Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ሙዕሚኑን   አንቀጽ:
وَٱلَّذِينَ يُؤۡتُونَ مَآ ءَاتَواْ وَّقُلُوبُهُمۡ وَجِلَةٌ أَنَّهُمۡ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ رَٰجِعُونَ
60. Ah kuwa bixiya waxay bixiyaan (oo sadaqo ah ama fala camallo wanaagsan), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto10 (inaan laga aqbalin oo yaqiinsan) inay Rabbigood u soo noqon.
10. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. in kuwaa ka baqa taasi ay yihiin kuwa wax xada ama zinaysta ama khamri cabba. Wuxuu yidhi: Ma aha kuwaasi, ee waa kuwa tukada salaadda, sooma oo wax sadaqeysta, haddana ka baqa in aan laga aqbalin.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَهُمۡ لَهَا سَٰبِقُونَ
61. Kuwaasaa u degdega khayraadka, una dheereeya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ وَلَدَيۡنَا كِتَٰبٞ يَنطِقُ بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
62. Ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, Waxaana agtannada ah Kitaab ku hadla xaq iyagoon la dulmineyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ قُلُوبُهُمۡ فِي غَمۡرَةٖ مِّنۡ هَٰذَا وَلَهُمۡ أَعۡمَٰلٞ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ هُمۡ لَهَا عَٰمِلُونَ
63. Waxayse quluubtooda kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), waxayna leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذۡنَا مُتۡرَفِيهِم بِٱلۡعَذَابِ إِذَا هُمۡ يَجۡـَٔرُونَ
64. Jeer markaan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab11, markaasay calaacalaan.
11. Waa ciqaabka Quraysh lagu ciqaabay abaarta iyo gaajada. Waxaa sidoo kale jab iyo hoog ku soo gaaray dagaalkii Badar, iyagoo badi madaxdoodii lagu dilay Badar, qaarna lagu soo qafaashay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا تَجۡـَٔرُواْ ٱلۡيَوۡمَۖ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ
65. Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggayaga laydiin kama gargaaro’e.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَدۡ كَانَتۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَكُنتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ تَنكِصُونَ
66. Aayadahaygii baa la idiin akhrinayey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna (oo Xaq iyo Nabad diid ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُسۡتَكۡبِرِينَ بِهِۦ سَٰمِرٗا تَهۡجُرُونَ
67. Idinkoo isku kibrin (inaad tihiin ehlu Xaramka - Kacbada), ku caweeya habeenka hadal xun aad ka sheegtaan12 (Qur’aanka).
12. Qur’aanka ama waxaa loola jeedaa Nabiga s.c.w.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَمۡ يَدَّبَّرُواْ ٱلۡقَوۡلَ أَمۡ جَآءَهُم مَّا لَمۡ يَأۡتِ ءَابَآءَهُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
68. Miyaanay (gaalada) u fiirsan Qowlka (Qur’aanka), mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَمۡ يَعۡرِفُواْ رَسُولَهُمۡ فَهُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ
69. Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ يَقُولُونَ بِهِۦ جِنَّةُۢۚ بَلۡ جَآءَهُم بِٱلۡحَقِّ وَأَكۡثَرُهُمۡ لِلۡحَقِّ كَٰرِهُونَ
70. Mise waxay leeyihiin: “jin baa ku jira?” mayee, wuxuu u keenay Xaq (Qur’aanka), badankooduse Xaqa bay neceb yihiin13.
13. Towxiidka, halkii ay fahmi lahaayeen ama garowsan lahaayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوِ ٱتَّبَعَ ٱلۡحَقُّ أَهۡوَآءَهُمۡ لَفَسَدَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهِنَّۚ بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِذِكۡرِهِمۡ فَهُمۡ عَن ذِكۡرِهِم مُّعۡرِضُونَ
71. Hadduu Xaqu raaci lahaa hawadooda, waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo arlada iyo waxa ku sugan. Waxaanse u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ خَرۡجٗا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيۡرٞۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّٰزِقِينَ
72. Mise waxaad adigu weydiisataa kharaj (ujuuro)? Kharajka Rabbigaa baa se kheyr badan, waana Isaga kan u wanaagsan inta risiq bixisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّكَ لَتَدۡعُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
73. Waxaadna adigu (Nabiyow) ugu yeedhaa Jid Toosan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ عَنِ ٱلصِّرَٰطِ لَنَٰكِبُونَ
74. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirona Jidka (Toosan) way ka iilan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ሙዕሚኑን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት