Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Isra'   Câu:
وَإِن كَادُواْ لَيَسۡتَفِزُّونَكَ مِنَ ٱلۡأَرۡضِ لِيُخۡرِجُوكَ مِنۡهَاۖ وَإِذٗا لَّا يَلۡبَثُونَ خِلَٰفَكَ إِلَّا قَلِيلٗا
76. Waxayna u dhowaadeen inay kaa fiijiyaan arlada si ay kaaga saaraan. markaas ma negaadeen gadaashaa in yar ma’ahee21.
21. Hadday saari lahaayeen reer Makkah Nabi Muxammad s.c.w. ma ku sii negaadeen Makkah oo wax badan ma joogeen dunida, balse Alle wuu halaagi lahaa dhammantood. Hijridii Nabiga s.c.w. ee Madiina ma ahayn saarid ay saareen Quraysh, waxayse ahayd Amar Alle uu ku amray. Ummad kasta oo saarta Nabigeeda Alle wuu halaagaa, taasina waa jid soo jireen ah aan marnaba is beddelin.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
سُنَّةَ مَن قَدۡ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ مِن رُّسُلِنَاۖ وَلَا تَجِدُ لِسُنَّتِنَا تَحۡوِيلًا
77. (Kani waa) jidkayaga xagga Rususha aan soo dirnay hortaa, kamana heleysid wax isbeddel ah jidkayaga.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِدُلُوكِ ٱلشَّمۡسِ إِلَىٰ غَسَقِ ٱلَّيۡلِ وَقُرۡءَانَ ٱلۡفَجۡرِۖ إِنَّ قُرۡءَانَ ٱلۡفَجۡرِ كَانَ مَشۡهُودٗا
78. Oog salaadda markay qorraxdu waareegto (salaadaha Duhurka iyo Casarka) ilaa mugdiga habeenka (salaadaha Maghribka iyo Cishaha) oo (dheeree) akhrinta (salaadda) subaxa hore (salaadda Fajarka); hubaal akhrinta (salaadda) subaxa hore waa mid la soo xaadiro (ay soo xaadiraan malaa’igta habeenka iyo malaa’igta maalinta)22.
22. Aayaddan waxay caddeyneysaa waqtiyada shanta salaadood, cadceed wareegga kaddib waxaa la tukadaa Salaadaha Duhurka iyo Casarka, markuu habeenka soo galana Salaadaha Maghrib iyo Cishaha, ooggana salaadda Subax.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَتَهَجَّدۡ بِهِۦ نَافِلَةٗ لَّكَ عَسَىٰٓ أَن يَبۡعَثَكَ رَبُّكَ مَقَامٗا مَّحۡمُودٗا
79. Oo qayb ka mid ah habeenka tuko tahajjud (salaatu leyl), salaad dheeri kuu ah aan faral ahayn. Waa intaasoo Rabbigaa kuu soo bixiyo meeqaan sharaf iyo ammaan leh (nolosha dambe ee Aakhiro, waa shafeecada weyn ee Qiyaamada).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَقُل رَّبِّ أَدۡخِلۡنِي مُدۡخَلَ صِدۡقٖ وَأَخۡرِجۡنِي مُخۡرَجَ صِدۡقٖ وَٱجۡعَل لِّي مِن لَّدُنكَ سُلۡطَٰنٗا نَّصِيرٗا
80. Dheh: Rabbiyow! I gali meel gelitaan wanaagsan23, ina bixi bixitaan wanaagsan. Igana sii Xaggaaga awood gargaar ah24.
23. Waa duco Alle laga baryo inuu qofku ku galo cibaadada kagana baxo niyad san oo dar Alle ah oo Alle u barax tiran istus la’aan ama wax fasaadiya ajarka. Aayaddani waxay muujineysaa hijradii Nabiga s.c.w. ee Madiina. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Waa duco Alle laga baryo in qofka qabriga la geeyo isagoo wanaagsan oo ka soo baxo sidoo kale isagoo wanaagsan Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu Nabigu s.c.w. ku duceystey ducadan markuu ka soo baxayey Makkah isagoo u haajiraya Madiina.
24. Oo keliya toban sano kaddib hirjadii Nabiga s.c.w., waxaa Makkah laga sifeeyey sannmadii ku hareersanaa Kacbada.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَقُلۡ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَزَهَقَ ٱلۡبَٰطِلُۚ إِنَّ ٱلۡبَٰطِلَ كَانَ زَهُوقٗا
81. Dheh: Xaqu waa yimid, baadilkuna waa baabbi'i; baadilku waa wax baabba’a.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَنُنَزِّلُ مِنَ ٱلۡقُرۡءَانِ مَا هُوَ شِفَآءٞ وَرَحۡمَةٞ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ وَلَا يَزِيدُ ٱلظَّٰلِمِينَ إِلَّا خَسَارٗا
82. Waxaana ka soo dejinnaa Qur’aanka wax Caafimaad iyo Naxariis u ah Mu'miniinta, umana kordhiyo daalimiinta (gar diidka) waxaan khasaaro ahayn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذَآ أَنۡعَمۡنَا عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ أَعۡرَضَ وَنَـَٔا بِجَانِبِهِۦ وَإِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ كَانَ يَـُٔوسٗا
83. Markaan u nicmeyno aadmiga (waa gaalka) wuu jeestaa (Xaqa ka fogaadaa) oo dhinac u baxaa isagoo islaweyn. markay taabatona dhibaato wuu quustaa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قُلۡ كُلّٞ يَعۡمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِۦ فَرَبُّكُمۡ أَعۡلَمُ بِمَنۡ هُوَ أَهۡدَىٰ سَبِيلٗا
84. Dheh: Mid walbaa wuxuu u dhaqmaa hadba siday tahay asluubtiisa, Rabbigiin baana aad u ogsoon kan isagu si fiican ugu hanuunsan jidka (Toosan ee Islaamka).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلرُّوحِۖ قُلِ ٱلرُّوحُ مِنۡ أَمۡرِ رَبِّي وَمَآ أُوتِيتُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِ إِلَّا قَلِيلٗا
85. Waxay (Yuhuuddu) wax kaa weydiin Ruuxda; Dheh: Ruuxda waa amar xagga Rabbigay (oo Isagaa u Cilmi leh). La idin kama siin(dadow)cilmiga wax yar ma ahee.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَئِن شِئۡنَا لَنَذۡهَبَنَّ بِٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ ثُمَّ لَا تَجِدُ لَكَ بِهِۦ عَلَيۡنَا وَكِيلًا
86. Haddaan doonno waan la tegi kaan kuu waxyoonnay (Qur’aanka). Markaas ma heleysid wakiil naga kaa difaaca.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Isra'
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 - Mục lục các bản dịch

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译

Đóng lại