qur’aanka), una yeedha markhaatiyadiinna (kaalmeeyayaashiinna) Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
26. Alle kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale - kaneeco ama wax ka sii yarba6. Ma kuwa rumeysan, waxay og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, kuwase gaalooba waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Alle tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, kuna hanuuniyaa in badan. Kumana habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha (macangagga ah).
6. Markay gaaladu yidhaahdeen: Maxaa looga jeedaa caarada iyo duqsiga lagu sheegay Qur’aanka buu Alle Kor ahaaye soo waxyooday Aayaddan.
27. Ee ah kuwa ka baxa ballanka Alle kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Alle uu amray in la xidhiidhiyo (oo la wanaajiyo sida qaraabada iyo deriska), ee ku fala fasahaad arlada, kuwaasi weeye kuwa khasaaray7.
7. Khasaaro ama fisiq (caasiyoobid) ama dulmi (gef - gardarro) ama kufri (gaalnimo) oo lagu sheego cidaan muslim ahayn waxaa loola jeedaa heer gaalnimo weyn ee diinta bannaanka lagaga yahay, wixii se khasaaro ama fisiq ama dulmi ama gaalnimo ah oo Alle ku sheego qof Muslim ah waxaa loola jeedaa inuu ku jiro denbi aad u weyn aanse diinta looga bixin.
36. Shaydaanka baase ka sidbiyey oo ka soo saaray (halkaa) ay ku jireen (Jannada); Waxaana nidhi: Ka dega (dhammaantiin halkan) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Waxaadna ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh.
41. Rumeeyana waxaan soo dejiyey (Qur’aanka) xaqiijinaya waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka), oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee ku gaalooba (Qur’aanka iyo Nabi Muxammad), hana siisannina Aayadahayga (ku cad Kutubtiinna ee ka hadlaya imaanshaha Nabi Muxammad) qiimo yar (si aad u qarisaan), Anigoo Keliyana iga cabsada (oo iska jira xumaha).
42. Hana ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah,oo ha qarinnina Xaqa (imaanshaha Nabi Muxammad ee ku qoran Kutubtiinna Towraadda iyo Injiilka) idinkoo ogsoon.
49. (Xus) markaan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon10, ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegtaan), waxaana taas ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
10. Fircoon waa naynaas lagu magacabi jirey boqorradii Masar ee waa’ hore jirey, waxaa ku soo arooray taariikhda in Fircoonkii xukumayey Masar waagii Muuse uu ahaa Menephthan ina Ramsiis.
60. (Xus) markuu Muuse u biyo doonay qolodiisii, markaasaan ku nidhi: Ku dhufo ushaada dhagaxa, waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood. Waxay (qolo) walbaa ogaadeen halkay ka cabbayaan biyaha. Cuna oo wax ka cabba risiqa Alle, hana ugu dhaqmina si foolxun arlada idinkoo ku faafinaya fasaad.
62. Hubaal kuwa rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan) iyo kuwii heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ah ee rumeeyay Alle iyo Maalinta dambe (Aakhiro) oo sama falay, waxay ka heli abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
66. Waxaana ka yeelnay ciqaabtan mid ay ku cibrad qaataan kuwaa joogay waqtigaa iyo kuwii ka dambeeyey iyo waano ku socota kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa) .
67. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Alle wuxuu idin amri inaad gowracdaan sac12. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu jeesjeesi. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Alle inaan ka mid noqdo jaahiliinta.
12. Xikmadda gowricidda saca waa si looga gooyo qalbiyadooda xurmeynta dibigii ay horay u caabudeen. Markiina qayb ka mid ah saca la gowracay lagu dhuftay ninkii la dilay. Wuxuu Alle u soo celiyey nafta ninkii, kaasoo u sheegay ninkii dilay.
73. Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) wax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaasuu Alle u soo nooleeyaa meytida, wuxuuna idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan.
74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed13. Allena ma mooga waxaad falaysaan.
13. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaan garan dhagax ku yiil Makkah oo I salaami jirey intaan lay soo dirin Nabi ahaan.”w.w. Muslim.
75. Ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan (Yuhuuddu) iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Alle, haddana beddelaan (Towraadda)14 intay fahmeen kaddib iyagoo og (inay gefsan yihiin)?
14. waxaa loolaa jeedaa Yuhuuddii ku nooleyd Madiina ee beddelay Towraadda gaar ahaan wixii ku saabsanaa oo la xiriiray imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w.
76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warramey- saan waxa uu Alle idiin caddeeyey 15, si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn?
15. Towraadda waxaa ku yiil caddeyn in Nabi Muxammad s.c.w. yahay kan lagu khatimayo anbiyada Alle, ha yeeshee Yuhuuddu way qariyeen iyagoo ka cabsaday inay ku dheef waayaan oo ka soo gaaro dhib iyo waxyeello.
78. Waxaa ka mid ah (ehlu Kitaabka) caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, ee se iska maleeya uun (inuusan Nabi Muxammad ku qorneyn Kutubtooda).
79. Hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Alle, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxay gacmahooda qoreen darteed, hoog bayna leeyihiin waxay kasbadaan darteed (oo denbiyo ah).
80. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Naari nama taabaneyso waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Alle, marka Alle ma ka baxo ballankiisa? Mise waxaad ka sheegeysaan Alle wax aydaan ogeyn?
85. Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qixiya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn denbi iyo colaad. Hadday idiin yimaadaanse iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qixintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad rumeyney- saan qaar ka mid ah Kitaabka oo diidey- saan in kale oo ka mid ah17? Muxuu yahay abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya (rumeeya Kitaabka qaar, diidana qaar) aan aheyn dulli nolosha adduunkan ah; Maalinta Qiyaamana waxaa loo celin cadaab tan ugu daran. Allena ma mooga waxaad falaysaan.
17. Dhammaan heshiiyadii iyo ballamahii ay galeen ilmo israa’iil ee ku xusan Aayadaha 83 iyo 84 waa ka baxeen oo khilaafeen. Waxaa taariikhda ku xusan in labadii qabiilood ee Yuhuudda ee ku nooleyd Madiina ee ahaa Banuu Quraydah iyo Banuu Nadiir uu ka dhexeeyey dagaal joogto ah, haddiise Yuhuudi ka tirsan labadan qabiilood ay qafaashaan qabiilo kale, sida qabiilada Aws oo xulufo la ahaa Banuu Quraydah, ama Khazraj oo xulufo la ahaa Banuu Nadiir waxay labada qabiiloba u kulmi jireen soo furashadiisa, waxay ahaayeen Yuhuuddu is eegato aan is oggoleyn.
89. Markuu uga yimid (Yuhuudi) Kitaab (Qur’aan) xagga Alle rumeynaya waxay haystaan (Towraadda), iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markuu u yimid (Nabi) ay garteen bay rumayn diideen. Ee naclad Alle dushooda ha ahaato gaalada.
90. Xumaa waxay ku gateen nafahooda, inay ku gaaloobaan waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah xasad darti in Alle uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho18. Gaaladuna waxay leeyihiin cadaab dulleysa.
18. Cadho loo geeyey cadho, cadhada hore waa khilaafiddoodii Nabi Muuse c.s. iyo diiddadooda Nabi Ciise c.s. , tan labaadna waa diiddadooda Nabi Muxammad s.c.w.
96. Waxaad heli inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu dadaal badan noolaansho, (waxay ka sii dadaal badan yihiin) weliba kuwa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Cimri dhererna kama fogeeyo in yarna ha ahaatee cadaabka uu mudan yahay. Allena wuu arkaa waxay falayaan.
100. Mar kasta oo ay ballan galaan (ah inay rumeeyaan Nabigii la soo diro oo ayan hiil siin mushrikiinta), waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu (Yuhuuddu) maba ay rumeysna (diinta ay sheegan).
102. Waxayna raaceen waxay shayaadiintu been shubayeen19 waqtiga xukunkii Sulaymaan. Sulaymaanna ma gaaloobin, shayaadiinta baase gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor ama nin) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa waxay ku kala furi kareen nin iyo xaaskiis, kumana waxyeelleyn karin cidna Isagoo Alle idmo ma’ahee. Waxay barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Waxayna ogaayeen (Yuhuudda in) kii iibsadaa (oo doortaa sixir halka Kitaabka Alle) inaanu ku lahaaneyn wax saami ah Aakhirada. Xumaa qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, hadday ogaan lahaayeen.
19. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u taga faal dhige wax sheega ama saaxir oo rumeysta waxa uu sheego waa qof ku gaaloobay waxa (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.” w.w. An-Nisaa’i.
104. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha odhannina Raacinaa (na dhowre, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, "undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn oo xun) oo ahaada daacad wax maqla. Gaaladana waxaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
106. Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Alle wax walba Karo?
110. Ooga Salaadda, bixiyana Zakada, wax waliboo khayr ahna aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli Alle agtii. Hubaal Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
112. Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Alle oo isagu sama fale ah (raaca dowga Nabi Muxammad s.c.w.), wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa (ah Janno) xagga Rabbigiis, mana ahaaneyso cabsi dushooda (xagga waxa soo socda ee arrinka Aakhirada) mana ka murugoodaan (waxa ku seega adduunka).
114. Yaa ka dulmi badan kan u diida (dadka) Masaajidda Alle, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi dulli adduunkan, waxayna leeyihiin cadaab weyn Aakhirada.
118.Kuwa aan waxba ogeyni (mushrikiinta) waxay yidhaahdeen: Muxuu Alle noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey (inaad Rasuul Alle tahay)? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan ciddii yaqiinsan.
121. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Qur’aanka) baa u akhriya siday tahay in loo akhriyo22, kuwaa baa rumeysan. Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) kuwaa weeye kuwa khasaari.
22. Kuwa u akhriya Qur’aanka si xaq ah waa kuwa ku dhaqma waxa uu Qur’aanku amro, oo ka jooga waxa uu ka reebay oo u akhriya sida uu Alle u soo dejiyey.”
125. (Xus) markaan ka dhignay Beytka (Kacbada) rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Kana yeesha meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Waxaanu u xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beytkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda.
132. Wuxuuna u dardaarmay isla arrinkaa Ibraahiim ilmahiisii, Yacquubna wuu u dardaarmay(wuxuu yidhi):Maandhooyinow! Alle wuxuu idiin doortay diintan (Islaamka) ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn.
140. Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinkaa ogsoon mise Alle? Yaa ka dulmi badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Alle? Allena ma mooga waxaad fashaan.
142. Maangaabyada ku dhex jira dadka (Yuhuudda iyo mushrikiinta qaarkood) waxay odhan: Maxaa ka duway qibladdooda ay lahaayeen23? Dheh: Bariga iyo galbeedkaba waxaa leh Allaah; Wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka).
23. Ka hor amarka ku soo arooray Aayadda 144 in Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa u jeedsadaan Kacbada Makkah ku taal markay tukanayaan, waxay u jeesan jireen Muslimiinta Qudus oo xagga waqooyiga ah. Hirgelinta beddelidda qiblada waxaa lagu xusay Aayadaha xiga.
144. Waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin Qiblad aad raalli ku tahay, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (ee Makkah), meel kastoona aad joogtaan, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Kuwa la siiyeyna Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Allena ma mooga waxaad fashaan.
145. Haddaad u keentona kuwa (madaxa adag) ee la siiyey kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) calaamo kasta ma ay raacayaan Qibladdaada. Adiguna ma ahid mid raacaya qibladdooda. Iyaguna ma aha kuwo raacaya Qibladda mid walbaa midka kale. Haddaad raacdona hawadooda kaddib Cilmiga kuu yimid, markaa waxaad ka mid noqon gar diidka.
148. Mid walba wuxuu leeyahay jiho uu u jeesto (iyo hadaf uu higsado) uu Alle u jeediyey. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Alle wuu idin wada keeni idinkoo dhan. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
150. Meel kastoo aad u baxdana (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wejiyadiinna jihadiisa (markaad tukanaysaan) si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee Aniga iga Baqa (Alle Keliya), si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan.
152. Ee i xusa aan idin Xusee25, oo ii mahad naqa hana iga abaal dhicina26.
25. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Haddaad keli igu xusto, waan ku xusi si keli ah Nafteyda, haddaad I xusto adigoo dad la joogana waxaan kugu xusi kulan ka khayr badan kiinna.”
26. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu jecel yahay inay nicmadda raadkeeda ka muuqato addoomahiisa.”
158. Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Alle. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beytka (Makkah ku yaal) ama u soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa (buur) dhexdood28, qofkii iskiis u falana khayr, hubaal Alle waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon.
28. Mu’miniinta qaar waxay ka baqeen inay arritani tahay wax ka mid ah dhaqankii jaahiliyadda, markaasuu Alle sheegay in sacyigu ka mid yahay acmaasha diinta. Socodka iyo rucleynta toddob jeer Safa iyo Marwa dhexooda marka la xajinayo ama la cumraysanayo, wuxuu Alle u sheegay inaysan denbi lahayn dawaafka labadaas buurood dhexdooda, waayo saxaabada qaarkood waxay ka dareemeen culays inay ku sacyiyaan halkaas, waayo waxay ahayd meel uu ka taagnaa sanam, oo waagii jaahiliyadda lagu sacyin jirey, si looga suuliyo dareenkaas buu Alle u soo dejiyey Aayaddaas.
160. Kuwa toobad keena mooyee ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa ay qariyeen). Kuwaa weeye kuwa aan ka toobad aqbali. Waxaana ahay Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
165. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Alle sokadi wax ay la mid dhigaan oo u shariig yeelaan ayna u jecel yihiin siday u jecel yihiin Alle. Kuwase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Alle. Hadday arki lahaayeenna kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale), markay arkaan cadaabka, in Xoog oo dhan uu leeyahay Alle, iyo in Alle uu Daran yahay Cadaabkiisu.
167. Kuwii raacayna waxay odhan: Haddii uun aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan uga barii noqon lahayn siday nooga barii noqdeen. Sidaasuu Alle u tusi acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Mana aha kuwo laga soo bixin Naarta.
168. Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan waxa laga helo dhulka30, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.
30. Waxaa la soo weriyey in Sacad bin Abii Waqqaas a.k.r. ku yidhi Nabiga s.c.w.: Alle ii bari inuu ducadayda aqbalo. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ahow xalaal quute, markaas ducadaada waa la aqbali.
172. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan31 oo aan idinku galladeysannay, una mahad naqa Alle (af, uur, iyo addinba), hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan.
31. Xadiis wuxuu leeyahay: “Alle wuu wanaagsan yahay, mana aqbalo waxaan ahayn wax xalaal lagu shaqeystey oo wanaagsan”.
174. Kuwa qariya waxa Alle soo dejiyey oo Kitaabka ah, siistana qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Alle lama hadlayo Maalinta Qiyaame, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
175. Kuwaa weeye kuwa iibsada habow halkii Hanuunka, iyo cadaab halkii Denbi Dhaafka. Ee ku dhiirranaa (denbiyada lagu galo) Naarta dabka aan dameyn ah.
180. Dardaaran baa la idinku waajibiyey markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaarmo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah33. Waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa) 34.
33. Dardaaranka waa inaysan dhaafin seddex maaleedoo meel maalka,
34. Aayaddanna lama xiriirto warasada, waayo waxaa lagu nasakhay Aayadda dhaxalka ee Suuradda An-Nisaa Aayadaha 11-12.
182. Qofkiise uga cabsada eex ama denbi dardaarmaha ee ka sameeya heshiis35 dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna denbi korkiisa. hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
35. Hagaajinta iyo sama ka talinta Aayaddu xustay waa amar in dardaarmaha uu ku caddaalad falo dardaarankiisa si waafaqsan xuduudda sharciga.
186. Markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, Anigu (waa Alle'e) waan dhowahay, waan ajiibaa baryada markuu qofku i baryo (toos, dhexeeye la'aan isagoo cidna ii soo marin sida anbiyo ama awliyo ama qeyrkood). Ee ha i ajiibeen hana i rumeeyeen, si ay u hanuunaan.
187. Waxaa la idiin banneeyay habeenka soonka inaad u galmootaan xaasaskiinna. Waxay idin yihiin hu’, idinkuna hu’ baad u tihiin. Alle wuu ogaa inaad khiyaamayseen nafahiinna39, wuuna idinka toobad aqbalay oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan u taga (galmooda) iyaga oo doona waxa Alle idiin qaddaray (oo ilmo ah), oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Hana u tegina (galmoonina xaasaskiinna) idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Alle ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Alle ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (shirkiga iyo xumaha kale).
39. Intayan soo degin Aayaddan, galmada ninka iyo naagtiisa ma bannaaneyn habeennada ka horreeya maalinta la soomayo. Qaarkood way ku adkaatay inay ka joogaan xaasaskooda oo si qarsoodi ah u caasiyeen, mase khiyaameyn Alle. Kaddib waa la idmay inuu habeenkii u tagi karo, maalintase aysan bannaaneyn.
188. Ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, idinkoo siin (laaluush) madaxda, si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka denbi idinkoo ogsoon.
189.Waxay wax kaa weydiin Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Mana aha samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda40, waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), ugana imaada guryaha albaabbadooda, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle si aad u liibaantaan.
40. Waagii jaahiliyaddda qofka u xarman Xajka wuxuu ka soo gali jirey guriga duleedka iyo halka dambe, oo kama soo geli jirin horay, markaasay asxaabtii wax ka weydiiyeen taasi Rasuulkii Alle, markaasay soo degtay Aayaddan.
193. La dagaallama (gaalada) si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi (iyo dulmi), Diintuna u ahaato tan Alle oo keliya. Hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn daalimiinta.
194. Bisha xurmadda gaarka ahi leh (dagaalka la idinku soo qaado) waxaa laga hortegi isla bishaa xurmadda gaarka ah leh, dhammaanna waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihi qisaas baa ah. Qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay oo kale41. Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, oo ogaada inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarradiisa).
41. Haddii la soo wareero muslimiinta bilaha leh xurmmadda gaarka ah ee dagaalku caaggan yahay (waa Muxarram, Rajab, Dul Qacdah, iyo Dul Xijjah) markaas waxaa u bannaan inay ka hortagaan weerarka isla bilahaas.
195. Ku bixiyana wax jidka Alle, hana isugu tuurina gacamahiinna tahluko (wax bixin la'aan), una sama fala (dadka); hubaal Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.
198. Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeq Rabbigiin49. Markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Alle Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa siduu idiin hanuuniyeyba, inkastoo arrinkani ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan.
200. Markaad dhammeysataan cibaadoo- yinkiinna, Xusa Alle sidaad u xustaan aabbayaashiin50 ama xusid ka badan51. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaah- da: Rabbigayow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahayn Aakhirada qaybna.
204. Waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Alle waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka53.
53. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle wuxuu dadka u neceb yahay qofka dabciga xun, qallafsan, ee doodda badan”.w.w. Al-Bukhaari.
208. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal! Wuxuu idiin yahay cadow cad.
210. Ma waxay sugi (kuwaa aan u hoggaansaneyn Alle) waxaan ahayn inuu Alle ugu yimaado hogollo daruuro cad ah (si uu u kala xukmiyo uunkiisa) iyo malaa’igtu (si ay u fuliyaan Amarradiisa)? Arrinka (horey) baa loo gooyey. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo idil.
214. Mise ma waxaad mooddaan inaad gelaysaan Jannada iyadoo aanay idiin iman wax la mid ahi wixii u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyey? Waxaa taabtay faqri iyo jirro oo la gilgilay jeer uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay la jirki ay yidhaahdeen: Goormuu iman Gargaarka Alle? Ogaada,
Hubaal, Gargaarka Alle wuu dhow yahay.
217. Waxay wax kaa weydiin bisha xurmadda gaarka ahi leh (Rajab iyo bilaha la midka ah) in la galo dagaal. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, (waxaase ka sii daran) Alle agti ka hor istaagidda dadka raacidda Jidka Alle iyo ku gaaloobiddiisa, in laga hor istaago dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, fidnadaana55 ka daran dilka. Ma dayn doonaanna (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Qofkii idinka mid ahna ee ka riddooba diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwaa weeye kuwa ay buri camalladooda adduun iyo aakhiraba, waana iyaga ehlu Naarka; wayna ku waari dhexdeeda weligood.
55. Fidno waxaa soo galaya macnooyinkeeda gaalnimo, khilaaf, kala tag, dagaallo sokeeye, dulmiga, caddibaadda, caddaalad darrada, isku dirka, iwm.
218. Kuwa rumeeyay (Xaqa) iyo kuwa soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, kuwaa waxay rajayn Naxariista Alle. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
219. Waxay wax kaa weydiin Khamriga56 iyo Qamaarka57. Dheh: Waxaa labadaba ku jira denbi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, denbigoodaase ka weyn waxtarkooda. Waxay ku weydiin maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaasuu Alle idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan.
56. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma zineysto zaaniga isagoo mu’min ah, mana cabbo qof khamri markuu cabbayo isagoo mu’min ah, qofna wax ma xado markuu wax xadayo isagoo mu’min ah. Mana boobo oo wax ma dhaco isagoo mu’min ah”.
57. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dhaarta oo ku yidhaahda dhaartiisa waa igu Allaat iyo Al-Cuzzaa ha yidhaahdo: Laa ilaaha illal Laah, qofkii ku yidhaahdana saaxiibki kaalay aan qamaarnee, ha ka joogo (qamaarka) oo ha la baxo sadaqo. W.w Al-Bukhaari.
222. Waxay wax kaa weydiin xaylka (dhiigga caadada ee dumarka ku dhaca). Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, hana u dhowaanina intay ka daahir noqdaan. Markay daahir noqdaan uga taga meesha Alle idinku amray; Hubaal Alle wuxuu jecel yahay kuwa toobad keenka badan, wuxuuna jecel yahay kuwa isdaahiriya.
223. Xaasaskiinnu waxay idiin yihiin beer, ee u taga beertiinna markaad doontaanba, una hormrsada (khayr) nafahiinna. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana inaad la kulmi doontaan, oo u bishaaree mu'miniinta.
224. Ha ka dhigina ku dhaarashadiina Alle wax idinka xanniba inaad sama fashaan oo ka joogtaan (xumaha), iyo inaad kala maslaxdaan dadka. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
226. Kuwa ka dhaarta xaasaskooda (in muddo ah inaysan u galmooneyn), waxaa la sugayaa afar bilood58, Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
58. Markay dhammaato muddada afarta bilood ah uu ka dhaartay xaaskiisa, waa in la joojiyo ilaa uu ka furo. Mana dhacayo furriinka jeer uu furo.
229. Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor (oo kolba mid ah aan isku mar aheyn), ee u haysta (xaasaskiinna) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Idiinmana bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Alle, ee ha ku xadgudbina. Qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Alle, waa kuwaa daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
231. Markaad furtaan haweenka, oo ay ku dhowaadaan gaaridda muddada loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Hana u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, qofkii sidaas fala, wuxuu dulmiyey naftiisa. Ha ka dhigannina Aayadaha Alle dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Alle korkiinna, iyo wuxuu idiin soo dejiyey oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle wax walba Og yahay.
232. Markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Alle baana ogsoon oo idinku ma ogidin.
235. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxaad sarbeebtaan59 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Alle wuu og yahay inaad xusi doontaan, hase ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur inaad ku dhahdaan maahee hadal wanaagsan, hana tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Ogaadana inuu Alle og yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Ogaadana inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
59. Waa haweenka ay ka dhinteen raggii qabay ama kuwo la furay furriin kama dambays ah, kuwase la furay furriin la soo ceshan karo ma aha in la doono ama xitaa si aan toos aheyn oo sarbeeb ah loogu muujiyo doonis guur.
240. Kuwa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay u dardaarmaan xaasaskooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn61, haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Allena waa Adkaade, Xakiim ah.
61. Arrinkan waxaa lagu nasakhay Aayadahaa dib laga soo dejiyey ee ku soo arooray 2: 234 iyo 4: 12
245. Kee baa amaahin Alle amaah wanaagsan (sadaqo la bixi ama siin deyn qof baahan kor saar la'aan) uu u labo laabaa laban laab badan? Allena wuu (ku) cidhidhiiyaa (risiqa cidduu doono) ama u ballaariyaa. Xaggiisaana la idiin soo celin.
246. Miyaadan ogaan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami Jidka Alle. (Nabigoodii) wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Alle innagoo nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Allena wuu og yahay daalimiinta.
249.Markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Alle wuxuu idinku imtixaani webi. Ee qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaasay ka cabbeen in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood,waxay yidhaahdeen: Badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan Idanka Alle, Allena wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha.
253. Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Alle (toos) ula hadlay (sida Aadam, Muuse, iyo Muxammad); wuxuuna kor u qaaday qaarkood darajooyin (Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise iyo Muxammad); Waxaanuna siinnay Ciise, ina Maryam, Xujooyin cad, oo ku xoojinnay Ruuxa Daahirka (Jabriil). Hadduu Alle doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, (wuxuuse siiyey akhyaar xagga diinta, sidaa awgeed) way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahoo rumeeyey, iyo kuwo gaaloobay. Hadduu Alle doonona, ma ay is dagaaleen, wuxuuse Alle falaa wuxuu doono.
255. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha iyo Maamulaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Mana koobi karaan (uumankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu62 wuu ka ballaadhan yahay oo koobaa samooyinka iyo arlada, mana cusleeyaan ilaalintoodu63, waana Sarreeyaha weyn64.
62. Kursiga waa halka cago dhigashada Alle Cazza Wajalla, mana jiro cid og sida uu yahay, waana inaan la isku khaldin Kursiga iyo Carshiga, Carshiga waa ka weyn yahay Kursiga oo wuxuu u yahay sida farraati yar ee lagu tuuray dhul hayjad ah. waxaa sidoo kale lagu fasiray Kursiga Cilmiga Alle.
63. Nabigu s.c.w. wuxuu mar weydiiyey Ubay bin Kacab: Aayaddee baa u weyn Qur’aanka? Ubay wuxuu ku jawaabay: Alle iyo Rasuulkiisa baa iga sii ogsoon. Markaasuu Nabigu s.c.w. mar kale weydiiyey: Ubay wuxuu yidhi: Aayatul Kursi. Markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha kuu shifoobo cilmiga Abuu Mundirow.
64. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii akhrista Aayatul Kursi habeenka marka uu seexanayo wuxuu Alle u yeelaa malag waardiya ah oo ilaaliya, umana soo dhowaado shaydaan ilaa waagu baryo”.
256. Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Hanuunka wuxuu noqday mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii ku gaalooba Daaquudka65 (shaydaanka) oo rumeeya Alle, wuxuu ku dhagey guntin adag oo aan go’ayn. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
65. Daaquud waa shaydaan iyo wax kastoo la caabudo Alle sokadi oo ku raalli ah arrinkaa. Waxaa soo galaya sidoo kale sanammada, arwaaxda, dadka la caabudo, iwm.
258. Miyaadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Alle siiyey boqortooyo darteed? Markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sababa dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho68. Ibraahiim wuxuu yidhi: Alle wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bari ee adigu ka soo saar xagga galbeed. Markaasuu kaa gaaloobay amakaag aamusay. Allena ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
68. Nooleyn isagoo midna sii daayey midna dilay, wuxuuna sidaas u yidhi oo u yeelay ku jeesjees Ibraahiim c.s.
259. Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Alle nooleyn tani dhimashadeeda kaddib? Markaasuu Alle sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaasuu soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; eegna dameerkaagii, waxaanuna kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Eeg lafaha, sidaan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay inuu Alle wax walba Karo.
262. Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Alle, markaas aan raacinin waxay bixiyeen waxtar sheegasho70 iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli Rabbigood agti, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
70. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma gali doono janno caasi waalidka, kan ugu faana dadka waxtar uu u sameeyey iyo abaal uu u galay ee sheegsheega, iyo khamriya cabka iyo beeniyaha Qaddarka. W.w. Axmad.
264. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. Marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada ah (madaxa adag).
267. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun71, oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho damuuqsi maahee. Ogaadana inuu Alle yahay Deeqtoone, Ammaanan.
71. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii sadaqeysta maal xaaraan ah lagama aqbalo, hadduu ka tagana maal xaaraan ah wuxuu ku noqon dab naareed”.
270. Waxaad bixisaanna oo sadaqo ah ama aad nadartaan oo nadar ah, Alle wuu ogsoon yahay. Daalimiintana ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).
272. Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Waxaad bixisaan oo khayr ah, idinka naf ahaantiinnay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Alle. Waxaad bixisaan oo khayr ahna waa la idiin oofin si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmineyn.
273. (Sadaqada) waxaa ugu mudan in la siiyo Fuqarada u heegan xayirmay Jidka Alle (jihaadka), ee aan kareyn dhoof iyo dhaqdhaqaaq dhulka (ay xoogsi ku raadsadaan) midka aan aqooni uu moodayo inay hodan yihiin naf samaantooda awgeed iyo ka dhowrsigooda (baryada), waxaad ku garan kartaan astaamahooda, ma ay baryaan dadka sideedaba. Waxaad bixisaanna oo khayr ah, Alle wuu Ogsoon yahay.
274. Kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
275. Kuwa Ribada qaata kama soo kacaan (qubuurahooda) waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabashadiisa u kaco72. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecu wax kale maahee waa sida ribada; Allena wuu xalaaleeyey beeca oo xarrimay Ribada. Qofkii waano uga timaaddo Rabbigi markaa ka reebtooma, wuxuu leeyahay wixii horay uu u qaatay (intaan la xarrimin oo looma raacanayo); arrinkiisana waxaa go’aankiisa leh Alle (oo cafiyey); qofkiise u noqda (ribada), waa kuwaa kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan.
72. Riba qaataha ma xasilo, ma deggana, oo waa sida qof waalan oo dhacdhacaya. 73. Ribadii la qaatay ka hor soo degidda Aayaddan way bannaan tahay inaan la soo celin.
277. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo ooga salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
279. Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Alle iyo Rasuulkiisu, haddaad toobad keentaan, waxaad leedihiin raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah)74.
74. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan ku imid habeenkii israha iyo micraajka dad aad u caloolo waaweyn oo xaalad xun ku jira, waxaan idhi waa kuwama kuwaani? Malaggii wuxuu yidhi: waa kuwa qaata ribada.”
282. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad kala deynsanaysaan deyn ilaa muddo magacaaban ah, qora. Hana idiinku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah. Oo yaanu qorahu diidin inuu u qoro sida uu Alle u baray, ee ha qoro, oo ha yeedhiyo (waxa la qorayo) kan xaqa (deynta) qaadan, oo ha dhowro (xilkuu saaray) Alle, Rabbigi, oo yaanu ka dhimin wax ka mid ah waxa lagu yeesho. Haddiise kan xaqa lagu leeyahay uu yahay mid makas ama daciif ah ama aanu awoodin inuu wax yeedhiyo, kan ugu dhow xigaalo ahaan ha u yeedhiyo si caddaalad ah, marag gashadana labo markhaati oo Raggiinna ka mid ah. Haddaanay joogin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si hadday middood u hilmaanto, ay u xusuusiso tan kale. Waa inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeedho (markhaati). Hana ka caajisina inaad qortaan (deynta aad kala qaadataan) ha yaraado ama ha badnaado ilaa muddadiisa la qabtay, tan baa caddaaladsan Alle agtiis oo toosan markhaati ahaan, oo ugu dhow si loo reebo shakiyo dhexdiinna gala, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax eed ahi korkiinna haddaydaan qorin. Ee marag u yeela markaad wax kala gadanaysaan. Oo yaan loo geysan wax dhibaato ah qore ama markhaati midkoodna, haddaad fashaan (dhibaato) waa caasinnimo idinku jirta. Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle; Alle wax buu idin bari, Allena wax waliba wuu Og yahay.
284. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo wax ku sugan arlada, haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan, Alle wuu idin ku xisaabin, markaas wuxuu u dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Allena wax walba wuu Karaa.
286. Alle ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (denbi) kasabtay Rabbigayow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbigayow! Ha na saarin culays sidaad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbigayow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur oo denbidhaaf, oo noo naxariiso76. Adigaa ah Gargaarahayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah77.
76. Wuxuu Alle swt ku soo gunaanuday Suuraddan u tilmaamidda addoomahiisa sida loo baryo iyo waxyaalo u fiican inay ka baryaan, siduu ugu barayba suuradda Faatixada sida loo ammaano oo looga dalbo hanuun.
77. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waa ay ku filan tahay qofkii akhirsta habeenkii labada Aayadood ee u dambeeya Suuradda Al-
Baqarah ”. Waxaa la yidhi waxay ugu filan tahay dhowris iyo xafidid, ama ka kaafisaa Salaatu Leylka.
Contents of the translations can be downloaded and re-published, with the following terms and conditions:
1. No modification, addition, or deletion of the content.
2. Clearly referring to the publisher and the source (QuranEnc.com).
3. Mentioning the version number when re-publishing the translation.
4. Keeping the transcript information inside the document.
5. Notifying the source (QuranEnc.com) of any note on the translation.
6. Updating the translation according to the latest version issued from the source (QuranEnc.com).
7. Inappropriate advertisements must not be included when displaying translations of the meanings of the Noble Quran.
Mga Resulta ng Paghahanap:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".