Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Nahl   Câu:
وَتَحۡمِلُ أَثۡقَالَكُمۡ إِلَىٰ بَلَدٖ لَّمۡ تَكُونُواْ بَٰلِغِيهِ إِلَّا بِشِقِّ ٱلۡأَنفُسِۚ إِنَّ رَبَّكُمۡ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٞ
7. Waxaadna ugu rarataan culeysyadiinna xagga gobollo aydaan gaari karteen nafa- hoo dhibtooda ma’ahee. Hubaal Rabbigiin waa Turid Badane, Naxariis Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱلۡخَيۡلَ وَٱلۡبِغَالَ وَٱلۡحَمِيرَ لِتَرۡكَبُوهَا وَزِينَةٗۚ وَيَخۡلُقُ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
8. (Oo Wuxuu Alle idiin abuuray) Fardo, baqallo iyo dameerro inaad kortaan iyo qurux ahaanba. Wuxuuna abuuri wax aydaan ogeyn (oo gaadiid kale ah - gaadiidka dhulka, cirka iyo baddaba).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَعَلَى ٱللَّهِ قَصۡدُ ٱلسَّبِيلِ وَمِنۡهَا جَآئِرٞۚ وَلَوۡ شَآءَ لَهَدَىٰكُمۡ أَجۡمَعِينَ
9. Alle bayna saaran tahay xilka inuu caadeeyo Jidka Toosan (ee Islaamka), waxaase jira (jidad) qallooc ah. Hadduu doonona hubaal wuu idin wada hanuuin lahaa dhammaantiin.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗۖ لَّكُم مِّنۡهُ شَرَابٞ وَمِنۡهُ شَجَرٞ فِيهِ تُسِيمُونَ
10. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, waxaad ka heshaan cabbitaan, biyahaasoo (soo saara sidoo kale) geedaha aad daaqsataan (xoolaha).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يُنۢبِتُ لَكُم بِهِ ٱلزَّرۡعَ وَٱلزَّيۡتُونَ وَٱلنَّخِيلَ وَٱلۡأَعۡنَٰبَ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
11. Wuxuu idiinku soo bixiyaa sarac, saytuun, geedaha timirta, canabyo iyo nooc walba oo midhaha ah. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ وَٱلنُّجُومُ مُسَخَّرَٰتُۢ بِأَمۡرِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
12. Wuxuuna idiin sakhiray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa; xiddigu- huna waxay ku sakhiran yihiin Amarkiisa. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garasho leh.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَا ذَرَأَ لَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُخۡتَلِفًا أَلۡوَٰنُهُۥٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَذَّكَّرُونَ
13. Iyo wuxuu idiinku abuuray dhulka korkiisa oo midabbo kala duwan leh. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii xusuusan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَهُوَ ٱلَّذِي سَخَّرَ ٱلۡبَحۡرَ لِتَأۡكُلُواْ مِنۡهُ لَحۡمٗا طَرِيّٗا وَتَسۡتَخۡرِجُواْ مِنۡهُ حِلۡيَةٗ تَلۡبَسُونَهَاۖ وَتَرَى ٱلۡفُلۡكَ مَوَاخِرَ فِيهِ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
14. Alle Waa Kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib jilicsan (kalluun) iyo inaad kala soo baxdaan qurux aad xidhataan. Waxaadna aragtaan doonyaha oo dhex maaxaya badda gudaheeda, (wuuna idiin layliyey) si aad ugu raadsataan (sidaa) wax ka mid ah Deeqdiisa, iyo si aad ugu mahad naqdaan (af, uur iyo addinba).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Nahl
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 - Mục lục các bản dịch

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译

Đóng lại