Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 段: (143) 章: 拜格勒
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَٰكُمۡ أُمَّةٗ وَسَطٗا لِّتَكُونُواْ شُهَدَآءَ عَلَى ٱلنَّاسِ وَيَكُونَ ٱلرَّسُولُ عَلَيۡكُمۡ شَهِيدٗاۗ وَمَا جَعَلۡنَا ٱلۡقِبۡلَةَ ٱلَّتِي كُنتَ عَلَيۡهَآ إِلَّا لِنَعۡلَمَ مَن يَتَّبِعُ ٱلرَّسُولَ مِمَّن يَنقَلِبُ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِۚ وَإِن كَانَتۡ لَكَبِيرَةً إِلَّا عَلَى ٱلَّذِينَ هَدَى ٱللَّهُۗ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُضِيعَ إِيمَٰنَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِٱلنَّاسِ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٞ
143. Sidaasaan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka28, iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Kamana aanaan dhigin qibladdaad qaabili jirtay, waxaan ahayn inay kala muuqato qofka raaca Rasuulka iyo kan cirbihiisa rogta (gaalooba). Waxayna aheyd wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Alle. Allena ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaadahiinnii hore). hubaal, Alle dadka waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay.
28. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi waxaa loo yeedhi Nuux c.s.Maalinta Qiyaamaha oo dhihi: Waa I kan oo adeeggaaga ahay, khayr oo dhanna waa xaggaaga Rabbiyow. Alle wuxuu odhan: Ma gaarsiiyey Fartiinteydii ummaddaadii? Wuxuu odhan: Haah. Waxaa la weydiin doonaa ummaddiisa: Miyuu idin soo gaarsiiyey Fartiinteydii? Waxay ku jawaabi: mayee, nooma iman wax dige ah. Alle wuxuu ku dhihi Nuux: Yaa haddaba kuu markhaati ah? Nuux wuxuu odhan: Muxammad iyo ummaddiisa, markaasay uga marag kacayaan inuu gaarsiiyey Fartiintii Alle, Rasuulkuna s.c.w. idinku marag furi idinka, waana sidaas Qowlka Alle : "Waa si aad ugu ahaataan marag dadka, Rasuulkuna (Muxammad s.c.w.) ugu ahaado marag korkiinna". W.w. Al-Bukhaari.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 段: (143) 章: 拜格勒
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭