Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ آیت: (143) سورت: بقرہ
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَٰكُمۡ أُمَّةٗ وَسَطٗا لِّتَكُونُواْ شُهَدَآءَ عَلَى ٱلنَّاسِ وَيَكُونَ ٱلرَّسُولُ عَلَيۡكُمۡ شَهِيدٗاۗ وَمَا جَعَلۡنَا ٱلۡقِبۡلَةَ ٱلَّتِي كُنتَ عَلَيۡهَآ إِلَّا لِنَعۡلَمَ مَن يَتَّبِعُ ٱلرَّسُولَ مِمَّن يَنقَلِبُ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِۚ وَإِن كَانَتۡ لَكَبِيرَةً إِلَّا عَلَى ٱلَّذِينَ هَدَى ٱللَّهُۗ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُضِيعَ إِيمَٰنَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِٱلنَّاسِ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٞ
143. Sidaasaan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka [28], iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Kamana aanaan dhigin qibladdaad qaabili jirtay, waxaan ahayn inay kala muuqato qofka raaca Rasuulka iyo kan cirbihiisa rogta (gaalooba). Waxayna aheyd wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Alle. Allena ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaadahiinnii hore). hubaal, Alle dadka waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay.
28. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi waxaa loo yeedhi Nuux c.s.Maalinta Qiyaamaha oo dhihi: Waa I kan oo adeeggaaga ahay, khayr oo dhanna waa xaggaaga Rabbiyow. Alle wuxuu odhan: Ma gaarsiiyey Fartiinteydii ummaddaadii? Wuxuu odhan: Haah. Waxaa la weydiin doonaa ummaddiisa: Miyuu idin soo gaarsiiyey Fartiinteydii? Waxay ku jawaabi: mayee, nooma iman wax dige ah. Alle wuxuu ku dhihi Nuux: Yaa haddaba kuu markhaati ah? Nuux wuxuu odhan: Muxammad iyo ummaddiisa, markaasay uga marag kacayaan inuu gaarsiiyey Fartiintii Alle, Rasuulkuna s.c.w. idinku marag furi idinka, waana sidaas Qowlka Alle : "Waa si aad ugu ahaataan marag dadka, Rasuulkuna (Muxammad s.c.w.) ugu ahaado marag korkiinna". W.w. Al-Bukhaari.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ آیت: (143) سورت: بقرہ
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں