Check out the new design

Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob * - Indise ng mga Salin

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Salin ng mga Kahulugan Surah: Muhammad   Ayah:
إِنَّ ٱللَّهَ يُدۡخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَتَمَتَّعُونَ وَيَأۡكُلُونَ كَمَا تَأۡكُلُ ٱلۡأَنۡعَٰمُ وَٱلنَّارُ مَثۡوٗى لَّهُمۡ
12. Allaah wuxuu gelin kuwa (xaqa) rumeeyey oo fala samaha beero (Jannooyin) ay hoos qul-qulaan webiyo, kuwa gaalada ahina way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xooluhu wax u cunaan, Naartana waa hoygooda.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ هِيَ أَشَدُّ قُوَّةٗ مِّن قَرۡيَتِكَ ٱلَّتِيٓ أَخۡرَجَتۡكَ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡ فَلَا نَاصِرَ لَهُمۡ
13. Badanaa inta magaalo ka xoog badan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara.
Ang mga Tafsir na Arabe:
أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّهِۦ كَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُم
14. Ma qof (mu'min ah) xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah qof (gaal)camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda.
Ang mga Tafsir na Arabe:
مَّثَلُ ٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۖ فِيهَآ أَنۡهَٰرٞ مِّن مَّآءٍ غَيۡرِ ءَاسِنٖ وَأَنۡهَٰرٞ مِّن لَّبَنٖ لَّمۡ يَتَغَيَّرۡ طَعۡمُهُۥ وَأَنۡهَٰرٞ مِّنۡ خَمۡرٖ لَّذَّةٖ لِّلشَّٰرِبِينَ وَأَنۡهَٰرٞ مِّنۡ عَسَلٖ مُّصَفّٗىۖ وَلَهُمۡ فِيهَا مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ وَمَغۡفِرَةٞ مِّن رَّبِّهِمۡۖ كَمَنۡ هُوَ خَٰلِدٞ فِي ٱلنَّارِ وَسُقُواْ مَآءً حَمِيمٗا فَقَطَّعَ أَمۡعَآءَهُمۡ
15. Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin8, iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro (xalaal) ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; waxayna ku leeyihiin (Jannada) gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, lagana waraabin biyo karaya markaas goyn xiidmahooda.
8. Dhadhan iyo caraf ahaanba, ma aha kuwo doorsama ama wasakh gasho.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَمِنۡهُم مَّن يَسۡتَمِعُ إِلَيۡكَ حَتَّىٰٓ إِذَا خَرَجُواْ مِنۡ عِندِكَ قَالُواْ لِلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ مَاذَا قَالَ ءَانِفًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡ
16. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo ku dhegaysta (waqtiga khudbadda), markay ka baxaanna agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga9: Muxuu lahaa goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Alle daboolay quluubtooda, waxayna raacaan hawadooda (xun).
9. Ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَٱلَّذِينَ ٱهۡتَدَوۡاْ زَادَهُمۡ هُدٗى وَءَاتَىٰهُمۡ تَقۡوَىٰهُمۡ
17. Kuwa hanuunayna, (Alle) wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo.
Ang mga Tafsir na Arabe:
فَهَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗۖ فَقَدۡ جَآءَ أَشۡرَاطُهَاۚ فَأَنَّىٰ لَهُمۡ إِذَا جَآءَتۡهُمۡ ذِكۡرَىٰهُمۡ
18. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) inay ugu timaaddo kedis? Waxaase yimidba calaamooyinkee- dii, ee sidee bay u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo.
Ang mga Tafsir na Arabe:
فَٱعۡلَمۡ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مُتَقَلَّبَكُمۡ وَمَثۡوَىٰكُمۡ
19. Ee ogow (kuna sugnow) inuusan jirin Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan aheyn Alle, una denbi dhaaf dalab naftaada iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Allena wuu Og yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba.
Ang mga Tafsir na Arabe:
 
Salin ng mga Kahulugan Surah: Muhammad
Indise ng mga Surah Numero ng Pahina
 
Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob - Indise ng mga Salin

Isinalin ito ni Abdullah Hasan Yakub.

Isara