Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: مؤمنون   آیت:

A-lmu'minuun

قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
1.Waxaa dhab ahaan liibaani mu’miniinta.
عربی تفاسیر:
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ
2. Ee ah kuwa salaaddooda ku khushuuca.
عربی تفاسیر:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنِ ٱللَّغۡوِ مُعۡرِضُونَ
3. Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun.
عربی تفاسیر:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ
4. Ee ah kuwa fala zakada (bixiya).
عربی تفاسیر:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ
5. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah.
عربی تفاسیر:
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ
6. Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee1, laguma eedo taasi;
1. Ma aha addoon ama addoonad mid aan lagu soo qafaalan dagaal lala galay gaalada.
عربی تفاسیر:
فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ
7. Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha.
عربی تفاسیر:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ
8. Ee ah kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra.
عربی تفاسیر:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمۡ يُحَافِظُونَ
9. Ee ah kuwa xafida salaadahooda.
عربی تفاسیر:
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡوَٰرِثُونَ
10. Waa kuwaa dhaxlayaasha.
عربی تفاسیر:
ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡفِرۡدَوۡسَ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
11. Kuwa dhaxli Al-Firdaws (Jannada sare) way ku dhex waadhi weligood.
2. Firdaws waa qaybta ugu heer sarreysa Jannada.
عربی تفاسیر:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن طِينٖ
12. Waxaan dhab ahaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo.
عربی تفاسیر:
ثُمَّ جَعَلۡنَٰهُ نُطۡفَةٗ فِي قَرَارٖ مَّكِينٖ
13. Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic mani ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka).
عربی تفاسیر:
ثُمَّ خَلَقۡنَا ٱلنُّطۡفَةَ عَلَقَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡعَلَقَةَ مُضۡغَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡمُضۡغَةَ عِظَٰمٗا فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَٰمَ لَحۡمٗا ثُمَّ أَنشَأۡنَٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحۡسَنُ ٱلۡخَٰلِقِينَ
14. Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha3.
3. Kan ugu farsamo wanaagsan ee ah abuuraha Keliya ee Runta ah.
عربی تفاسیر:
ثُمَّ إِنَّكُم بَعۡدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ
15. Markaas kaddib, waad dhimaneysaan.
عربی تفاسیر:
ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تُبۡعَثُونَ
16. Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin.
عربی تفاسیر:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا فَوۡقَكُمۡ سَبۡعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلۡخَلۡقِ غَٰفِلِينَ
17. Waxaana xaqiiq abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog uunka.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: مؤمنون
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں