Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 戦利品章   節:
وَإِن يُرِيدُوٓاْ أَن يَخۡدَعُوكَ فَإِنَّ حَسۡبَكَ ٱللَّهُۚ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَيَّدَكَ بِنَصۡرِهِۦ وَبِٱلۡمُؤۡمِنِينَ
62. Hadday doonaanna inay ku dhagraan, waxaa kugu Filan Alle, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey Gargaarkiisa iyo mu’miniintaba.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَأَلَّفَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡۚ لَوۡ أَنفَقۡتَ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا مَّآ أَلَّفۡتَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ أَلَّفَ بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّهُۥ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
63. Oo isu soo dumay quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, Alle baase mideeyey. Hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَسۡبُكَ ٱللَّهُ وَمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
64. Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ عَلَى ٱلۡقِتَالِۚ إِن يَكُن مِّنكُمۡ عِشۡرُونَ صَٰبِرُونَ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ
65. Nabiyow! Ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, hadday idinka mid yihiin boqol (samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan kun kuwa gaaloobay ah [19], waayo waa dad aan wax fahmayn.
19. Macnaha waa qofkii wuxuu ku aadi toban iyaga ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱلۡـَٰٔنَ خَفَّفَ ٱللَّهُ عَنكُمۡ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمۡ ضَعۡفٗاۚ فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ صَابِرَةٞ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمۡ أَلۡفٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفَيۡنِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ
66. Haatan Alle wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, wuxuu og yahay inaad tabar yar tihiin. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, oo hadday idinka mid yihiin kun (samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan labo kun Alle Idankii [20]. Alle wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha.
20. Waa qofkii wuxuu ku aadi labo iyaga ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَكُونَ لَهُۥٓ أَسۡرَىٰ حَتَّىٰ يُثۡخِنَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ ٱلدُّنۡيَا وَٱللَّهُ يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
67. Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Alle) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Alle (idinla) rabaa Aakhirada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَّوۡلَا كِتَٰبٞ مِّنَ ٱللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمۡ فِيمَآ أَخَذۡتُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
68. Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Alle ah ee hore uu u gooyey [21], waxaa idinku soo gaari lahaa waxaad qaadateen cadaab daran.
21. Seddex siyaalood baa loo fasiray weedha xukun xagge Alle ah oo aan halkan ku xuseyno: 1.kaasoo lagu cafiyey asxaabtii Badar, 2. in gefafka aan ula kaca ahayn loo ciqaabin, 3. in la idiin banneeyey qaniimooyinka dagaalka.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَكُلُواْ مِمَّا غَنِمۡتُمۡ حَلَٰلٗا طَيِّبٗاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
69. Cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah.
Alle ka cabsada (oo dhowra Amarradiisa). Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 戦利品章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる