Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንፋል   አንቀጽ:
وَإِن يُرِيدُوٓاْ أَن يَخۡدَعُوكَ فَإِنَّ حَسۡبَكَ ٱللَّهُۚ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَيَّدَكَ بِنَصۡرِهِۦ وَبِٱلۡمُؤۡمِنِينَ
62. Hadday doonaanna inay ku dhagraan, waxaa kugu Filan Alle, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey Gargaarkiisa iyo mu’miniintaba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَلَّفَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡۚ لَوۡ أَنفَقۡتَ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا مَّآ أَلَّفۡتَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ أَلَّفَ بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّهُۥ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
63. Oo isu soo dumay quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, Alle baase mideeyey. Hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَسۡبُكَ ٱللَّهُ وَمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
64. Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ عَلَى ٱلۡقِتَالِۚ إِن يَكُن مِّنكُمۡ عِشۡرُونَ صَٰبِرُونَ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ
65. Nabiyow! Ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh (iyo tababar fiican), waxay ka adkaan labo boqol, hadday idinka mid yihiin boqol (tababar fiican leh iyo samir iyo adkeysi), waxay ka adkaan kun kuwa gaaloobay ah18, waayo waa dad aan wax fahmayn.
18. Macnaha waa qofkii wuxuu ku aadi toban iyaga ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلۡـَٰٔنَ خَفَّفَ ٱللَّهُ عَنكُمۡ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمۡ ضَعۡفٗاۚ فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ صَابِرَةٞ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمۡ أَلۡفٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفَيۡنِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ
66. Haatan Alle wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, wuxuu og yahay inay tabar yari idin heyso. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, oo hadday idinka mid yihiin kun idinka mid ah (oo samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan labo kun Alle Idankii19. Alle wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha.
19. Waa qofkii wuxuu ku aadi labo iyaga ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَكُونَ لَهُۥٓ أَسۡرَىٰ حَتَّىٰ يُثۡخِنَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ ٱلدُّنۡيَا وَٱللَّهُ يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
67. Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Alle) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Alle (idinla) rabaa Aakhirada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّوۡلَا كِتَٰبٞ مِّنَ ٱللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمۡ فِيمَآ أَخَذۡتُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
68. Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Alle ah ee hore uu u gooyey20, waxaa idinku soo gaari lahaa waxaad qaadateen cadaab daran.
20. Seddex siyaalood baa loo fasiray weedha xukun xagge Alle ah oo aan halkan ku xuseyno: 1.kaasoo lagu cafiyey asxaabtii Badar,2. in gefafka aan ula kaca ahayn loo ciqaabin, 3. in la idiin banneeyey qaniimooyinka dagaalka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكُلُواْ مِمَّا غَنِمۡتُمۡ حَلَٰلٗا طَيِّبٗاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
69. Cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah.
Alle ka cabsada (oo dhowra Amarradiisa). Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንፋል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት