Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Yusuf   Câu:
فَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمۡ جَعَلَ ٱلسِّقَايَةَ فِي رَحۡلِ أَخِيهِ ثُمَّ أَذَّنَ مُؤَذِّنٌ أَيَّتُهَا ٱلۡعِيرُ إِنَّكُمۡ لَسَٰرِقُونَ
70.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey rarkii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad tihiin tuugo.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قَالُواْ وَأَقۡبَلُواْ عَلَيۡهِم مَّاذَا تَفۡقِدُونَ
71. Intay ku soo jeesadeen bay waxay yidhaahdeen:waa maxay waxaad weydeen.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قَالُواْ نَفۡقِدُ صُوَاعَ ٱلۡمَلِكِ وَلِمَن جَآءَ بِهِۦ حِمۡلُ بَعِيرٖ وَأَنَا۠ بِهِۦ زَعِيمٞ
72. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii21 wax lagu beegayey ee boqorka, kii keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); anigaana ka damiin ah.
21. Weel ka sameysan dahab oo wax lagu beego.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قَالُواْ تَٱللَّهِ لَقَدۡ عَلِمۡتُم مَّا جِئۡنَا لِنُفۡسِدَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كُنَّا سَٰرِقِينَ
73. Waxay yidhaahdeen: Tallaahiye! Waad og tihiin inaannu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, mana ahin tuugo.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قَالُواْ فَمَا جَزَٰٓؤُهُۥٓ إِن كُنتُمۡ كَٰذِبِينَ
74. Waxay yidhaahdeen: Waa maxay jazaha arrinkani22, haddaad been sheegeysaan?
22.Ciqaabta u dhigan tuugada: Shareecada Yacquub c.s. qofkii wax xada ciqaabtiisu waxay ahayd inuu noqdo addoon lagu adeegto muddo sannad ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قَالُواْ جَزَٰٓؤُهُۥ مَن وُجِدَ فِي رَحۡلِهِۦ فَهُوَ جَزَٰٓؤُهُۥۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلظَّٰلِمِينَ
75.Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani23 waa in kii rarkiisa laga dhex helo loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaasaan ku jaazaynaa daalimiinta.
23.Xeerkooda wuxuu dhigayey in tuuggii la qabto uu addoon u noqonayo cidduu wax ka xaday.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَبَدَأَ بِأَوۡعِيَتِهِمۡ قَبۡلَ وِعَآءِ أَخِيهِ ثُمَّ ٱسۡتَخۡرَجَهَا مِن وِعَآءِ أَخِيهِۚ كَذَٰلِكَ كِدۡنَا لِيُوسُفَۖ مَا كَانَ لِيَأۡخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ ٱلۡمَلِكِ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ نَرۡفَعُ دَرَجَٰتٖ مَّن نَّشَآءُۗ وَفَوۡقَ كُلِّ ذِي عِلۡمٍ عَلِيمٞ
76. Wuxuuna ka billaabay (fatashiddii) weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaasaan wax ugu tabeynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Alle doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin ciddaan doonno, waxaana ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ قَالُوٓاْ إِن يَسۡرِقۡ فَقَدۡ سَرَقَ أَخٞ لَّهُۥ مِن قَبۡلُۚ فَأَسَرَّهَا يُوسُفُ فِي نَفۡسِهِۦ وَلَمۡ يُبۡدِهَا لَهُمۡۚ قَالَ أَنتُمۡ شَرّٞ مَّكَانٗاۖ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا تَصِفُونَ
77. Waxay yidhaahdeen: Hadduu wax xaday, mid la walaal ah (Yuusuf) baa wax xaday waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay24, umana muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa ka shar badan, Allaana dhab u Ogsoon waxaad sheegeysaan.
24.Ugama uusan jawaabin in isagu qudhiisa ay ka soo xadeen aabbihi.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡعَزِيزُ إِنَّ لَهُۥٓ أَبٗا شَيۡخٗا كَبِيرٗا فَخُذۡ أَحَدَنَا مَكَانَهُۥٓۖ إِنَّا نَرَىٰكَ مِنَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
78. Waxay yidhaahdeen: Mudanow25! Wuxuu leeyahay aabbe, oday weyn ah, ee midkayo u qaado meeshiisa. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
25.Iyagoo la hadlaya Yuusuf, oo markaas ahaa Caziizka (wasiirka koowaad ee) Masar.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Yusuf
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 - Mục lục các bản dịch

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译

Đóng lại