Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ሙዕሚኑን   አንቀጽ:

A-lmu'minuun

قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
1.Waxaa dhab ahaan liibaani mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ
2. Ee ah kuwa salaaddooda ku khushuuca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنِ ٱللَّغۡوِ مُعۡرِضُونَ
3. Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ
4. Ee ah kuwa fala zakada (bixiya).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ
5. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ
6. Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee1, laguma eedo taasi;
1. Ma aha addoon ama addoonad mid aan lagu soo qafaalan dagaal lala galay gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ
7. Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ
8. Ee ah kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمۡ يُحَافِظُونَ
9. Ee ah kuwa xafida salaadahooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡوَٰرِثُونَ
10. Waa kuwaa dhaxlayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡفِرۡدَوۡسَ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
11. Kuwa dhaxli Al-Firdaws (Jannada sare) way ku dhex waadhi weligood.
2. Firdaws waa qaybta ugu heer sarreysa Jannada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن طِينٖ
12. Waxaan dhab ahaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ جَعَلۡنَٰهُ نُطۡفَةٗ فِي قَرَارٖ مَّكِينٖ
13. Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic mani ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ خَلَقۡنَا ٱلنُّطۡفَةَ عَلَقَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡعَلَقَةَ مُضۡغَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡمُضۡغَةَ عِظَٰمٗا فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَٰمَ لَحۡمٗا ثُمَّ أَنشَأۡنَٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحۡسَنُ ٱلۡخَٰلِقِينَ
14. Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha3.
3. Kan ugu farsamo wanaagsan ee ah abuuraha Keliya ee Runta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ إِنَّكُم بَعۡدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ
15. Markaas kaddib, waad dhimaneysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تُبۡعَثُونَ
16. Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا فَوۡقَكُمۡ سَبۡعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلۡخَلۡقِ غَٰفِلِينَ
17. Waxaana xaqiiq abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog uunka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ሙዕሚኑን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት