Check out the new design

Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob * - Indise ng mga Salin

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-Anfāl   Ayah:
وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ أَنتُمۡ قَلِيلٞ مُّسۡتَضۡعَفُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ تَخَافُونَ أَن يَتَخَطَّفَكُمُ ٱلنَّاسُ فَـَٔاوَىٰكُمۡ وَأَيَّدَكُم بِنَصۡرِهِۦ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
26. Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala dafin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan inaad ku mahdisaan (Alle).
Ang mga Tafsir na Arabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَخُونُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ وَتَخُونُوٓاْ أَمَٰنَٰتِكُمۡ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha khayaamina Alle iyo Rasuulka, hana khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَأَوۡلَٰدُكُمۡ فِتۡنَةٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجۡرٌ عَظِيمٞ
28. Oo ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Alle agtiisa yahay Abaalgud weyn (Janno).
Ang mga Tafsir na Arabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَتَّقُواْ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّكُمۡ فُرۡقَانٗا وَيُكَفِّرۡ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhowrtaan amarradiisa), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Rabbiga iska leh Fadliga Weyn.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَإِذۡ يَمۡكُرُ بِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيُثۡبِتُوكَ أَوۡ يَقۡتُلُوكَ أَوۡ يُخۡرِجُوكَۚ وَيَمۡكُرُونَ وَيَمۡكُرُ ٱللَّهُۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَٰكِرِينَ
30. (Xusuusta, Nabiyow) markay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; way tab dhigeen, Allena wuu tab dhigay, Allena waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا قَالُواْ قَدۡ سَمِعۡنَا لَوۡ نَشَآءُ لَقُلۡنَا مِثۡلَ هَٰذَآ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
31. Marka loo akhriyo Aayadahayaga, waxay yidhaahdaan: Waan maqallay (Qur’aanka); haddaan doonno waxaan odhan karnaa kanoo kale. (Waxa)kani ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَإِذۡ قَالُواْ ٱللَّهُمَّ إِن كَانَ هَٰذَا هُوَ ٱلۡحَقَّ مِنۡ عِندِكَ فَأَمۡطِرۡ عَلَيۡنَا حِجَارَةٗ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ أَوِ ٱئۡتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٖ
32. (Xusuusta) markay yidhaahdeen (jees jees ahaan): Allahayow! Hadduu (Qur’aan)kani xaq yahay Adiga kaa yimid, nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab xanuun badan (inaan beeninnay darteed).
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمۡ وَأَنتَ فِيهِمۡۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ مُعَذِّبَهُمۡ وَهُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ
33. Ma ahase Alle mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, mana aha mid cadaabaya iyagoo denbi dhaaf dalbi9.
9. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxaa jiray labo ammaan, Nabiga iyo denbi dhaaf dalabka, Nabigii waa tagay oo Alle baa oofsaday, marka waxaa haray denbi dhaaf dalabka.
Ang mga Tafsir na Arabe:
 
Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-Anfāl
Indise ng mga Surah Numero ng Pahina
 
Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob - Indise ng mga Salin

Isinalin ito ni Abdullah Hasan Yakub.

Isara