Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Hud   Câu:

Huud

الٓرۚ كِتَٰبٌ أُحۡكِمَتۡ ءَايَٰتُهُۥ ثُمَّ فُصِّلَتۡ مِن لَّدُنۡ حَكِيمٍ خَبِيرٍ
1. Alif Laam Raa [1]. (Kani waa) Kitaab (Qur’aan), Aayadihiisa la sugay, lagana soo caddeeyey [2] Xagga Xigmad Badane, Xog Ogaal ah (waa Alle'e).
1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda1.
2. Wuxuu u kala dhigdhigaa Kitaabka noocyo leh: towxiid, axkaan, qisooyin, anshaxa iyo asluubta wanaagsan, dabeecadda san, cilmi, yabooh, gooddin, iwm oo wuxuu isugu xijiyaa Suurad Suurad, iyo Aayad Aayad.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۚ إِنَّنِي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ وَبَشِيرٞ
2. Inaydaan caabudin waxaan Alle ahayn. Anigu waxaan idiin ahay Xaggiisa dige iyo bishaareeye.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنِ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِ يُمَتِّعۡكُم مَّتَٰعًا حَسَنًا إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى وَيُؤۡتِ كُلَّ ذِي فَضۡلٖ فَضۡلَهُۥۖ وَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٖ كَبِيرٍ
3. Oo weydiista denbi dhaaf Rabbigiin, una tawbad keena, wuxuu idin siin sahay wanaagsan ilaa muddo magacaaban, kuna galladeysan Deeqdiisa mid kastoo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad (ka) jeesataan (Iimaanka iyo camalka san), waxaan anigu idiinka cabsan cadaab Maalin Weyn (Qiyaamada).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِلَى ٱللَّهِ مَرۡجِعُكُمۡۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
4. Waa xagga Alle meel noqodkiinna, Isagaana wax walba Kara.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَلَآ إِنَّهُمۡ يَثۡنُونَ صُدُورَهُمۡ لِيَسۡتَخۡفُواْ مِنۡهُۚ أَلَا حِينَ يَسۡتَغۡشُونَ ثِيَابَهُمۡ يَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
5. Ogaada, hubaal, waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan [3] (cadaawadooda) Xaggiisa. Markayse isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxay qarsadaan iyo waxay muujiyaanba, Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
3. Waxay qarsadaan cadaawad iyo nifaaq iyo naceyb ay u hayaan Rasuulka Alle s.c.w.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Hud
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại