[1]. Suuradaha Qur’aanka qaarkood waxay ku billowdaan xarfaha alifbeetada, sida alif laam miim, alif laam raa, iwm waxay ka mid yihiin afar iyo toban xaraf oo ku billaabasho iyo furitaan ahaan ku soo arooray sagaal iyo labaatan suuradood oo ku jira Qur’aanka.Waxaa la yidhi xuruuftaas waa magacyada suuradaha, waxaa sidoo kale la yidhi waa baraarujin iyo soo jeedin ahaan dadka, waxaa kaloo la yidhi, waa tilmaan in Qur’aanka uu ku soo degay afka Carabiga ee ka kooban xarfaha alifbeetada sidaas oy tahay ma jiro cid la imaan karta isagoo kale oo keeni karta oo waa kitaab mucjiz ah. Inkastoo siyaabahaas kala duwan loo fasiray, dhabta waxaa weeye Alle keliya baa u cilm u leh oo ogsoon macaanidooda, oo og muraadka uu ka leeyahay iyo wuxuu ula jeedo.
[2]. Waa kuwa dhowra amarrada Alle ee iska jira shirkiga iyo xumaha kale sida gaalnimada, ku caasinta waalidka, xumeynta qaraabada iyo deriska, ku daadinta dhiig xaq darro, zinada, xatooyada, ribada, kibirka, sixirka, beenta, khiyaanada, qadafka, xasadka, xanta, diradirada, iwm.
[4]. Kutubta la soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w hortiis waa Towraadda, Injiilka, Zabuurka iyo Suxuftii Ibraahiim iyo kuwo kaleba.
[5]. Caad u diida qaadashada hanuunka. Arrintannina waxaa u sabab ah kibirkooda iyo ku madax adeyggooda denbiyada.
[6]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa lay amray inaan la dagaallamo dadka intay ka qiraan oo yidhaahdaan ma jiro ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah, iyo in Muxammad yahay Rasuulkii Alle, hadday sidaas yidhaahdaan way iga ilaashadeen dhiiggooda iyo maalkooda, waxaan xaq (Islaam ama xaq dadow) ahayn, xisaabintoodana waxaa leh Allaah Kor ahaaye.” (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim).
[7]. Markay gaaladu yidhaahdeen: Maxaa looga jeedaa caadhada iyo duqsiga lagu sheegay Qur’aanka buu Alle Kor ahaaye soo waxyooday Aayaddan.
[8]. Khasaaro ama fisiq (caasiyoobid) ama dulmi (gef - gardarro) ama kufri (gaalnimo) oo lagu sheego cidaan muslim ahayn waxaa loola jeedaa heer gaalnimo weyn ee diinta bannaanka lagaga yahay, wixii se khasaaro ama fisiq ama dulmi ama gaalnimo ah oo Alle ku sheego qof Muslim ah waxaa loola jeedaa inuu ku jiro denbi aad u weyn aanse diinta looga bixin.
[9]. Alle wuxuu baray Aadam kelmedo lagu tawbad dalbo uu ka aqbalay, waana kelmedaha ku soo arooray Suuradda Al- Acraaf Aayadda: 23.
[10]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa Maalinta Qiyaame la keeni nin oo lagu tuuri Naarta, markaasuu wuxuu ku dhex wareegaaleysan ehlu Naarka sida dameerka ugu wareegsado shiidkiisa, markaasay isugu soo ururi ehlu Naarka oo weydiin: Hebelow, ma waadan fari jirin samaanta oo reebi jirin xumaanta, markaasuu wuxuu odhan: Waxaan fari jirey samaanta mana fali jirin oo reebi jirey xumaanta anigaana fali jirey.”
[11]. Fircoon waa naynaas lagu magacabi jirey boqorradii Masar ee waa’ hore jirey, waxaa ku soo arooray taariikhda in Fircoonkii xukumayey Masar waagii Muuse uu ahaa Menephthan ina Ramsiis.
[12]. “ Is dila”. waxaa lagu fasiray kuwii aanan caabudin dibiga inay dilaan oo laayaan kuwii caabuday dibiga, qolo kale waxay ku fasirtay inay kuwii caabuday dibiga iyagu is dileen dhexdooda, waxaana jira qolo ku fasirtay in la amray inay is dilaan kuwaasi tawbad keen ahaan.
[13]. Xikmadda gowricidda saca waa si looga gooyo qalbiyadooda xurmeynta dibigii ay horay u caabudeen. Markiina qayb ka mid ah saca la gowracay lagu dhuftay ninkii la dilay. Wuxuu Alle u soo celiyey nafta ninkii, kaasoo u sheegay ninkii dilay.
[14]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaan garan dhagax ku yiil Makkah oo I salaami jirey intaan lay soo dirin Nabi ahaan.”w.w. Muslim.
[15]. waxaa loolaa jeedaa Yuhuuddii ku nooleyd Madiina ee beddelay Towraadda gaar ahaan wixii ku saabsanaa oo la xiriiray imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w.
[16]. Towraadda waxaa ku yiil caddeyn in Nabi Muxammad s.c.w. yahay kan lagu khatimayo anbiyada Alle, ha yeeshee Yuhuuddu way qariyeen iyagoo ka cabsaday inay ku dheef waayaan oo ka soo gaaro dhib iyo waxyeello.
[17]. Cabdullaah bin Mascuud a.k.r. Waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuul Allow camal kee baa u fiican? Wuxuu yidhi: Salaadda oo waqtigeeda la tukado, wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Labada waalid oo la wanaajiyo oo baarri loo ahaado. Wuxuu weydiiyey: Haddana maxaa xiga? Wuxuu yidhi: In loo jihaado Alle darti. (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim).
[18]. Dhammaan heshiiyadii iyo ballamahii ay galeen ilmo israa’iil ee ku xusan Aayadaha 83 iyo 84 waa ka baxeen oo khilaafeen. Waxaa taariikhda ku xusan in labadii qabiilood ee Yuhuudda ee ku nooleyd Madiina ee ahaa Banuu Quraydah iyo Banuu Nadiir uu ka dhexeeyey dagaal joogto ah, haddiise Yuhuudi ka tirsan labadan qabiilood ay qafaashaan qabiilo kale, sida qabiilada Aws oo xulufo la ahaa Banuu Quraydah, ama Khazraj oo xulufo la ahaa Banuu Nadiir waxay labada qabiiloba u kulmi jireen soo furashadiisa, waxay ahaayeen Yuhuuddu is eegato aan is oggoleyn.
[19]. Cadho loo geeyey cadho, cadhada hore waa khilaafiddoodii Nabi Muuse c.s. iyo diiddadooda Nabi Ciise c.s. , tan labaadna waa diiddadooda Nabi Muxammad s.c.w.
[20]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u taga faal dhige wax sheega ama saaxir oo rumeysta waxa uu sheego waa qof ku gaaloobay waxa (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.” w.w. An-Nisaa’i.
[21]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle wuu xaaraanshay muranka, maalka oo lagu baxsho wax xun oo reebban, ku tiri ku teenta, iyo su’aasha badan.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.
[22]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii fala camal cibaado ah aan waafaqsaneyn amarkayaga (amarka Nabiga) lagama aqbalayo.” W.w. Al-Bukhaari.
[23]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray qowlka Alle: فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ : "Meel walba oo aad u jeedsataan waa qiblo Ilaahay", sida abbaarta ahse ee sii saxsan labada qowl waa in lagu fasiro Wajiga Ilaahay, inkastoo labadaa qowl ee culimadu ku wada fasireen Aayadda is diidaynin.
[24]. Waa ehlu Naarka, waayo xilkaagu waa gaarsiinta diinta keliya oo xil kaama saarna rumeyntooda.
[25]. Kuwa u akhriya Qur’aanka si xaq ah waa kuwa ku dhaqma waxa uu Qur’aanku amro, oo ka jooga waxa uu ka reebay oo u akhriya sida uu Alle u soo dejiyey.
[26]. Ka hor amarka ku soo arooray Aayadda 144 in Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa u jeedsadaan Kacbada Makkah ku taal markay tukanayaan, waxay u jeesan jireen Muslimiinta Qudus oo xagga waqooyiga ah. Hirgelinta beddelidda qiblada waxaa lagu xusay Aayadaha xiga.
[27]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi waxaa loo yeedhi Nuux c.s.Maalinta Qiyaamaha oo dhihi: Waa I kan oo adeeggaaga ahay, khayr oo dhanna waa xaggaaga Rabbiyow. Alle wuxuu odhan: Ma gaarsiiyey Fartiinteydii ummaddaadii? Wuxuu odhan: Haah. Waxaa la weydiin doonaa ummaddiisa: Miyuu idin soo gaarsiiyey Fartiinteydii? Waxay ku jawaabi: mayee, nooma iman wax dige ah. Alle wuxuu ku dhihi Nuux: Yaa haddaba kuu markhaati ah? Nuux wuxuu odhan: Muxammad iyo ummaddiisa, markaasay uga marag kacayaan inuu gaarsiiyey Fartiintii Alle, Rasuulkuna s.c.w. idinku marag furi idinka, waana sidaas Qowlka Alle : "Waa si aad ugu ahaataan marag dadka, Rasuulkuna (Muxammad s.c.w.) ugu ahaado marag korkiinna". W.w. Al-Bukhaari.
[28]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Haddaad keli igu xusto, waxaan kugu xusi si keli ah Nafteyda, haddaad I xusto adigoo dad la joogana waxaan kugu xusi kulan ka khayr badan kiinna.”
[29]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu jecel yahay inay nicmadda raadkeeda ka muuqato addoomahiisa.”
[31]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa la yaab leh xaalka mu’minka, hadduu kheyr helo wuu mahdiyaa, waana u kheyr, haddii dhib ku dhacana wuu ku samraa, waxayna u noqotaa khayr. W.w. Al-Bukhaari.
[32]. Mu’miniinta qaar waxay ka baqeen inay arritani tahay wax ka mid ah dhaqankii jaahiliyadda, markaasuu Alle sheegay in sacyigu ka mid yahay acmaasha diinta. Socodka iyo rucleynta toddobo jeer Safa iyo Marwa dhexooda marka la xajinayo ama la cumraysanayo, wuxuu Alle u sheegay inaysan denbi lahayn dawaafka labadaas buurood dhexdooda, waayo saxaabada qaarkood waxay ka dareemeen culays inay ku sacyiyaan halkaas, waayo waxay ahayd meel uu ka taagnaa sanam, oo waagii jaahiliyadda lagu sacyin jirey, si looga suuliyo dareenkaas buu Alle u soo dejiyey Aayaddaas.
[33]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la warsado cilmi oo qariya isagoo og, waxaa lagu faruur xidhi Qiyaamaha faruur xidh dab ah”.
[34]. Waxaa la soo weriyey in Sacad bin Abii Waqqaas a.k.r. ku yidhi Nabiga s.c.w.: Alle ii bari inuu ducadayda aqbalo. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ahow xalaal quute, markaas ducadaada waa la aqbali.
[35]. Sida zinada, ku daadinta dhiig xaq darro, xatooyada, cabbista khamrada, ribada, iwm.
[36]. Xadiis wuxuu leeyahay: “Alle wuu wanaagsan yahay, mana aqbalo waxaan ahayn wax xalaal lagu shaqeystey oo wanaagsan”.
[37]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Sadaqo waxaa u fiican taad bixiso adigoo fayow, maal yar, rajeyn hodantinnimo, ka cabsan faqri”. W.w. Al-Xaakim.
[38]. Dardaaranka waa inaysan dhaafin seddex maaleedoo meel maalka,
[39]. Aayaddan lama xiriirto warasada, waayo waxaa lagu nasakhay Aayadda dhaxalka ee Suuradda An-Nisaa Aayadaha 11-12.
[40]. Hagaajinta iyo sama ka talinta Aayaddu xustay waa amar in dardaarmaha uu ku caddaalad falo dardaarankiisa si waafaqsan xuduudda sharciga.
[41]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo denbiyo ah”.
[42]. Sida qofka buka ama kuwa da’da ah iyo haweenta uurka leh iyo tan ilmo nuujineysa
[43]. Inuu quudiyo miskiin maalin walba uu afuro.
[44] Si toos ah, dhexeeye la'aan isagoo cidna ii soo marin sida anbiyo ama awliyo ama qeyrkood.
[45]. Intayan soo degin Aayaddan, galmada ninka iyo naagtiisa ma bannaaneyn habeennada ka horreeya maalinta la soomayo. Qaarkood way ku adkaatay inay ka joogaan xaasaskooda oo si qarsoodi ah u caasiyeen, mase khiyaameyn Alle. Kaddib waa la idmay inuu habeenkii u tagi karo, maalintase aysan bannaaneyn.
[46]. Waagii jaahiliyaddda qofka u xarman Xajka wuxuu ka soo gali jirey guriga duleedka iyo halka dambe, oo kama soo geli jirin horay, markaasay asxaabtii wax ka weydiiyeen taasi Rasuulkii Alle, markaasay soo degtay Aayaddan.
[47]. Haddii la soo wareero muslimiinta bilaha leh xurmmadda gaarka ah ee dagaalku caaggan yahay (waa Muxarram, Rajab, Dul Qacdah, iyo Dul Xijjah) markaas waxaa u bannaan inay ka hortagaan weerarka isla bilahaas.
[48].Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii xajiya isagoo aan xajkiisa kula iman galmo iyo af lagaaddo, wuxuu noqdaa isagoo denbi ka ah sida maalintay hooyadi dhashay.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.
[49]. Hadyi waxaa la yidhaahdaa waxa la gowraco si loogu kabo ka tegista waajib ka mid ah waajibyada Xajka, ama bixin kaffaarad haddaad fasho mid ka mid ah waxyaalaha ku caaggan Xajka.
[50]. Soomid seddex maalmood.
[51]. Quudin lix miskiin.
[52]. Gowrac neef adhi ah ama ido.
[53]. Bilaha xajka waa bisha Shawwaal, Dul Qacdah iyo Xajka.
[54]. Ar-Rafath waxaa loola jeedaa hadalka dareenka shahwada kiciya ama af lagaaddada ah ama galmada.
[55]. Ku sameynta ganacsi Xajka.
[56].Waxaa caado u ahayd Carabta kaddib gudashada Xajka xuska awoowooyinkood, markay soo degtay Aayaddan waxaa lagu beddelay caadadan xusidda Ilaahay.
[57]. Waxaa loola jeedaa dikirga halkan qowlka Allaahu akbar, Subxaanallaah, Al-Xamdu Lillaah, iwm.
[58]. Maalmo tirsan waa seddexda maalmood ee xiga maalinta Ciidda Adxada waana maalinta kow iyo tobnaad iyo maalinta labo iyo tobnaad iyo maalinta seddex iyo tobnaad , waxaana loo yaqaan ayaamu tashriiq maalmaha hilba waradka.
[59]. Waa maalinta 12aad ee Xajka.
[60]. Maalinta 13aad ee Xajka.
[61]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle wuxuu dadka u neceb yahay qofka dabciga xun, qallafsan, ee doodda badan”.w.w. Al-Bukhaari.
[62]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan u ballan qaadayaa guri ooggagga jannada ah qofkii iska daaya doodaha iyo muranka gartaba ha lahaadee, iyo guri jannada dhexdeeda ah qofkii iska daaya beenta kaftanba ha ula jeedee, iyo guri halka jannada u sarreysa ah qofkii dabciga iyo dhaqankiisu wanaagsan yahay. (W.w
Abuu Daawuud).
[63]. Fidno waxaa soo galaya macnooyinkeeda gaalnimo, khilaaf, kala tag, dagaallo sokeeye, dulmiga, caddibaadda, caddaalad darrada, isku dirka, iwm.
[64]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma zineysto zaaniga isagoo mu’min ah, mana cabbo qof khamri markuu cabbayo isagoo mu’min ah, qofna wax ma xado markuu wax xadayo isagoo mu’min ah. Mana boobo oo wax ma dhaco isagoo mu’min ah”.
[65]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dhaarta oo ku yidhaahda dhaartiisa waa igu Allaat iyo Al-Cuzzaa ha yidhaahdo: Laa ilaaha illal Laah, qofkii ku yidhaahdana saaxiibki kaalay aan qamaarnee, ha ka joogo (qamaarka) oo ha la baxo sadaqo. W.w Al-Bukhaari.
[66]. In muddo ah inaysan u galmooneyn.
[67]. Markay dhammaato muddada afarta bilood ah uu ka dhaartay xaaskiisa, waa in la joojiyo ilaa uu ka furo. Mana dhacayo furriinka jeer uu furo.
[68]. Waa haweenka ay ka dhinteen raggii qabay ama kuwo la furay furriin kama dambays ah, kuwase la furay furriin la soo ceshan karo ma aha in la doono ama xitaa si aan toos aheyn oo sarbeeb ah loogu muujiyo doonis guur.
[69]. Salaadda dhexe sida ku cad xadiis saxiix ah waa salaadda Casarka. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii ay si ula kac ah u dhaafto salaadda Casar ilaa uu waqtigeedu baxo waa sida inuu waayey oo dhaafeen ehelkiisa iyo maalkiisa”. Werin kale waxay leedahay: “waxaa qofkaasi bura camalkiisa san oo dhan”.
[70]. Arrinkan waxaa lagu nasakhay Aayadahaa dib laga soo dejiyey ee ku soo arooray 2: 234 iyo 4: 12
[71]. Kursiga waa halka cago dhigashada Alle Cazza Wajalla, mana jiro cid og sida uu yahay, waana inaan la isku khaldin Kursiga iyo Carshiga, Carshiga waa ka weyn yahay Kursiga oo wuxuu u yahay sida farraati yar ee lagu tuuray dhul hayjad ah. waxaa sidoo kale lagu fasiray Kursiga Cilmiga Alle.
[72]. Nabigu s.c.w. wuxuu mar weydiiyey Ubay bin Kacab: Aayaddee baa u weyn Qur’aanka? Ubay wuxuu ku jawaabay: Alle iyo Rasuulkiisa baa iga sii ogsoon. Markaasuu Nabigu s.c.w. mar kale weydiiyey: Ubay wuxuu yidhi: Aayatul Kursi. Markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha kuu shifoobo cilmiga Abuu Mundirow.
[73]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii akhrista Aayatul Kursi habeenka marka uu seexanayo wuxuu Alle u yeelaa malag waardiya ah oo ilaaliya, umana soo dhowaado shaydaan ilaa waagu baryo”.
[74]. Daaquud waa shaydaan iyo wax kastoo la caabudo Alle sokadi oo ku raalli ah arrinkaa.
[75]. Wali waxaa halkan loola jeedaa difaace, taageere, gargaare, sokeeye, iwm.
[76]. Nuurka waa mid oo waa Xaqa, halka mugdiyada badan yihiin sida shirkiga, gaalnimada, shakiga, nifaaqa, macaasida, iwm.
[77]. Isagoo midna sii daayey midna dilay, wuxuuna sidaas u yidhi oo u yeelay ku jeesjees Ibraahiim c.s.
[78]. Waxaa ku soo arooray xadiis in Nabigu s.c.w. yidhi: "Qofkii ku bixiya maal jidka Alle waxaa loo labo laabi toddobo boqol oo jeer."
[79]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma gali doono janno caasi waalidka, kan ugu faana dadka waxtar uu u sameeyey iyo abaal uu u galay ee sheegsheega, iyo khamriya cabka iyo beeniyaha Qaddarka. W.w. Axmad.
[80]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii sadaqeysta maal xaaraan ah lagama aqbalo, hadduu ka tagana maal xaaraan ah wuxuu ku noqon dab naareed”.
[81]. Riba qaataha ma xasilo, ma deggana, wuxuuna noqon sida qof waalan oo dhacdhacaya Maalinta Qiyaamaha.
[82]. Intaan la xarrimin oo looma raacanayo. Ribadii la qaatay ka hor soo degidda Aayaddan way bannaan tahay inaan la soo celin.
[83]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Waxaan ku imid habeenkii israha iyo micraajka dad aad u caloolo waaweyn oo xaalad xun ku jira, waxaan idhi waa kuwama kuwaani? Malaggii wuxuu yidhi: waa kuwa qaata ribada.”
[84]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa jirey nin ganacsade ah oo dadka wax amaahin jirey, markiise uu arko nin daneysan wuxuu odhan jirey: “U dhaafa oo iska cafiya si Alle noo cafiyo oo noogu denbi dhaafo, markaasuu Alle u denbi dhaafay.” w.w. Al-Bukhaari.
[85]. Wuxuu Alle swt ku soo gunaanuday Suuraddan u tilmaamidda addoomahiisa sida loo baryo iyo waxyaalo u fiican inay ka baryaan, siduu ugu barayba suuradda Faatixada sida loo ammaano oo looga dalbo hanuun.
[86]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waa ay ku filan tahay qofkii akhirsta habeenkii labada Aayadood ee u dambeeya Suuradda Al-
Baqarah ”. Waxaa la yidhi waxay ugu filan tahay dhowris iyo xafidid, ama ka kaafisaa Salaatu Leylka.