Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ቃፍ   አንቀጽ:
وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّن قَرۡنٍ هُمۡ أَشَدُّ مِنۡهُم بَطۡشٗا فَنَقَّبُواْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ هَلۡ مِن مَّحِيصٍ
36. Badanaa inta fac aan halaagnay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ma jirto meel (Alle) laga magan galo oo looga cararo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكۡرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُۥ قَلۡبٌ أَوۡ أَلۡقَى ٱلسَّمۡعَ وَهُوَ شَهِيدٞ
37. Arrinkani waxaa hubaal ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ وَمَا مَسَّنَا مِن لُّغُوبٖ
38. Waxaanu dhab ahaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood namana soo gaarin wax daal ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ قَبۡلَ طُلُوعِ ٱلشَّمۡسِ وَقَبۡلَ ٱلۡغُرُوبِ
39. Ee u samir waxay leeyihiin, kuna tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor intaanay dhicin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡهُ وَأَدۡبَٰرَ ٱلسُّجُودِ
40. Habeenka in ka mid ahna ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱسۡتَمِعۡ يَوۡمَ يُنَادِ ٱلۡمُنَادِ مِن مَّكَانٖ قَرِيبٖ
41. Dhageyso Maalinka markuu dhawaaquhu ka dhawaaqi meel dhow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ يَسۡمَعُونَ ٱلصَّيۡحَةَ بِٱلۡحَقِّۚ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡخُرُوجِ
42. Maalinka ay maqli qaylo Xaq ah, kaasu waa Maalinka soo bixinta (Qiyaame).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا نَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَإِلَيۡنَا ٱلۡمَصِيرُ
43. Annagaa (Alle ah) xaqiiq wax nooleyna waxna dhinsiinna; waana Xaggayaga meel noqodka dambe (Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ تَشَقَّقُ ٱلۡأَرۡضُ عَنۡهُمۡ سِرَاعٗاۚ ذَٰلِكَ حَشۡرٌ عَلَيۡنَا يَسِيرٞ
44. Maalinta uu dhulku ka dillaaci gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi, kaasu waa soo kulmin noo fudud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَقُولُونَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِجَبَّارٖۖ فَذَكِّرۡ بِٱلۡقُرۡءَانِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ
45. Annagaa ogsoon waxay (gaaladu) leeyihiin; adiguna ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka kan ka cabsada Gooddigayga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ቃፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት