Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንፋል   አንቀጽ:
وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ أَنتُمۡ قَلِيلٞ مُّسۡتَضۡعَفُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ تَخَافُونَ أَن يَتَخَطَّفَكُمُ ٱلنَّاسُ فَـَٔاوَىٰكُمۡ وَأَيَّدَكُم بِنَصۡرِهِۦ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
26. Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala dafin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan inaad ku mahdisaan (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَخُونُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ وَتَخُونُوٓاْ أَمَٰنَٰتِكُمۡ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha khayaamina Alle iyo Rasuulka, hana khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَأَوۡلَٰدُكُمۡ فِتۡنَةٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجۡرٌ عَظِيمٞ
28. Oo ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Alle agtiisa yahay Abaalgud weyn (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَتَّقُواْ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّكُمۡ فُرۡقَانٗا وَيُكَفِّرۡ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhowrtaan amarradiisa), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Rabbiga iska leh Fadliga Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ يَمۡكُرُ بِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيُثۡبِتُوكَ أَوۡ يَقۡتُلُوكَ أَوۡ يُخۡرِجُوكَۚ وَيَمۡكُرُونَ وَيَمۡكُرُ ٱللَّهُۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَٰكِرِينَ
30. (Xusuusta, Nabiyow) markay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; way tab dhigeen, Allena wuu tab dhigay, Allena waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا قَالُواْ قَدۡ سَمِعۡنَا لَوۡ نَشَآءُ لَقُلۡنَا مِثۡلَ هَٰذَآ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
31. Marka loo akhriyo Aayadahayaga, waxay yidhaahdaan: Waan maqallay (Qur’aanka); haddaan doonno waxaan odhan karnaa kanoo kale. (Waxa)kani ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ قَالُواْ ٱللَّهُمَّ إِن كَانَ هَٰذَا هُوَ ٱلۡحَقَّ مِنۡ عِندِكَ فَأَمۡطِرۡ عَلَيۡنَا حِجَارَةٗ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ أَوِ ٱئۡتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٖ
32. (Xusuusta) markay yidhaahdeen (jees jees ahaan): Allahayow! Hadduu (Qur’aan)kani xaq yahay Adiga kaa yimid, nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab xanuun badan (inaan beeninnay darteed).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمۡ وَأَنتَ فِيهِمۡۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ مُعَذِّبَهُمۡ وَهُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ
33. Ma ahase Alle mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, mana aha mid cadaabaya iyagoo denbi dhaaf dalbi9.
9. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxaa jiray labo ammaan, Nabiga iyo denbi dhaaf dalabka, Nabigii waa tagay oo Alle baa oofsaday, marka waxaa haray denbi dhaaf dalabka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንፋል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት