Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: قٓ   آیت:
وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّن قَرۡنٍ هُمۡ أَشَدُّ مِنۡهُم بَطۡشٗا فَنَقَّبُواْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ هَلۡ مِن مَّحِيصٍ
36. Badanaa inta fac aan halaagnay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ma jirto meel (Alle) laga magan galo oo looga cararo.
عربی تفاسیر:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكۡرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُۥ قَلۡبٌ أَوۡ أَلۡقَى ٱلسَّمۡعَ وَهُوَ شَهِيدٞ
37. Arrinkani waxaa hubaal ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan.
عربی تفاسیر:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ وَمَا مَسَّنَا مِن لُّغُوبٖ
38. Waxaanu dhab ahaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood namana soo gaarin wax daal ah.
عربی تفاسیر:
فَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ قَبۡلَ طُلُوعِ ٱلشَّمۡسِ وَقَبۡلَ ٱلۡغُرُوبِ
39. Ee u samir waxay leeyihiin, kuna tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor intaanay dhicin.
عربی تفاسیر:
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡهُ وَأَدۡبَٰرَ ٱلسُّجُودِ
40. Habeenka in ka mid ahna ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow.
عربی تفاسیر:
وَٱسۡتَمِعۡ يَوۡمَ يُنَادِ ٱلۡمُنَادِ مِن مَّكَانٖ قَرِيبٖ
41. Dhageyso Maalinka markuu dhawaaquhu ka dhawaaqi meel dhow.
عربی تفاسیر:
يَوۡمَ يَسۡمَعُونَ ٱلصَّيۡحَةَ بِٱلۡحَقِّۚ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡخُرُوجِ
42. Maalinka ay maqli qaylo Xaq ah, kaasu waa Maalinka soo bixinta (Qiyaame).
عربی تفاسیر:
إِنَّا نَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَإِلَيۡنَا ٱلۡمَصِيرُ
43. Annagaa (Alle ah) xaqiiq wax nooleyna waxna dhinsiinna; waana Xaggayaga meel noqodka dambe (Aakhirada).
عربی تفاسیر:
يَوۡمَ تَشَقَّقُ ٱلۡأَرۡضُ عَنۡهُمۡ سِرَاعٗاۚ ذَٰلِكَ حَشۡرٌ عَلَيۡنَا يَسِيرٞ
44. Maalinta uu dhulku ka dillaaci gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi, kaasu waa soo kulmin noo fudud.
عربی تفاسیر:
نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَقُولُونَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِجَبَّارٖۖ فَذَكِّرۡ بِٱلۡقُرۡءَانِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ
45. Annagaa ogsoon waxay (gaaladu) leeyihiin; adiguna ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka kan ka cabsada Gooddigayga.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: قٓ
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں