Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ሙዕሚኑን   አንቀጽ:
بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
90. Waxaanse u keennay Xaq, oo xaqiiq waana beenalayaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ مِن وَلَدٖ وَمَا كَانَ مَعَهُۥ مِنۡ إِلَٰهٍۚ إِذٗا لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَٰهِۭ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
91. Alle ma yeelan wiil (ilmo), mana aha la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, oo qaarkood waxay ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah (ceeb iyo nuqsaan oo dhan) waana ka Sarreeyaa waxyaalaha ay ku tilmaamayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
92. Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda! Wuu ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّي مَا يُوعَدُونَ
93. Dheh: Rabbiyow! Haddaad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبِّ فَلَا تَجۡعَلۡنِي فِي ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
94. Rabbiyow! Ha iga mid yeelin qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّا عَلَىٰٓ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمۡ لَقَٰدِرُونَ
95. Annaguna inaan xaqiiqdii ku tusno waxaan ugu gooddinno waan Awoodnaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ ٱلسَّيِّئَةَۚ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَصِفُونَ
96. Ku tir xumaanta sida u wanaagsan, Annagaa Ogsoon waxay sheegayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنۡ هَمَزَٰتِ ٱلشَّيَٰطِينِ
97. Dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan gali waswaasinta shayaadiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحۡضُرُونِ
98. Waxaana kaa magan gali Rabbiyow inay ii yimaadaan shayaadiintu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَهُمُ ٱلۡمَوۡتُ قَالَ رَبِّ ٱرۡجِعُونِ
99. Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood (gaalada), wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi (adduunkii).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَعَلِّيٓ أَعۡمَلُ صَٰلِحٗا فِيمَا تَرَكۡتُۚ كَلَّآۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَآئِلُهَاۖ وَمِن وَرَآئِهِم بَرۡزَخٌ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
100. Si aan ugu falo wanaag waxaan ka soo tegay15. “May ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, waxaana horti ah Barzakh (xayir)16 aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono (Qiyaamada).
15. Waxaasi aan ka dan iyo muraad la’aaday.
16. Barzakh waa xaalka qofka uu ku sugnaan marka uu dhinto ilaa laga soo bixinayo, waana xaal iyo moos xir u dhexeeya adduunka iyo Aakhirada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَلَآ أَنسَابَ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ وَلَا يَتَسَآءَلُونَ
101. Marka la afuufo buunka, ma jirto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma warsadaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَن ثَقُلَتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
102. Qofkay cuslaato miisaanka camalladiisa wanaagsan, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَنۡ خَفَّتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فِي جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ
103. Qofkayse fududaato miisaanka camalladiisa wanaagsan - kuwaa weeye kuwa khasaaray nafahooda, Jahannamayna ku dhex waadhi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَلۡفَحُ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ وَهُمۡ فِيهَا كَٰلِحُونَ
104. Naartu waxay diiran wajiyadooda, iyagoo kuduudsan oo faruuran17.
17. Waxay noqon kuwo faruuran ilaa ilkuhu fool xumo muuqdaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ሙዕሚኑን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት