Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንፋል   አንቀጽ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّمَن فِيٓ أَيۡدِيكُم مِّنَ ٱلۡأَسۡرَىٰٓ إِن يَعۡلَمِ ٱللَّهُ فِي قُلُوبِكُمۡ خَيۡرٗا يُؤۡتِكُمۡ خَيۡرٗا مِّمَّآ أُخِذَ مِنكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
70. Nabiyow! Ku dheh kuwaad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Alle ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin denbi dhaafi, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن يُرِيدُواْ خِيَانَتَكَ فَقَدۡ خَانُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ فَأَمۡكَنَ مِنۡهُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
71. Hadday doonaan inay ku khiyaamee- yaanna waxay horeba u khiyaameeyeen Alle. Markaasuu lib idin siiyey oo la laayey. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَٰٓئِكَ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۚ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يُهَاجِرُواْ مَا لَكُم مِّن وَلَٰيَتِهِم مِّن شَيۡءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُواْۚ وَإِنِ ٱسۡتَنصَرُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ فَعَلَيۡكُمُ ٱلنَّصۡرُ إِلَّا عَلَىٰ قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٞۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
72. Kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu jihaaday maalkooda iyo nafahooda jidka Alle iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray - kuwaa ayaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale. Kuwase rumeeyey aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idiinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo qolo uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, Allena wuu arkaa waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٍۚ إِلَّا تَفۡعَلُوهُ تَكُن فِتۡنَةٞ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَفَسَادٞ كَبِيرٞ
73. Kuwa gaalada ah qaaroodba xulufo buu u yahay qaarka kale, haddii aydaan (Muslimiintoy) sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri dhulka fasahaad weyn17.
17. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii la magaacabo labo madaxweyne (khaliifo oo ay isku qabsadaan xukunka) dila labada midkoodii dambeeyey ee gardaran”. W.w. Muslim. Marka waa inay muslimiinta oo idil leeyihiin hal khaliifo (madaxwyne) oo ay is baheystaan dhammaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقّٗاۚ لَّهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ
74. Kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwaa waa mu’miniinta dhabta ah, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنۢ بَعۡدُ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ مَعَكُمۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ مِنكُمۡۚ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ
75. Kuwase rumeeyey waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaaday la jirkiin, kuwaa waa idinka mid. Qaraabada baana qaarkoodba ka mudan yahay qaarka kale sida Kitaabka Alle qoray18. Hubaal, Alle wax kasta wuu Ogsoon yahay.
18. Tani waxay ku gaar tahay oo keliya qaraabada muslimiinta ah. Kuwa aan muslimka ahayn waxaa wax lagu siin karaa saami in loo dardaarmo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንፋል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት