Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ሙዕሚኑን   አንቀጽ:
فَإِذَا ٱسۡتَوَيۡتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى ٱلۡفُلۡكِ فَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي نَجَّىٰنَا مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
28. Markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee naga babaadiyey qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقُل رَّبِّ أَنزِلۡنِي مُنزَلٗا مُّبَارَكٗا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡمُنزِلِينَ
29. Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degaan barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa'e ”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ وَإِن كُنَّا لَمُبۡتَلِينَ
30. Hubaal, Arrinkaa waxaa ku sugan calaamooyin, waxaana nahay kuwa wax imtixaama.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قَرۡنًا ءَاخَرِينَ
31. Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale (qoonkii Caad).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَرۡسَلۡنَا فِيهِمۡ رَسُولٗا مِّنۡهُمۡ أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ
32. Waxaana u soo dirnay dhexdood Rasuul (Nabi Huud)4 ka mid ah (oo amraya) Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyeydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
4. Ee loo diray reer Caad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَتۡرَفۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يَأۡكُلُ مِمَّا تَأۡكُلُونَ مِنۡهُ وَيَشۡرَبُ مِمَّا تَشۡرَبُونَ
33. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisa ee gaaloobay oo beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah cuna waxaad cuntaan,cabbana waxaad cabtaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَئِنۡ أَطَعۡتُم بَشَرٗا مِّثۡلَكُمۡ إِنَّكُمۡ إِذٗا لَّخَٰسِرُونَ
34. “Haddaad adeecdaanna qof idin la mid ah, idinku markaa waad khasaarteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَيَعِدُكُمۡ أَنَّكُمۡ إِذَا مِتُّمۡ وَكُنتُمۡ تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَنَّكُم مُّخۡرَجُونَ
35. “Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan carro iyo lafo in markaa la idin soo bixin (nooleyn mar kale).?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ هَيۡهَاتَ هَيۡهَاتَ لِمَا تُوعَدُونَ
36. Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhaceyn).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنۡيَا نَمُوتُ وَنَحۡيَا وَمَا نَحۡنُ بِمَبۡعُوثِينَ
37. “Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! Waanu dhiman (qaar) oo noolaan (qaar)! Mana nihin kuwo la soo bixin (nooleyn dhimasho kaddib).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا وَمَا نَحۡنُ لَهُۥ بِمُؤۡمِنِينَ
38. “Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Alle, mana nihin kuwo rumeyn.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي بِمَا كَذَّبُونِ
39. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ عَمَّا قَلِيلٖ لَّيُصۡبِحُنَّ نَٰدِمِينَ
40. (Alle) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay ahaan kuwo shallaaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ بِٱلۡحَقِّ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ غُثَآءٗۚ فَبُعۡدٗا لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
41. Markaasaa waxaa qabtay qeylo si xaq ah, waxaana ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen daalimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قُرُونًا ءَاخَرِينَ
42. Markaasaan ahaysiinnay iyaga kadambow facyo kale (qolooyinkii Luud, Shucayb, Ayyuub iyo Yuunus C.S).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ሙዕሚኑን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት