Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Dịch thuật tiếng Somali - Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Chương Al-Nisa'   Câu:

Suurada An-nisaa

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمُ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ وَخَلَقَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا وَبَثَّ مِنۡهُمَا رِجَالٗا كَثِيرٗا وَنِسَآءٗۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِي تَسَآءَلُونَ بِهِۦ وَٱلۡأَرۡحَامَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَيۡكُمۡ رَقِيبٗا
1. Dadow! Ka cabsada (Alle oo dhowra xilkuu idin saaray) Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Alle ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada1. Hubaal Alle waa idin dhowri oo u jeedaa (acmaashiinna oo og yahay).
1. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: "Ma galo janno qof qaraabo goys ah".
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَءَاتُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰٓ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَتَبَدَّلُواْ ٱلۡخَبِيثَ بِٱلطَّيِّبِۖ وَلَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَهُمۡ إِلَىٰٓ أَمۡوَٰلِكُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ حُوبٗا كَبِيرٗا
2. Siiya agoomaha maalkooda, hana kaga beddelannina (waxyaalo) xun oo liita (aad leedihiin) waxooda wanaagsan; hana ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Arrinkaa hubaal waa denbi weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تُقۡسِطُواْ فِي ٱلۡيَتَٰمَىٰ فَٱنكِحُواْ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ مَثۡنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَۖ فَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تَعۡدِلُواْ فَوَٰحِدَةً أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَلَّا تَعُولُواْ
3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan u caddaalad falin2 markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya3 ama waxay gacmahiinnu midig hantaan4. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.
2. Caddaalada waxaa loola jeedaa waxay u baahan tahay xaaska xagga masruufka, marashada, degaanka iyo hoyaadka, gogosha, iwm ee arrimaha muuqda ama qarsoon.
3. Islaamku wuu banneeyey guursiga wax ka badan hal xaas, wuxuuse ku xiray shuruud ay ka mid yihiin inuu qof u leeyahay awood inuu dhaqi karo oo dhaqaale u heysto, iyo inuu ogaado cadaaladda. Ka hor inta ayan soo degin Aayaddan way jirtay guursiga wax hal xaas ka badan , waxay xitaa anbiyo Alle isla guursadeen dumar aad u baan oo boqollaal gaara, Aayaddanse waxay oggolaatay inuu qofka guursan karo oo keliya ilaa afar xaas hadduu ka soo bixi karo shuruudda lagu xiray guursiga wax hal xaas ka badan.
4. Addoon iyo addoonsiga sidan ah ma jiro waqtigan bal waa laga mamnuucay caalamka, oo waxay jirtay waayihii hore.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَءَاتُواْ ٱلنِّسَآءَ صَدُقَٰتِهِنَّ نِحۡلَةٗۚ فَإِن طِبۡنَ لَكُمۡ عَن شَيۡءٖ مِّنۡهُ نَفۡسٗا فَكُلُوهُ هَنِيٓـٔٗا مَّرِيٓـٔٗا
4. Siiya haweenka meherradooda siismo waajib ah idinkoo ku niyad san, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherka), markaa ku qaata wanaag iyo cabsi la’aan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَا تُؤۡتُواْ ٱلسُّفَهَآءَ أَمۡوَٰلَكُمُ ٱلَّتِي جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمۡ قِيَٰمٗا وَٱرۡزُقُوهُمۡ فِيهَا وَٱكۡسُوهُمۡ وَقُولُواْ لَهُمۡ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا
5. Ha siinnina makasta (aan maamuli karin) maalka uu Alle idiinka dhigay waxaad ku nooshihiin5, kase quudiya oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo gar ah.
5. Makas, waxaa halkan loola jeedaa agoonka aan qaan gaarin ama qofka aan si fiican u maamuli karin maalkiisa. Inkastoo uu yahay maalkooda, Alle wuxuu ka dhigay wadar isagoo ina xusuusinaya in maalka oo dhan uu Isagu yahay kan bixiyey si loogu daryeelo ummadda wadar iyo waaxidba.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱبۡتَلُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغُواْ ٱلنِّكَاحَ فَإِنۡ ءَانَسۡتُم مِّنۡهُمۡ رُشۡدٗا فَٱدۡفَعُوٓاْ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَأۡكُلُوهَآ إِسۡرَافٗا وَبِدَارًا أَن يَكۡبَرُواْۚ وَمَن كَانَ غَنِيّٗا فَلۡيَسۡتَعۡفِفۡۖ وَمَن كَانَ فَقِيرٗا فَلۡيَأۡكُلۡ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ فَإِذَا دَفَعۡتُمۡ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡ فَأَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِمۡۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا
6. Imtixaama agoomaha markay gaaraan Guur; haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, hana u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, qofkiise fiqiir ah, (wax) ha ka cuno si la garwaaqsan karo. Markaad u dhiibeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; Allena ku filan inuu ahaado xisaabiye.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لِّلرِّجَالِ نَصِيبٞ مِّمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٞ مِّمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَ مِمَّا قَلَّ مِنۡهُ أَوۡ كَثُرَۚ نَصِيبٗا مَّفۡرُوضٗا
7. Ragga waxay qayb ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan (oo maal dhaxal ah). Haweenkuna waxay qayb ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan - ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذَا حَضَرَ ٱلۡقِسۡمَةَ أُوْلُواْ ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينُ فَٱرۡزُقُوهُم مِّنۡهُ وَقُولُواْ لَهُمۡ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا
8. Hadday joogaan qaybta qaraabo, agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya6, kulana hadla hadal san oo naxiiriis leh.
6. Siismo aan ka badnayn seddex meeloodoo meel maalka laga tagay ee dhaxalka. Waana in marka hore la bixiyo deymaha. Marka deymaha la bixiyo iyo wixii uu mowtanaha ka daraarmay, inta soo hartay baa waxaa loo qaybinayaa warasda si waafaqsan sharciga. Qof dhaxalka wax ku lehna oo warasada ka mid ah si gaar ah wax looguma dardaarmi karo.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلۡيَخۡشَ ٱلَّذِينَ لَوۡ تَرَكُواْ مِنۡ خَلۡفِهِمۡ ذُرِّيَّةٗ ضِعَٰفًا خَافُواْ عَلَيۡهِمۡ فَلۡيَتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلۡيَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدًا
9. Hana u baqaan (siday tooda ugu baqi lahaayeen) kuwa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan.Ee ha ka cabsadeen Alle, hana ku hadleen hadal toosan oo abbaar ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَأۡكُلُونَ أَمۡوَٰلَ ٱلۡيَتَٰمَىٰ ظُلۡمًا إِنَّمَا يَأۡكُلُونَ فِي بُطُونِهِمۡ نَارٗاۖ وَسَيَصۡلَوۡنَ سَعِيرٗا
10. Kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro,waxay uun ku cuni caloolahooda dab, waxayna gali oo ku guban dab huraya.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يُوصِيكُمُ ٱللَّهُ فِيٓ أَوۡلَٰدِكُمۡۖ لِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۚ فَإِن كُنَّ نِسَآءٗ فَوۡقَ ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَۖ وَإِن كَانَتۡ وَٰحِدَةٗ فَلَهَا ٱلنِّصۡفُۚ وَلِأَبَوَيۡهِ لِكُلِّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا ٱلسُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُۥ وَلَدٞۚ فَإِن لَّمۡ يَكُن لَّهُۥ وَلَدٞ وَوَرِثَهُۥٓ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ ٱلثُّلُثُۚ فَإِن كَانَ لَهُۥٓ إِخۡوَةٞ فَلِأُمِّهِ ٱلسُّدُسُۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصِي بِهَآ أَوۡ دَيۡنٍۗ ءَابَآؤُكُمۡ وَأَبۡنَآؤُكُمۡ لَا تَدۡرُونَ أَيُّهُمۡ أَقۡرَبُ لَكُمۡ نَفۡعٗاۚ فَرِيضَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
11. Alle wuxuu idiin dardaarmi (wanaajinta iyo daryeelka) carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig7; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel wuxuu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; hadday tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanuse lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadi waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka wuxuu ka dardaaramay8 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Waa faral uu qaddaray Alle9. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
7. Labku wuxuu leeyahay saamiga labo dheddig, waayo waajibaadka iyo xilalka saaran ninka baa ka badan haweenta, sida bixinta meherka, masruufka iyo marashada reerkiisa, iwm. Eeg Suuradda An-Nisaa.
8. Isagoo aan ku waxyeeleyn cidna sida: a-Inuu ku dardaarmo wax ka badan seddex meeloodoo meel maalka dhaxalka. b- inuu dardaarmo isagoo ugala jeedo inuu yareeyo maalka warasada, xitaa hadduu ka dardaarmo wax ka yar seddex meeloodoo meel hadduu ugala jeedo inuu yareeyo xuquuqda warasada, taasina ma bannaana.
9. Waxaa loogala jeedaa saamiyada dhaxalka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ وَلَكُمۡ نِصۡفُ مَا تَرَكَ أَزۡوَٰجُكُمۡ إِن لَّمۡ يَكُن لَّهُنَّ وَلَدٞۚ فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٞ فَلَكُمُ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكۡنَۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصِينَ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٖۚ وَلَهُنَّ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكۡتُمۡ إِن لَّمۡ يَكُن لَّكُمۡ وَلَدٞۚ فَإِن كَانَ لَكُمۡ وَلَدٞ فَلَهُنَّ ٱلثُّمُنُ مِمَّا تَرَكۡتُمۚ مِّنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ تُوصُونَ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٖۗ وَإِن كَانَ رَجُلٞ يُورَثُ كَلَٰلَةً أَوِ ٱمۡرَأَةٞ وَلَهُۥٓ أَخٌ أَوۡ أُخۡتٞ فَلِكُلِّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا ٱلسُّدُسُۚ فَإِن كَانُوٓاْ أَكۡثَرَ مِن ذَٰلِكَ فَهُمۡ شُرَكَآءُ فِي ٱلثُّلُثِۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصَىٰ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٍ غَيۡرَ مُضَآرّٖۚ وَصِيَّةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَلِيمٞ
12. Waxaad (raggow) leedihiin kala bar oo bar waxay ka tagaan xaasaskiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meeloodoo meel waxay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxay ka dardaarmeen ama deyn. (Xaasaskiinnuna) saamigooda dhaxalka waa afar meeloodoo meel waxaad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meeloodoo meel waxaad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxaad ka dardaaranteen ama deyn. Hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi saddex meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn10. Waa Amar ka yimid Alle, Allena waa wax kasta Oge, Dulqaad badan.
10. Inaad u dardaarantaan. Waayo oo keliya qaraabadaa lagu xusay aayadaha 11, 12 baa dhaxla saamiyo go’an. Arrinkani waa shardiga ku xiran dardaaran kasta. Hadduu xadgudub sameeyo mowtanaha, waa in dardaarankiisa aan la fulin, ama waa inuu hagaajiyaa fuliyaha dardaaranka. Eeg Q2: 182.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
تِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدۡخِلۡهُ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
13. Kuwakani waa xuduudaha Alle, qofkii adeecaa Alle iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin beero (Jannooyin) ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waari; waana taas liibaanta weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَتَعَدَّ حُدُودَهُۥ يُدۡخِلۡهُ نَارًا خَٰلِدٗا فِيهَا وَلَهُۥ عَذَابٞ مُّهِينٞ
14. Qofkiise ku caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin Naar isagoo ku dhex waaraya weligi; wuxuuna leeyahay cadaab dulleysa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱلَّٰتِي يَأۡتِينَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مِن نِّسَآئِكُمۡ فَٱسۡتَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِنَّ أَرۡبَعَةٗ مِّنكُمۡۖ فَإِن شَهِدُواْ فَأَمۡسِكُوهُنَّ فِي ٱلۡبُيُوتِ حَتَّىٰ يَتَوَفَّىٰهُنَّ ٱلۡمَوۡتُ أَوۡ يَجۡعَلَ ٱللَّهُ لَهُنَّ سَبِيلٗا
15. Kuwa la yimaada xumaan (zino) oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, hadday ku marag furaan11, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Alle jid u yeelo12.
11. Markhaatiyada waa inay ku dhaartaan inay dhab ahaan arkeen ficilkaa oo lagu gudo jiro.
12. Inuu Alle waddo u sameeyo waa tilmaan soo degidda suuradda An-Nuur, Q 24: Aayadda 2aad ee xadka zinada. Waxaana lagu nasakhay xukunka aayaddan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: «Iga qaata: Labada bikrada ah aan horay u guursan ee zineysta ciqaabtoodu waa boqol jeedal iyo ka saaritaan degaanka (xabsi sannad ah), labada wax soo guursatayna ama xaas ah markaa oo zineysta waa boqol jeedal iyo in dhagax lagu dilo.» W.w. Muslim.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱلَّذَانِ يَأۡتِيَٰنِهَا مِنكُمۡ فَـَٔاذُوهُمَاۖ فَإِن تَابَا وَأَصۡلَحَا فَأَعۡرِضُواْ عَنۡهُمَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ تَوَّابٗا رَّحِيمًا
16. Labadii la yimaada xumaan13 ee idinka mid ah ciqaaba. Hadday toobad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal Alle waa Toobad Aqbal Badane, Naxariis Badan.
13. Badi mufasiriinta waxay ku fasiraan zinada, waxaa sidoo kale soo galaya ninka oo nin u taga iyo naagta oo naag u tagta.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّمَا ٱلتَّوۡبَةُ عَلَى ٱللَّهِ لِلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ يَتُوبُونَ مِن قَرِيبٖ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
17. Alle sideedaba wuxuu aqbalaa toobada kuwa u fala xume aqoon darri (jahli)14, ee kolkiiba ka soo laabta, Kuwaa weeye kuwa uu Alle ka toobad aqbalo, Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
14. Qof kastoo Alle ku caasiya waa jaahil ilaa uu ka tago macsidaas.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَيۡسَتِ ٱلتَّوۡبَةُ لِلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ حَتَّىٰٓ إِذَا حَضَرَ أَحَدَهُمُ ٱلۡمَوۡتُ قَالَ إِنِّي تُبۡتُ ٱلۡـَٰٔنَ وَلَا ٱلَّذِينَ يَمُوتُونَ وَهُمۡ كُفَّارٌۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا
18. Uma furna toobad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa markay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan toobad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwaas waxaan u diyaarinnay cadaab xanuun badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا يَحِلُّ لَكُمۡ أَن تَرِثُواْ ٱلنِّسَآءَ كَرۡهٗاۖ وَلَا تَعۡضُلُوهُنَّ لِتَذۡهَبُواْ بِبَعۡضِ مَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَعَاشِرُوهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ فَإِن كَرِهۡتُمُوهُنَّ فَعَسَىٰٓ أَن تَكۡرَهُواْ شَيۡـٔٗا وَيَجۡعَلَ ٱللَّهُ فِيهِ خَيۡرٗا كَثِيرٗا
19. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Idiin ma aha xalaal inaad ku qaadataan haweenka dhaxal si khasab ah iyagoo dooneyn15, hana xayirina si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad maahee. Oo ula dhaqma (haweenka) si wanaagsan oo naxariis leh. Haddaad nacdaanna waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu Alle yeeli dhexdiisa khayr badan.
15. Aayaddan loola ma jeedo in dhaxlidda haweenka qasbid la’aan ay bannaan tahay hadday doonayaan. Waagii jaahiliyadda hadduu nin ka dhinto xaaskiisa, waxaa arka xigaaladiisa sida walaalki ama ina adeerki iwm inuu kaga xaq badan yahay xaaskiisa nin kale oo dhan, oo wuxuu ka ilaashaa qeyrki ha jeclaato ama yeysan jeclaan, hadduu jecleysto wuxuu ku guursadaa meherkii uu isagu doono isagoo aan iyada oggolaansho ka helin, hadduusan jecleysanna waa uu xayiraa oo uma guuriyo waxaan ahayn ninkii uu isagu doono, marmarna waxaaba dhici jirtay inuu u diido inay guursato ilaa ay wax ka siiso dhaxalkii ninkaa dhintay ay qaraabada yihiin ama meherkeeda, haddii kale inuusan u guurineyn. Aayaddan waxaa ku cad in ninka dhintay warasadiisa ayan uga xaq lahayn ragga kale guursigaa haweentiisa uu ka dhintay iyo dhaxliddeed, iwm.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِنۡ أَرَدتُّمُ ٱسۡتِبۡدَالَ زَوۡجٖ مَّكَانَ زَوۡجٖ وَءَاتَيۡتُمۡ إِحۡدَىٰهُنَّ قِنطَارٗا فَلَا تَأۡخُذُواْ مِنۡهُ شَيۡـًٔاۚ أَتَأۡخُذُونَهُۥ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا
20. Haddaad doontaanna inaad ku beddelataan xaas meesheed xaas kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَكَيۡفَ تَأۡخُذُونَهُۥ وَقَدۡ أَفۡضَىٰ بَعۡضُكُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ وَأَخَذۡنَ مِنكُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا
21. Sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu tegey, oo ay idinka qaadeen axdi adag?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَا تَنكِحُواْ مَا نَكَحَ ءَابَآؤُكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۚ إِنَّهُۥ كَانَ فَٰحِشَةٗ وَمَقۡتٗا وَسَآءَ سَبِيلًا
22. Ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. Arrinkani waa xumaan iyo wax aad loo naco, oo u xun jid.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
حُرِّمَتۡ عَلَيۡكُمۡ أُمَّهَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُمۡ وَعَمَّٰتُكُمۡ وَخَٰلَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُ ٱلۡأَخِ وَبَنَاتُ ٱلۡأُخۡتِ وَأُمَّهَٰتُكُمُ ٱلَّٰتِيٓ أَرۡضَعۡنَكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُم مِّنَ ٱلرَّضَٰعَةِ وَأُمَّهَٰتُ نِسَآئِكُمۡ وَرَبَٰٓئِبُكُمُ ٱلَّٰتِي فِي حُجُورِكُم مِّن نِّسَآئِكُمُ ٱلَّٰتِي دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَإِن لَّمۡ تَكُونُواْ دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ وَحَلَٰٓئِلُ أَبۡنَآئِكُمُ ٱلَّذِينَ مِنۡ أَصۡلَٰبِكُمۡ وَأَن تَجۡمَعُواْ بَيۡنَ ٱلۡأُخۡتَيۡنِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
23. Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan19.
16. Hooyooyinkiin: sida hooyo, hooyo hooyadeed, ayeeyo hooyadeed, ku wad, gabadhahiinna : sida gabadha aad dhashay iyo wiilka aad dhashay gabadhi iyo gabadheed, ku wad,
17. Rabaa’ib gabdhaha xaasaskiinna ee gurigiinna jooga, waxay badi mufasiriinta qabaan inay sidoo kale soo galayaan rabaabita aan guryahooda joogin.
18. Islaamka ka hor. Kaddib markuu Alle soo dejiyey Aayaddan, waxaa la amray ragga inay sii daayaan dumarkaa aan xalaasha u aheyn sida xaaska aabbihi, hadduu isla qabo labo gabdhood oo walaalo ah waa inuu mid sii daayo, ama hadduu leeyahay xaasas tiro ahaan ka badan afar, waa inuu afar keliya ka doorto. Isla xukunkan oo kale baa saaran marka uu nin soo galo islaamka.
19. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxay toddobo ku xarrimantay xigto ahaan, toddobana xidid ahaan, sidoo kale cidda wax nuujisa iyo tan kula nuugta. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa ku reebban nuugmada naaska waxa ku reebban nasabka, waase inay ahaato shan nuugmo. Sidoo kale waxaa xaaraan ah guursiga haweeney la qabo.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ وَٱلۡمُحۡصَنَٰتُ مِنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۖ كِتَٰبَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡۚ وَأُحِلَّ لَكُم مَّا وَرَآءَ ذَٰلِكُمۡ أَن تَبۡتَغُواْ بِأَمۡوَٰلِكُم مُّحۡصِنِينَ غَيۡرَ مُسَٰفِحِينَۚ فَمَا ٱسۡتَمۡتَعۡتُم بِهِۦ مِنۡهُنَّ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ فَرِيضَةٗۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِيمَا تَرَٰضَيۡتُم بِهِۦ مِنۢ بَعۡدِ ٱلۡفَرِيضَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
24. Iyo dhammaan haweenka la qabo kuway midigtiinna hanato maahee 20. (Kani waa) waxa uu Alle faral idiinka dhigay. Waxaa xalaal idiin ah (haween oo dhan) intaa aan ahayn21, waase inaad ku doontaan maalkiinna idinkoo ku qaadanaya guur oo aan dooneyn gaabsi. Ee kuwa aad guur ku raaxo gashaan, siiya meherradooda la gooyey; oo ma jiro wax eed ahi oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan waxa la gooyey kaddib22. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
20. kuway midigtiinna hanato maahee, waxaa loola jeedaa kuwa ayan nimankooda qafaalka ku jirin, eeg Suuradda An-Nisaa: 3 21. Waxaan ahayn haweenka lagu xusay Suuradda An-Nisaa Aayadda 23.
22. Inuu kordhiyo ama naaqusiyo amaba uusan bixin meherkii lagu heshiiyey.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن لَّمۡ يَسۡتَطِعۡ مِنكُمۡ طَوۡلًا أَن يَنكِحَ ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ فَمِن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن فَتَيَٰتِكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۚ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِكُمۚ بَعۡضُكُم مِّنۢ بَعۡضٖۚ فَٱنكِحُوهُنَّ بِإِذۡنِ أَهۡلِهِنَّ وَءَاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِ مُحۡصَنَٰتٍ غَيۡرَ مُسَٰفِحَٰتٖ وَلَا مُتَّخِذَٰتِ أَخۡدَانٖۚ فَإِذَآ أُحۡصِنَّ فَإِنۡ أَتَيۡنَ بِفَٰحِشَةٖ فَعَلَيۡهِنَّ نِصۡفُ مَا عَلَى ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ مِنَ ٱلۡعَذَابِۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَشِيَ ٱلۡعَنَتَ مِنكُمۡۚ وَأَن تَصۡبِرُواْ خَيۡرٞ لَّكُمۡۗ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
25. Ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah23, Alle isagaa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa kala barka ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Arrinkani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco denbi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
23. Shareecada islaamka way ku bannaan tahay guursiga addoonta markay kaamil noqoto shuruudda lagu guursan karo.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُبَيِّنَ لَكُمۡ وَيَهۡدِيَكُمۡ سُنَنَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَيَتُوبَ عَلَيۡكُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
26. Alle Wuxuu rabaa inuu idiin caddeeyo oo idinku hanuuniyo jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idinka toobad aqbalo, Allena waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱللَّهُ يُرِيدُ أَن يَتُوبَ عَلَيۡكُمۡ وَيُرِيدُ ٱلَّذِينَ يَتَّبِعُونَ ٱلشَّهَوَٰتِ أَن تَمِيلُواْ مَيۡلًا عَظِيمٗا
27. Alle Wuxuu rabaa inuu idinka toobad aqbalo, kuwase raaca shahwadooda, waxay rabaan inaad weecataan weecasho weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمۡۚ وَخُلِقَ ٱلۡإِنسَٰنُ ضَعِيفٗا
28. Alle Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, aadmigana waxaa la abuuray daciif ahaan (xagga jidhka iyo xagga doonidda dumarka oo kama samri karo).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَكُم بَيۡنَكُم بِٱلۡبَٰطِلِ إِلَّآ أَن تَكُونَ تِجَٰرَةً عَن تَرَاضٖ مِّنكُمۡۚ وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُمۡ رَحِيمٗا
29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna24 (hana is dilina). Hubaal, Alle wuu idiin Naxariis Badan yahay.
24. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Nin baa waxaa soo gaaray dhaawac, markaasuu is dilay. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonkeyga wuxuu u sababay naftiisa geeri degdeg ah uu gacantiisa ku doontay , waa ka xaaraan jannada. W.w. Al-Bukhaari.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ عُدۡوَٰنٗا وَظُلۡمٗا فَسَوۡفَ نُصۡلِيهِ نَارٗاۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرًا
30. Qofkii u falaa arrinkaa xadgudub iyo dulmi, waxaanu gelin Naar, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِن تَجۡتَنِبُواْ كَبَآئِرَ مَا تُنۡهَوۡنَ عَنۡهُ نُكَفِّرۡ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَنُدۡخِلۡكُم مُّدۡخَلٗا كَرِيمٗا
31. Haddaad ka fogaataan denbiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi denbiyadiinna (yar yar), waxaana idin gelin meel gelitaan sharaf leh (Janno).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَا تَتَمَنَّوۡاْ مَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بِهِۦ بَعۡضَكُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٞ مِّمَّا ٱكۡتَسَبُواْۖ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٞ مِّمَّا ٱكۡتَسَبۡنَۚ وَسۡـَٔلُواْ ٱللَّهَ مِن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
32. Ha u hanqal taagina wuxuu Alle dheereysiiyey qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, haweenkuna waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, weydiistana Alle Deeqdiisa. Hubaal, Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلِكُلّٖ جَعَلۡنَا مَوَٰلِيَ مِمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَۚ وَٱلَّذِينَ عَقَدَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡ فَـَٔاتُوهُمۡ نَصِيبَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدًا
33. Mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Alle wax kasta waa u marag shaahid ah oo wuu u jeedaa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱلرِّجَالُ قَوَّٰمُونَ عَلَى ٱلنِّسَآءِ بِمَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بَعۡضَهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ وَبِمَآ أَنفَقُواْ مِنۡ أَمۡوَٰلِهِمۡۚ فَٱلصَّٰلِحَٰتُ قَٰنِتَٰتٌ حَٰفِظَٰتٞ لِّلۡغَيۡبِ بِمَا حَفِظَ ٱللَّهُۚ وَٱلَّٰتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَٱهۡجُرُوهُنَّ فِي ٱلۡمَضَاجِعِ وَٱضۡرِبُوهُنَّۖ فَإِنۡ أَطَعۡنَكُمۡ فَلَا تَبۡغُواْ عَلَيۡهِنَّ سَبِيلًاۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيّٗا كَبِيرٗا
34.Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Alle dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed25, iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsanna way adeecaan (nimankooda), ilaaliyaan maqnaanasha (nimankooda) ilaalinta Alle darteed26. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadoo- da, waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) 27, hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Alle waa Sarreeye, Weyn.
25. Wuxuu Alle ku waajbiyey ninka inuu wanaajiyo oo si fiican ula dhaqmo xaaskiisa.
26. Maalka ninkeeda, iyo dhowrsanaan- teeda oo xafiddaa jirkeeda.
27. Nushuush, waxaa la yidhaahdaa haweenta oo ka tagta gudashada waajibaadka saaran, sida inay ka baxdo guriga idan la’aanta ninkeeda ama u idinto inuu soo galo guriga qof uusan u idmin xitaa hadduu yahay aabbaheed ama hooyadeed, iwm. Xalka u dambeeya ee edbintooda waa garaacidda garaac aayar ah, ma bannaana inaad wax uga dhufato wejiga ama jir disho ama waxyeello u geysato. Taasina waa hadday garaaciddu faa’ido keeni oo arrinka ka sii dareyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِنۡ خِفۡتُمۡ شِقَاقَ بَيۡنِهِمَا فَٱبۡعَثُواْ حَكَمٗا مِّنۡ أَهۡلِهِۦ وَحَكَمٗا مِّنۡ أَهۡلِهَآ إِن يُرِيدَآ إِصۡلَٰحٗا يُوَفِّقِ ٱللَّهُ بَيۡنَهُمَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا خَبِيرٗا
35. Haddaad ka cabsataan kala go’ dhex mara (ninka iyo naagtiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday rabaan heshiis, Alle wuu is waafajin. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ وَٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُشۡرِكُواْ بِهِۦ شَيۡـٔٗاۖ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنٗا وَبِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱلۡجَارِ ذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡجَارِ ٱلۡجُنُبِ وَٱلصَّاحِبِ بِٱلۡجَنۢبِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ مُخۡتَالٗا فَخُورًا
36. Caabuda Alle hana la wadaajinina cibaadada waxba, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha,masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah28, saaxiibka ku dhinac jooga, musaafirka (go’doonsan)29, iyo kuwa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Alle ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan.
28. Sokeeyaha iyo shisheeyaha, waxaa lagu fasiray meesha iyo qaraabannimada, waxaana jira culimo ku fasirtay qofka muslimka ah iyo qofka aan muslimka ahayn. Saaxiibka dhinacana waxaa la yidhi waa saaxiibka aad xiriirka wadaagtaan, sidoo kale waxaa lagu fasiray xaaska.
29. Ibnu Sabiil waa musaafirka aan safar u soo galin macsi darteed uu ka go’ay jiscinkii, waxaa soo galaya u axsaan falka iyo daryeelka ilmaha aan la garanayn aabbayaashood ee dib jirka ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱلَّذِينَ يَبۡخَلُونَ وَيَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبُخۡلِ وَيَكۡتُمُونَ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦۗ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا
37. Kuwa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada30, ee qariya waxa uu Alle siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.
30. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: Maalin walba ay waabbariistaan aadmiga waxaa soo dega labo malag oo midkood leeyahay Allahayow sii qofka wax ku bixiyaa Arrinkaaga beddel wanaagsan, kan kalena wuxuu yidhaahdaa: Allahayow ka yeel maalka bakheylka mid talfa oo aan wax ugu turnaan (W.w. Al-Bukhaari).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ رِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَلَا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَلَا بِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۗ وَمَن يَكُنِ ٱلشَّيۡطَٰنُ لَهُۥ قَرِينٗا فَسَآءَ قَرِينٗا
38. Iyo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro, qofkiina uu Sheydaan ku xiriiro; muxuu xiriir xun yeeshay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَاذَا عَلَيۡهِمۡ لَوۡ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقَهُمُ ٱللَّهُۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِهِمۡ عَلِيمًا
39. Maxaana ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo wax ka bixiyaan waxa uu Alle siiyey? Allena iyaga wuu og yahay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظۡلِمُ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖۖ وَإِن تَكُ حَسَنَةٗ يُضَٰعِفۡهَا وَيُؤۡتِ مِن لَّدُنۡهُ أَجۡرًا عَظِيمٗا
40. Alle ma dulmiyo wax saxar le’egba ha ahaatee, hadday wanaag tahayna, wuu labo laabaa, wuxuuna ka bixiyaa Xaggiisa Ajar Weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَكَيۡفَ إِذَا جِئۡنَا مِن كُلِّ أُمَّةِۭ بِشَهِيدٖ وَجِئۡنَا بِكَ عَلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِ شَهِيدٗا
41. Ee sidee (bay ahaan) markaan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga (Nabiyow) si aad uga ahaato markhaati kuwan?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَوۡمَئِذٖ يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَعَصَوُاْ ٱلرَّسُولَ لَوۡ تُسَوَّىٰ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضُ وَلَا يَكۡتُمُونَ ٱللَّهَ حَدِيثٗا
42. Maalintaas waxay jeclaan kuwa gaalooba oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, kamana qariyaan Alle waxna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡرَبُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنتُمۡ سُكَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَعۡلَمُواْ مَا تَقُولُونَ وَلَا جُنُبًا إِلَّا عَابِرِي سَبِيلٍ حَتَّىٰ تَغۡتَسِلُواْۚ وَإِن كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوۡ جَآءَ أَحَدٞ مِّنكُم مِّنَ ٱلۡغَآئِطِ أَوۡ لَٰمَسۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمۡ تَجِدُواْ مَآءٗ فَتَيَمَّمُواْ صَعِيدٗا طَيِّبٗا فَٱمۡسَحُواْ بِوُجُوهِكُمۡ وَأَيۡدِيكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوًّا غَفُورًا
43. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan31 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba (qasli) qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan (janaabada). Haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haween32, oo aydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.
31. Isticmaalka khamrada si dhan baa loo xaaraanshay: eeg Q 5: 90-91
32. Culimada qaar waxay ku fasireen taabashadaas taabashada caadiga ah ee la isku taabto gacanta nin iyo naag, waxaa sidoo kale jira qaar ku fasiray jimaaca oo ah isu tagga ninka iyo naagtiisa - galmoodka, waana sida xoogga badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يَشۡتَرُونَ ٱلضَّلَٰلَةَ وَيُرِيدُونَ أَن تَضِلُّواْ ٱلسَّبِيلَ
44. Miyaadan u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) laga siiyey qayb Kitaabka? Waxay iibsadaan habow, oo rabaan inaad ka luntaan Jidka Toosan (ee Islaamka).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِأَعۡدَآئِكُمۡۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَلِيّٗا وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ نَصِيرٗا
45. Alle baana yaqaan cadowyadiinna, Allena ku filan Wali (Xafide) ahaan. Oo Alle ku filan inuu ahaado Gargaare.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
مِّنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ عَن مَّوَاضِعِهِۦ وَيَقُولُونَ سَمِعۡنَا وَعَصَيۡنَا وَٱسۡمَعۡ غَيۡرَ مُسۡمَعٖ وَرَٰعِنَا لَيَّۢا بِأَلۡسِنَتِهِمۡ وَطَعۡنٗا فِي ٱلدِّينِۚ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَا وَٱسۡمَعۡ وَٱنظُرۡنَا لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ وَأَقۡوَمَ وَلَٰكِن لَّعَنَهُمُ ٱللَّهُ بِكُفۡرِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
46. Qaar ka mid ah kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Maqallay oo caasinnay, maqal, laguma maqashiiye eh, Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay waana adeecnay, maqaloo na soo day, baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, Alle baase ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ ءَامِنُواْ بِمَا نَزَّلۡنَا مُصَدِّقٗا لِّمَا مَعَكُم مِّن قَبۡلِ أَن نَّطۡمِسَ وُجُوهٗا فَنَرُدَّهَا عَلَىٰٓ أَدۡبَارِهَآ أَوۡ نَلۡعَنَهُمۡ كَمَا لَعَنَّآ أَصۡحَٰبَ ٱلسَّبۡتِۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولًا
47. Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxaan soo dejinnay (Qur’aanka) ee xaqiijin waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka) ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidaan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Amarka Allena waa mid abad fula.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفۡتَرَىٰٓ إِثۡمًا عَظِيمًا
48. Alle ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn33.
33. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu ku odhan qofka ugu cadaab fudud naarta gudaheeda. Haddii aad leedahay waxa arlada korkeeda ah oo dhan ma u bixin lahayd madax furasho ahaan si aad naftaada uga xoreyso Naarta? Wuxuu odhan? Haa. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu ku odhan: Adigoo ku jira dhabarka Aadam, waxaan kaa dalbay wax taa wax badan ka yar : inaadan cidna iigu shariik yeelin cibaadada , waxaadse ku adkeysatay shirkiga (inaad ila wadaajiso cid kale cibaadada). w.w.Al-Bukhaari.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُزَكُّونَ أَنفُسَهُمۚ بَلِ ٱللَّهُ يُزَكِّي مَن يَشَآءُ وَلَا يُظۡلَمُونَ فَتِيلًا
49. Miyaanad u fiirsan kuwa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo (waa inay yidhaahdaan waxaannu nahay ilmahii Alle iyo kuwa uu jecel yahay). Mayee Alle baa daahiriya qofkuu doono, lagamana dulmiyo kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱنظُرۡ كَيۡفَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَۖ وَكَفَىٰ بِهِۦٓ إِثۡمٗا مُّبِينًا
50. Fiiri, siday uga been sheegaan Alle, arrinkani baana ugu filan denbi cad.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡجِبۡتِ وَٱلطَّٰغُوتِ وَيَقُولُونَ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ هَٰٓؤُلَآءِ أَهۡدَىٰ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ سَبِيلًا
51. Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa gaalooba(mushrikiinta): kuwakani baa ka hanuunsan (toosan) kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta) jidkooda.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُۖ وَمَن يَلۡعَنِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ نَصِيرًا
52. Kuwaas weeye kuwa uu Alle nacladay, qofkiina uu Alle naclado weligii uma heleysid gargaare (shafeece Aakhirada).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَمۡ لَهُمۡ نَصِيبٞ مِّنَ ٱلۡمُلۡكِ فَإِذٗا لَّا يُؤۡتُونَ ٱلنَّاسَ نَقِيرًا
53. Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortoo- yada (Alle)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَمۡ يَحۡسُدُونَ ٱلنَّاسَ عَلَىٰ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦۖ فَقَدۡ ءَاتَيۡنَآ ءَالَ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَءَاتَيۡنَٰهُم مُّلۡكًا عَظِيمٗا
54. Mise waxay ku xasdaan dadka wuxuu Alle siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, waxaanuna siinnay boqortooyo weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَمِنۡهُم مَّنۡ ءَامَنَ بِهِۦ وَمِنۡهُم مَّن صَدَّ عَنۡهُۚ وَكَفَىٰ بِجَهَنَّمَ سَعِيرًا
55. Marka waxaa ka mid ah mid rumeeyey (Nabi Muxammad), waxaana ka mid ah mid ka jeesada; Jahannama baana ku filan inay gubto.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا سَوۡفَ نُصۡلِيهِمۡ نَارٗا كُلَّمَا نَضِجَتۡ جُلُودُهُم بَدَّلۡنَٰهُمۡ جُلُودًا غَيۡرَهَا لِيَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمٗا
56. Kuwa rumeyn diida Aayadahayaga, waxaanu galin Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka. Hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَنُدۡخِلُهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّهُمۡ فِيهَآ أَزۡوَٰجٞ مُّطَهَّرَةٞۖ وَنُدۡخِلُهُمۡ ظِلّٗا ظَلِيلًا
57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waxay leeyihiin gudaheeda xaasas daahir ah, waxaana gelinaynaa hoosas harac ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُكُمۡ أَن تُؤَدُّواْ ٱلۡأَمَٰنَٰتِ إِلَىٰٓ أَهۡلِهَا وَإِذَا حَكَمۡتُم بَيۡنَ ٱلنَّاسِ أَن تَحۡكُمُواْ بِٱلۡعَدۡلِۚ إِنَّ ٱللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِۦٓۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ سَمِيعَۢا بَصِيرٗا
58. Alle wuxuu idin amri inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Waxaa wanaagsan wuxuu Alle idinku waaniyo. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَأُوْلِي ٱلۡأَمۡرِ مِنكُمۡۖ فَإِن تَنَٰزَعۡتُمۡ فِي شَيۡءٖ فَرُدُّوهُ إِلَى ٱللَّهِ وَٱلرَّسُولِ إِن كُنتُمۡ تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ وَأَحۡسَنُ تَأۡوِيلًا
59. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwa idinka mid ah ee idiin haya talada. Haddaad wax isku qabataanna, u celiya Alle iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa khayr badan oo cidhib wanaagsan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يَزۡعُمُونَ أَنَّهُمۡ ءَامَنُواْ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَ يُرِيدُونَ أَن يَتَحَاكَمُوٓاْ إِلَى ٱلطَّٰغُوتِ وَقَدۡ أُمِرُوٓاْ أَن يَكۡفُرُواْ بِهِۦۖ وَيُرِيدُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَن يُضِلَّهُمۡ ضَلَٰلَۢا بَعِيدٗا
60. Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah hortaa? Waxay rabaan inay u xukunta- maan Shaydaanka iyagoo la amray inay ku gaaloobaan, wuxuuna rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan fog.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ إِلَىٰ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَإِلَى ٱلرَّسُولِ رَأَيۡتَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يَصُدُّونَ عَنكَ صُدُودٗا
61. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka) iyo xagga Rasuulka (Nabi Muxammad), waxaad arki munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeedsaho muuqata.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَكَيۡفَ إِذَآ أَصَٰبَتۡهُم مُّصِيبَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ ثُمَّ جَآءُوكَ يَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ إِنۡ أَرَدۡنَآ إِلَّآ إِحۡسَٰنٗا وَتَوۡفِيقًا
62. Ee sidee bay noqon markay ku dhacdo musiibo waxay gacmahoodu horey u geysteen awgii (oo denbiyo ah)? Markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Alle: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ يَعۡلَمُ ٱللَّهُ مَا فِي قُلُوبِهِمۡ فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَعِظۡهُمۡ وَقُل لَّهُمۡ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ قَوۡلَۢا بَلِيغٗا
63. Kuwaa waa kuwa uu Alle og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso, waanina, oo kala hadal nafahooda hadal saameyn weyn leh.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا لِيُطَاعَ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ إِذ ظَّلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ جَآءُوكَ فَٱسۡتَغۡفَرُواْ ٱللَّهَ وَٱسۡتَغۡفَرَ لَهُمُ ٱلرَّسُولُ لَوَجَدُواْ ٱللَّهَ تَوَّابٗا رَّحِيمٗا
64. Uma aanu soo dirin Rasuul waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Alle. Hadday markay dulmiyeen nafahooda kuu imaan lahaayeen oo ay weydiisan lahaayeen denbi dhaaf Alle, oo Rasuulku (sidoo kale) denbi dhaaf u dalbi lahaa; waxay heli lahaayeen Alle oo toobad aqbal Badan, Naxariis Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤۡمِنُونَ حَتَّىٰ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيۡنَهُمۡ ثُمَّ لَا يَجِدُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ حَرَجٗا مِّمَّا قَضَيۡتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسۡلِيمٗا
65. Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, markaasna ayan ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxaad guddoomiso, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَوۡ أَنَّا كَتَبۡنَا عَلَيۡهِمۡ أَنِ ٱقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ أَوِ ٱخۡرُجُواْ مِن دِيَٰرِكُم مَّا فَعَلُوهُ إِلَّا قَلِيلٞ مِّنۡهُمۡۖ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ فَعَلُواْ مَا يُوعَظُونَ بِهِۦ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ وَأَشَدَّ تَثۡبِيتٗا
66. Haddaan ku faral yeeli laheynna (munaafiqinta): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer banii Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Hadday fali lahaayeenna waxa lagu waaniyo baa u roonaan laheyd, oo xoojin laheyd (iimaankooda);
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذٗا لَّأٓتَيۡنَٰهُم مِّن لَّدُنَّآ أَجۡرًا عَظِيمٗا
67. Waxaan markaas ka siin laheyn Xaggayaga Ajar Weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَهَدَيۡنَٰهُمۡ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا
68. Waxaana ku hanuunin laheyn Jid Toosan (Islaamka).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَعَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ وَٱلصِّدِّيقِينَ وَٱلشُّهَدَآءِ وَٱلصَّٰلِحِينَۚ وَحَسُنَ أُوْلَٰٓئِكَ رَفِيقٗا
69. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwaa waxay ahaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Alle, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, wanaagsanaana kuwaas oo lala noqdo rafiiq.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ذَٰلِكَ ٱلۡفَضۡلُ مِنَ ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ عَلِيمٗا
70. Kani waa Fadli xagga Alle ah, kuna Filan Alle inuu yahay wax kasta Oge.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ خُذُواْ حِذۡرَكُمۡ فَٱنفِرُواْ ثُبَاتٍ أَوِ ٱنفِرُواْ جَمِيعٗا
71. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِنَّ مِنكُمۡ لَمَن لَّيُبَطِّئَنَّ فَإِنۡ أَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةٞ قَالَ قَدۡ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيَّ إِذۡ لَمۡ أَكُن مَّعَهُمۡ شَهِيدٗا
72. Waxaa idinka mid ah mid isagu dib idiin dhiga. Hadday idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Alle waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَئِنۡ أَصَٰبَكُمۡ فَضۡلٞ مِّنَ ٱللَّهِ لَيَقُولَنَّ كَأَن لَّمۡ تَكُنۢ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُۥ مَوَدَّةٞ يَٰلَيۡتَنِي كُنتُ مَعَهُمۡ فَأَفُوزَ فَوۡزًا عَظِيمٗا
73. Haddaad ka heshaan fadli xagga Alle, wuxuu odhan - sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ فَلۡيُقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ يَشۡرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا بِٱلۡأٓخِرَةِۚ وَمَن يُقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَيُقۡتَلۡ أَوۡ يَغۡلِبۡ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا
74. Ee ha ku dagaallamaan Jidka Alle kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, qofkii u dagaallama Jidka Alle, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siineynaa Ajar Weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَا لَكُمۡ لَا تُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلۡوِلۡدَٰنِ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا مِنۡ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلظَّالِمِ أَهۡلُهَا وَٱجۡعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ وَلِيّٗا وَٱجۡعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ نَصِيرًا
75. Maxaad u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Alle, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbigayow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin daalimiinta oo nooga yeel Xaggaaga ilaaliye na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱلطَّٰغُوتِ فَقَٰتِلُوٓاْ أَوۡلِيَآءَ ٱلشَّيۡطَٰنِۖ إِنَّ كَيۡدَ ٱلشَّيۡطَٰنِ كَانَ ضَعِيفًا
76. Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Alle, kuwase gaalooba waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; hubaal dabinka shaydaanku waa daciif.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ قِيلَ لَهُمۡ كُفُّوٓاْ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ فَلَمَّا كُتِبَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقِتَالُ إِذَا فَرِيقٞ مِّنۡهُمۡ يَخۡشَوۡنَ ٱلنَّاسَ كَخَشۡيَةِ ٱللَّهِ أَوۡ أَشَدَّ خَشۡيَةٗۚ وَقَالُواْ رَبَّنَا لِمَ كَتَبۡتَ عَلَيۡنَا ٱلۡقِتَالَ لَوۡلَآ أَخَّرۡتَنَآ إِلَىٰٓ أَجَلٖ قَرِيبٖۗ قُلۡ مَتَٰعُ ٱلدُّنۡيَا قَلِيلٞ وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لِّمَنِ ٱتَّقَىٰ وَلَا تُظۡلَمُونَ فَتِيلًا
77. Miyaadan arag kuwa lagu yidhi: Ceshada gacmahiinna34 oogana salaadda, oo bixiya Sakada, markase loo qoray inay dagaal galaan, mise koox ka mid ah waxay uga baqaan dadka siday tahay in looga baqdo Alle ama baqdin ka daranba. Waxayna yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu faral yeeshay dagaalka? Haddaad noogu dib dhigi laheyd muddo dhow? Dheh: Raaxada adduunka waa wax yar. Aakhiradaana u khayr badan kan iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale) laydinkamana dulmiyo wax xuub le’egna ha ahaatee.
34. Waxay ahayd intaan la soo dejin amarka jihaadka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَيۡنَمَا تَكُونُواْ يُدۡرِككُّمُ ٱلۡمَوۡتُ وَلَوۡ كُنتُمۡ فِي بُرُوجٖ مُّشَيَّدَةٖۗ وَإِن تُصِبۡهُمۡ حَسَنَةٞ يَقُولُواْ هَٰذِهِۦ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةٞ يَقُولُواْ هَٰذِهِۦ مِنۡ عِندِكَۚ قُلۡ كُلّٞ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ فَمَالِ هَٰٓؤُلَآءِ ٱلۡقَوۡمِ لَا يَكَادُونَ يَفۡقَهُونَ حَدِيثٗا
78. Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin haleeli, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Alle. Haddiise ay ku dhacdo xumaan, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Alle, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
مَّآ أَصَابَكَ مِنۡ حَسَنَةٖ فَمِنَ ٱللَّهِۖ وَمَآ أَصَابَكَ مِن سَيِّئَةٖ فَمِن نَّفۡسِكَۚ وَأَرۡسَلۡنَٰكَ لِلنَّاسِ رَسُولٗاۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدٗا
79. Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Alle, waxase kugu dhaca oo xumaan ah waa xagga naftaada. Waxaana kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul aad u ahaato, oo Alle baa ku filan Marag uu ahaado.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
مَّن يُطِعِ ٱلرَّسُولَ فَقَدۡ أَطَاعَ ٱللَّهَۖ وَمَن تَوَلَّىٰ فَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظٗا
80. Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu Adeecay Allaah, qofkii (Xaqa ka) jeesadana, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye inaad ka ahaato (dadka) dushood.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَيَقُولُونَ طَاعَةٞ فَإِذَا بَرَزُواْ مِنۡ عِندِكَ بَيَّتَ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ غَيۡرَ ٱلَّذِي تَقُولُۖ وَٱللَّهُ يَكۡتُبُ مَا يُبَيِّتُونَۖ فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا
81. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Daacad (baa nahay). Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii waxaan aheyn oo ka duwan waxaad tidhaahdo. Allena wuu qoraa waxay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo isku hallee Alle oo talo saaro. Allena ku filan wakiil uu ahaado.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلۡقُرۡءَانَۚ وَلَوۡ كَانَ مِنۡ عِندِ غَيۡرِ ٱللَّهِ لَوَجَدُواْ فِيهِ ٱخۡتِلَٰفٗا كَثِيرٗا
82. Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Alle, waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذَا جَآءَهُمۡ أَمۡرٞ مِّنَ ٱلۡأَمۡنِ أَوِ ٱلۡخَوۡفِ أَذَاعُواْ بِهِۦۖ وَلَوۡ رَدُّوهُ إِلَى ٱلرَّسُولِ وَإِلَىٰٓ أُوْلِي ٱلۡأَمۡرِ مِنۡهُمۡ لَعَلِمَهُ ٱلَّذِينَ يَسۡتَنۢبِطُونَهُۥ مِنۡهُمۡۗ وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ لَٱتَّبَعۡتُمُ ٱلشَّيۡطَٰنَ إِلَّا قَلِيلٗا
83. Markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, hadday u celin lahaayeen Rasuulka (Nabi Muxammad) ama kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Haddaanu Fadliga Alle korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ لَا تُكَلَّفُ إِلَّا نَفۡسَكَۚ وَحَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَكُفَّ بَأۡسَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ وَٱللَّهُ أَشَدُّ بَأۡسٗا وَأَشَدُّ تَنكِيلٗا
84. Ee ku dagaallan Jidka Alle, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Alle idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Alle baana Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
مَّن يَشۡفَعۡ شَفَٰعَةً حَسَنَةٗ يَكُن لَّهُۥ نَصِيبٞ مِّنۡهَاۖ وَمَن يَشۡفَعۡ شَفَٰعَةٗ سَيِّئَةٗ يَكُن لَّهُۥ كِفۡلٞ مِّنۡهَاۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ مُّقِيتٗا
85. Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), qofkiise ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (denbigeeda) ah. Alle baana wax walba ilaaliya oo shaahid ka ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذَا حُيِّيتُم بِتَحِيَّةٖ فَحَيُّواْ بِأَحۡسَنَ مِنۡهَآ أَوۡ رُدُّوهَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَسِيبًا
86. Marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Alle waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ لَيَجۡمَعَنَّكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِۗ وَمَنۡ أَصۡدَقُ مِنَ ٱللَّهِ حَدِيثٗا
87. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Yaa ka run sheeg badan Alle oo hadla.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ فَمَا لَكُمۡ فِي ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِئَتَيۡنِ وَٱللَّهُ أَرۡكَسَهُم بِمَا كَسَبُوٓاْۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَهۡدُواْ مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا
88.Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta?35 Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno).36
35. Koox ka mid ah mu’miniinta ee difaacayey munaafiqiinta iyo koox ka mid ah mu’miniinta ee colaadinayey.
36. Waxaa la soo weriyey in Carabta qaarkood ay ugu yimaadeen Rasuulka s.c.w. Madiina, markaasay isalaameen, kaddib waxaa ku dhacay xummadii Madiina, markaasay u laabteen gaalnimadii oo ka baxeen Madiina. Waxay la kulmeen qaar ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w. markaasay asxaabtii waxay weydiiyeen sababta ay uga soo baxeen Madiina. Markaasay waxay u sheegeen inay ku dhacday xumaddii Madiinah. Asxaabtii waxay yidhaahdeen: Oo maxaad tusaale ugu qaadan weydeen Rasuulka Alle s.c.w., markaasay asxaabtii u qaybsameen labo kooxood: koox arkay inay yihiin kuwaa munaafiqiin iyo koox aragta inay weli yihiin muslimiin. Markaasay soo degtay Aayaddan ka canaaneysa muslimiinta inay ku qaybsamaan arrinkooda, oo amreysa inay qafaashaan oo laayaan reer miyiga Madiinah hareeraheeda deggan haddii aanay u soo haajirin Madiinah iyo inay iyagu la mid yihiin mushirkiinta kale.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَدُّواْ لَوۡ تَكۡفُرُونَ كَمَا كَفَرُواْ فَتَكُونُونَ سَوَآءٗۖ فَلَا تَتَّخِذُواْ مِنۡهُمۡ أَوۡلِيَآءَ حَتَّىٰ يُهَاجِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَخُذُوهُمۡ وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ وَجَدتُّمُوهُمۡۖ وَلَا تَتَّخِذُواْ مِنۡهُمۡ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرًا
89. Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan siday u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Alle darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelannina xaggooda sokeeye iyo gargaare midna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِلَّا ٱلَّذِينَ يَصِلُونَ إِلَىٰ قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٌ أَوۡ جَآءُوكُمۡ حَصِرَتۡ صُدُورُهُمۡ أَن يُقَٰتِلُوكُمۡ أَوۡ يُقَٰتِلُواْ قَوۡمَهُمۡۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَسَلَّطَهُمۡ عَلَيۡكُمۡ فَلَقَٰتَلُوكُمۡۚ فَإِنِ ٱعۡتَزَلُوكُمۡ فَلَمۡ يُقَٰتِلُوكُمۡ وَأَلۡقَوۡاْ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَمَ فَمَا جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمۡ عَلَيۡهِمۡ سَبِيلٗا
90. Waxaan aheyn kuwa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan qolodooda. Hadduu doono Alle, wuu idinku salladi lahaa, wayna idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Alle idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
سَتَجِدُونَ ءَاخَرِينَ يُرِيدُونَ أَن يَأۡمَنُوكُمۡ وَيَأۡمَنُواْ قَوۡمَهُمۡ كُلَّ مَا رُدُّوٓاْ إِلَى ٱلۡفِتۡنَةِ أُرۡكِسُواْ فِيهَاۚ فَإِن لَّمۡ يَعۡتَزِلُوكُمۡ وَيُلۡقُوٓاْ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَمَ وَيَكُفُّوٓاْ أَيۡدِيَهُمۡ فَخُذُوهُمۡ وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ ثَقِفۡتُمُوهُمۡۚ وَأُوْلَٰٓئِكُمۡ جَعَلۡنَا لَكُمۡ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينٗا
91. Waxaad heli kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan qolodooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanay laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwaa waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٍ أَن يَقۡتُلَ مُؤۡمِنًا إِلَّا خَطَـٔٗاۚ وَمَن قَتَلَ مُؤۡمِنًا خَطَـٔٗا فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖ وَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَصَّدَّقُواْۚ فَإِن كَانَ مِن قَوۡمٍ عَدُوّٖ لَّكُمۡ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ وَإِن كَانَ مِن قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٞ فَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ وَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ شَهۡرَيۡنِ مُتَتَابِعَيۡنِ تَوۡبَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
92. Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah37, u toobad keen ahaan Alle. Allena waa Wax walba Oge, Xakiiim ah
37. Labo bilood aan kala go’ lahayn marka laga reebo wixii cudur daar leh sida marka ay soo gasho bisha Ramadaan, ama labada maalmood ee ciidda (ciidda soon furka iyo ciidda adxada), ama xagga dumarka markuu ku dhaco xayl, iwm.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن يَقۡتُلۡ مُؤۡمِنٗا مُّتَعَمِّدٗا فَجَزَآؤُهُۥ جَهَنَّمُ خَٰلِدٗا فِيهَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَلَعَنَهُۥ وَأَعَدَّ لَهُۥ عَذَابًا عَظِيمٗا
93. Qofkiise u dila mu'min si kas ah, jazahiisu waa Jahannama, uu ku dhex waari, Cadho Alle iyo Nacladi baana dushiisa ah, wuxuuna u diyaariyey cadaab daran.38
38. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofka mu’minka ah wuxuu ku sugnaan khayr xagga diintiisa marba haddii uusan galin denbiga ah inuu qof ku dilo xaq darro.” Wuxuu sidoo kale yidhi: Adduunka oo rogmada yaa ka sahlan Alle agtiisa dil qof Muslim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَتَبَيَّنُواْ وَلَا تَقُولُواْ لِمَنۡ أَلۡقَىٰٓ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَٰمَ لَسۡتَ مُؤۡمِنٗا تَبۡتَغُونَ عَرَضَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ مَغَانِمُ كَثِيرَةٞۚ كَذَٰلِكَ كُنتُم مِّن قَبۡلُ فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَتَبَيَّنُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u baxdaan (jihaad) Jidka Alle ah, wax hubsada, hana ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Alle agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaasaad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Alle ku manneystey iimaan iyo khayr dushiinna, ee wax hubsada. Hubaal Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لَّا يَسۡتَوِي ٱلۡقَٰعِدُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ غَيۡرُ أُوْلِي ٱلضَّرَرِ وَٱلۡمُجَٰهِدُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡۚ فَضَّلَ ٱللَّهُ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ عَلَى ٱلۡقَٰعِدِينَ دَرَجَةٗۚ وَكُلّٗا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَفَضَّلَ ٱللَّهُ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ عَلَى ٱلۡقَٰعِدِينَ أَجۡرًا عَظِيمٗا
95. Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwa kula jihaad gala Jidka Alle maalkooda iyo Nafahoodaba. Alle wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Dhammaanna wuxuu Alle u ballan qaaday wanaag; wuxuuna Alle kaga faddali kuwa jihaada kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
دَرَجَٰتٖ مِّنۡهُ وَمَغۡفِرَةٗ وَرَحۡمَةٗۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا
96. Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo denbi dhaaf iyo Naxariiis. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ تَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ ظَالِمِيٓ أَنفُسِهِمۡ قَالُواْ فِيمَ كُنتُمۡۖ قَالُواْ كُنَّا مُسۡتَضۡعَفِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ قَالُوٓاْ أَلَمۡ تَكُنۡ أَرۡضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٗ فَتُهَاجِرُواْ فِيهَاۚ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرًا
97. Kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo dulminaya nafahooda (inay dhex degeen gaalada oo ka soo haajirin darteed), waxay (malaa'igtu ku) odhan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan: Miyaaney ahayn arlada Alle mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen?39 Marka waa kuwaa kuwa hoygoodu yahay Jahannama, oo u xun aaye iyo meel la ahaado.
39. Inaad doorato inaad ku dhex noolaato gaalo, adigoo awooda inaad ka soo haajirto degaan uu qofku muslimka ku awoodin inuu ugu dhaqmo diintiisa si xorriyad leh. Muslimiintii Makkah aan la soo haajirin Nabiga s.c.w. iyagoo awooda, waxaa laga dulmiyey xagga gaalada, waxayna ku qasbeen inay u soo raacaan dagaalkii Badar, markaasaa qaar la dilay oo waxaa haleelay fallaarahii dagaalka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِلَّا ٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلۡوِلۡدَٰنِ لَا يَسۡتَطِيعُونَ حِيلَةٗ وَلَا يَهۡتَدُونَ سَبِيلٗا
98. Marka laga reebo kuwa daciifka ah oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَأُوْلَٰٓئِكَ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَعۡفُوَ عَنۡهُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَفُوًّا غَفُورٗا
99. Kuwaa waa intaasoo uu Alle iska cafiyo, Allena waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ وَمَن يُهَاجِرۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ يَجِدۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُرَٰغَمٗا كَثِيرٗا وَسَعَةٗۚ وَمَن يَخۡرُجۡ مِنۢ بَيۡتِهِۦ مُهَاجِرًا إِلَى ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ثُمَّ يُدۡرِكۡهُ ٱلۡمَوۡتُ فَقَدۡ وَقَعَ أَجۡرُهُۥ عَلَى ٱللَّهِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
100. Qofkii u soo haajira Alle Darti, wuxuu ka heli dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Qofkii ka soo baxaana gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Alle iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu ajarkiisu saaran yahay Alle. Allena waa Denbi Dhaaf badane, Naxariis Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَقۡصُرُواْ مِنَ ٱلصَّلَوٰةِ إِنۡ خِفۡتُمۡ أَن يَفۡتِنَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْۚ إِنَّ ٱلۡكَٰفِرِينَ كَانُواْ لَكُمۡ عَدُوّٗا مُّبِينٗا
101. Haddaad ku socdaashaanna dhulka (oo safar ku jirtaan), idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda40, haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow cad.
40. Waqtiyada cabsida ee la joogo goobta dagaalka. Siduu ahaa dhaqanka Rasuulka iyo asxaabtiisa waxaa ku cad in cabsidu ahayn sabab lagu soo gaabiyo salaadda, waxaa la soo gaabin salaadda markaad ka soo safarto degaankaagii. Afarta rakcadood waxaa lagu soo koobaa labo rakcadood.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذَا كُنتَ فِيهِمۡ فَأَقَمۡتَ لَهُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَلۡتَقُمۡ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُم مَّعَكَ وَلۡيَأۡخُذُوٓاْ أَسۡلِحَتَهُمۡۖ فَإِذَا سَجَدُواْ فَلۡيَكُونُواْ مِن وَرَآئِكُمۡ وَلۡتَأۡتِ طَآئِفَةٌ أُخۡرَىٰ لَمۡ يُصَلُّواْ فَلۡيُصَلُّواْ مَعَكَ وَلۡيَأۡخُذُواْ حِذۡرَهُمۡ وَأَسۡلِحَتَهُمۡۗ وَدَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ تَغۡفُلُونَ عَنۡ أَسۡلِحَتِكُمۡ وَأَمۡتِعَتِكُمۡ فَيَمِيلُونَ عَلَيۡكُم مَّيۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِن كَانَ بِكُمۡ أَذٗى مِّن مَّطَرٍ أَوۡ كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَن تَضَعُوٓاْ أَسۡلِحَتَكُمۡۖ وَخُذُواْ حِذۡرَكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا
102. Markaad (Nabiyow) dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha aadeen gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay hana kula tukadeen, oo ha qaateen digtoonidooda iyo hubkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah), mana aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubkiinna, qaatana digtoonidiinna. Hubaal, Alle wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَإِذَا قَضَيۡتُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ قِيَٰمٗا وَقُعُودٗا وَعَلَىٰ جُنُوبِكُمۡۚ فَإِذَا ٱطۡمَأۡنَنتُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَۚ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ كَانَتۡ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ كِتَٰبٗا مَّوۡقُوتٗا
103. Markaad gudataan salaadda, xusa Alle joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَا تَهِنُواْ فِي ٱبۡتِغَآءِ ٱلۡقَوۡمِۖ إِن تَكُونُواْ تَأۡلَمُونَ فَإِنَّهُمۡ يَأۡلَمُونَ كَمَا تَأۡلَمُونَۖ وَتَرۡجُونَ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا يَرۡجُونَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا
104. Ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, waxaadna ka rajaysaan Alle wax aanay rajaynin, Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ لِتَحۡكُمَ بَيۡنَ ٱلنَّاسِ بِمَآ أَرَىٰكَ ٱللَّهُۚ وَلَا تَكُن لِّلۡخَآئِنِينَ خَصِيمٗا
105. Waxaanu kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Alle ku baray, hana noqon qareen u dooda khaa’imiinta.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱسۡتَغۡفِرِ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
106. Weydiisana Denbi Dhaaf Alle, Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan41.
41. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle s.c.w. oo leh: Wallaahi, Waxaan denbi dhaaf weydiistaa Alle oo u toobad keenaa wax ka badan toddobaatan jeer maalintii.» (W.w. Al-Bukhaari).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَا تُجَٰدِلۡ عَنِ ٱلَّذِينَ يَخۡتَانُونَ أَنفُسَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ خَوَّانًا أَثِيمٗا
107. Hana u doodin kuwa khiyaameeya nafahooda. Hubaal, Alle ma jecla mid kastoo ah khaa’in, denbiile.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَسۡتَخۡفُونَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَلَا يَسۡتَخۡفُونَ مِنَ ٱللَّهِ وَهُوَ مَعَهُمۡ إِذۡ يُبَيِّتُونَ مَا لَا يَرۡضَىٰ مِنَ ٱلۡقَوۡلِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطًا
108. Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Alle, wuuna la jiraa (kula joogaa Cilmigiisa) markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, Allena wuu koobaa waxay camal falaan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
هَٰٓأَنتُمۡ هَٰٓؤُلَآءِ جَٰدَلۡتُمۡ عَنۡهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فَمَن يُجَٰدِلُ ٱللَّهَ عَنۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَم مَّن يَكُونُ عَلَيۡهِمۡ وَكِيلٗا
109. Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi Alle agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon wakiil difaaca?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن يَعۡمَلۡ سُوٓءًا أَوۡ يَظۡلِمۡ نَفۡسَهُۥ ثُمَّ يَسۡتَغۡفِرِ ٱللَّهَ يَجِدِ ٱللَّهَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
110. Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa (dambaaba), markaas weydiista Denbi Dhaaf Alle, wuxuu heli Alle oo ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن يَكۡسِبۡ إِثۡمٗا فَإِنَّمَا يَكۡسِبُهُۥ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
111. Qofkiise gala denbi, wuxuu u galaa oo keliya dhibaateynta naftiisa oo isagay ka go'an tahay. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن يَكۡسِبۡ خَطِيٓـَٔةً أَوۡ إِثۡمٗا ثُمَّ يَرۡمِ بِهِۦ بَرِيٓـٔٗا فَقَدِ ٱحۡتَمَلَ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا
112. Qofkii kasbada gef ama denbi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan42, wuxuu xambaartay been abuurasho iyo denbi iska cad.
42. Aayaddan iyo Aayadaha ka dambeeya waxay ku soo degeen waxa uu falay ducmah ee inta wax xaday ku qarshay guri nin Yuhuudi ah uu leeyahay, markaasuu inkiray oo yidhi waxaa xaday Yuhuudiga, markaasay xigtadii ducmah u sheegeen Nabiga s.c.w. oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu difaaco ducmah, oo xukumo Yuhuudiga, iyagoo ku qiray inuu kan wax xaday yahay Yuhuudiga, wuxuu Nabigu s.c.w. ku sigtay inuu rumeysto hadalka ducmah qaraabadi iyo masabbishadoodii Yuhuudiga.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكَ وَرَحۡمَتُهُۥ لَهَمَّت طَّآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ أَن يُضِلُّوكَ وَمَا يُضِلُّونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡۖ وَمَا يَضُرُّونَكَ مِن شَيۡءٖۚ وَأَنزَلَ ٱللَّهُ عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَعَلَّمَكَ مَا لَمۡ تَكُن تَعۡلَمُۚ وَكَانَ فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكَ عَظِيمٗا
113. Hadduusan jirin Fadliga Alle korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay hammin (dooni) lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan. Wuxuuna Alle kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Fadliga Alle ku siiyeyna waa mid aad u weyn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ لَّا خَيۡرَ فِي كَثِيرٖ مِّن نَّجۡوَىٰهُمۡ إِلَّا مَنۡ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوۡ مَعۡرُوفٍ أَوۡ إِصۡلَٰحِۭ بَيۡنَ ٱلنَّاسِۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا
114. Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxid dadka, qofkiina fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Alle, Waxaanu siin abaalgud weyn (Janno).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن يُشَاقِقِ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُ ٱلۡهُدَىٰ وَيَتَّبِعۡ غَيۡرَ سَبِيلِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ نُوَلِّهِۦ مَا تَوَلَّىٰ وَنُصۡلِهِۦ جَهَنَّمَۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرًا
115. Qofkii khilaafa Rasuulka (Nabi Muxammad) kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu'miniinta. Waxaan u jeedin waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo galin Jahannama, oo u xun meel la ahaado.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا
116. Alle ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo (cibaadada), wuxuuse u dhaafaa waxa aan (shirki, iwm) ahayn qofkuu doono. Qofkiina la wadaajiya wax uun Alle (cibaadada), wuxuu lumay lumid aad u fog.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِن يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ إِنَٰثٗا وَإِن يَدۡعُونَ إِلَّا شَيۡطَٰنٗا مَّرِيدٗا
117.Ma la barbar caabudaan (Alle) waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, mana caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لَّعَنَهُ ٱللَّهُۘ وَقَالَ لَأَتَّخِذَنَّ مِنۡ عِبَادِكَ نَصِيبٗا مَّفۡرُوضٗا
118. Alle uu Nacladay. (Shaydaanna) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan addoomahaaga qayb go'an;
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَأُضِلَّنَّهُمۡ وَلَأُمَنِّيَنَّهُمۡ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُبَتِّكُنَّ ءَاذَانَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُغَيِّرُنَّ خَلۡقَ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَّخِذِ ٱلشَّيۡطَٰنَ وَلِيّٗا مِّن دُونِ ٱللَّهِ فَقَدۡ خَسِرَ خُسۡرَانٗا مُّبِينٗا
119. Waana habaabin oo gelin hididdiillooyin been ah; oo amri (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi dhegaha xoolaha 43, oo waan amri sidaas darteed waxay doorin abuurka Alle44. Qofkiina ka dhigta shaydaan sokeeye (iyo gargaare) halkii Alle, wuxuu khasaaray khasaare caddaan ah.
43. Carabtii jaahiliga ahayd waxay qabeen in xoolaha loo hibeynayo asnaamta, la gooyo dhegahooda, xoolahaana ma bannaana in la fuulo ama la isticmaalo oo waa in la iska daayo oo la xarig furo.
44. Waxaa suura gal ah in loola jeedo beddelidda abuurka Alle calaamadaha jirka lagu qoro ee washamka - tattoo -, in xoolaha la dhuufaano ama waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa beddelidda diinta Alle.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَعِدُهُمۡ وَيُمَنِّيهِمۡۖ وَمَا يَعِدُهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ إِلَّا غُرُورًا
120. Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, mana u ballan qaado shaydaan waxaan dhagar ahayn.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أُوْلَٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُ وَلَا يَجِدُونَ عَنۡهَا مَحِيصٗا
121. Kuwaa hoygoodu waa Jahannama, kamana helaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَنُدۡخِلُهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٗاۚ وَمَنۡ أَصۡدَقُ مِنَ ٱللَّهِ قِيلٗا
122. Kuwa se (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Alle oo Xaq ah. Yaa ka run badan Alle Hadalkiisa (cidna).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لَّيۡسَ بِأَمَانِيِّكُمۡ وَلَآ أَمَانِيِّ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِۗ مَن يَعۡمَلۡ سُوٓءٗا يُجۡزَ بِهِۦ وَلَا يَجِدۡ لَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
123. Ma aha hididdiillooyinkiinna45 iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga goyn, mana u helayo naftiisa Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
45. “Kum” halkan waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa muslimiinta, sidoo kale waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa gaalada mushrikiinta ah, gunta Aayaddana waxaa weeye in abaalgudka aakhiro aan lagu helin ididdiilo iyo iska rajeyn, laakiinse lagu helo iimaanka iyo sama falka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ وَلَا يُظۡلَمُونَ نَقِيرٗا
124. Qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig oo mu'min ah, waxay kuwaa geli Jannada, lagamana dulmiyo xuub laf timireed wax le’eg.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَنۡ أَحۡسَنُ دِينٗا مِّمَّنۡ أَسۡلَمَ وَجۡهَهُۥ لِلَّهِ وَهُوَ مُحۡسِنٞ وَٱتَّبَعَ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۗ وَٱتَّخَذَ ٱللَّهُ إِبۡرَٰهِيمَ خَلِيلٗا
125. Yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Alle isagoo sama fale ah oo raaca diintii Ibraahiim, toosnihii. Wuxuuna Alle ka yeeshay Ibraahiim saaxiib u gaar ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٖ مُّحِيطٗا
126. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Allena waa wax walba koobe.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَيَسۡتَفۡتُونَكَ فِي ٱلنِّسَآءِۖ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِيهِنَّ وَمَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ فِي يَتَٰمَى ٱلنِّسَآءِ ٱلَّٰتِي لَا تُؤۡتُونَهُنَّ مَا كُتِبَ لَهُنَّ وَتَرۡغَبُونَ أَن تَنكِحُوهُنَّ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلۡوِلۡدَٰنِ وَأَن تَقُومُواْ لِلۡيَتَٰمَىٰ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِهِۦ عَلِيمٗا
127. Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda46, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey (ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin )47, xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
46. Eeg Suuradda An-Nisaa Aayadda : 3.
47. Caadada Carabta waagii jaahiliyadda waxay ahayd in waliga uu xaq u leeyahay inuu guursado gabdhaha agoomaha ee mas’uulka uu ka yahay, iyo inuu xaq ku leeyahay maalkooda. Hadday qurxoon tahay wuu guursanayey, si uu wax uga qaato maalkeeda , haddayse fool xun tahay waa uu diidaa inay guursato nin kale si uu u hanto maalkeeda. Aayaddani waxay reebtay arrintaas.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِنِ ٱمۡرَأَةٌ خَافَتۡ مِنۢ بَعۡلِهَا نُشُوزًا أَوۡ إِعۡرَاضٗا فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَآ أَن يُصۡلِحَا بَيۡنَهُمَا صُلۡحٗاۚ وَٱلصُّلۡحُ خَيۡرٞۗ وَأُحۡضِرَتِ ٱلۡأَنفُسُ ٱلشُّحَّۚ وَإِن تُحۡسِنُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
128. Hadday haweeney ka cabsato fogaansho48 ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadmigana waxaa lagu laray masuugnimo. Haddaadse samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
48. Eeg macnaha nushuush ee xagga xaaska sharaxa suuradda An-Nisaa Aayadda 34. Nushuushka ninka waa inuu si qallafsan ula dhaqmo xaaska oo ku adadkaado, iyo inuu diido inuu u tago oo u galmoodo, oo uusan siin masruuf iyo marasho.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَن تَسۡتَطِيعُوٓاْ أَن تَعۡدِلُواْ بَيۡنَ ٱلنِّسَآءِ وَلَوۡ حَرَصۡتُمۡۖ فَلَا تَمِيلُواْ كُلَّ ٱلۡمَيۡلِ فَتَذَرُوهَا كَٱلۡمُعَلَّقَةِۚ وَإِن تُصۡلِحُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
129. Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaanna oo iska ilaalisaan (shirki iyo xume kaleba), Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِن يَتَفَرَّقَا يُغۡنِ ٱللَّهُ كُلّٗا مِّن سَعَتِهِۦۚ وَكَانَ ٱللَّهُ وَٰسِعًا حَكِيمٗا
130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Alle ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Allena waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَلَقَدۡ وَصَّيۡنَا ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَإِيَّاكُمۡ أَنِ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ وَإِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَنِيًّا حَمِيدٗا
131. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waxaana u dardaarannay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo idinkaba inaad ka cabsataan Alle (oo dhowrtaan xilkuu idin saaray), haddaadse gaalowdaan, hubaal Alle baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, Allena waa Hodan, Ammaanan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا
132. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Kuna filan Alle Wakiil ahaan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ أَيُّهَا ٱلنَّاسُ وَيَأۡتِ بِـَٔاخَرِينَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ ذَٰلِكَ قَدِيرٗا
133. Hadduu doono, Wuu idin tagsiin, dadow, oo keeni kuwo kale. Allena wuu Kara inuu sidaa yeelo.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
مَّن كَانَ يُرِيدُ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ ثَوَابُ ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعَۢا بَصِيرٗا
134. Qofkii raba abaalka adduunyadan, Alle baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُواْ قَوَّٰمِينَ بِٱلۡقِسۡطِ شُهَدَآءَ لِلَّهِ وَلَوۡ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۡ أَوِ ٱلۡوَٰلِدَيۡنِ وَٱلۡأَقۡرَبِينَۚ إِن يَكُنۡ غَنِيًّا أَوۡ فَقِيرٗا فَٱللَّهُ أَوۡلَىٰ بِهِمَاۖ فَلَا تَتَّبِعُواْ ٱلۡهَوَىٰٓ أَن تَعۡدِلُواْۚ وَإِن تَلۡوُۥٓاْ أَوۡ تُعۡرِضُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
135. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Alle darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, hadduu yahay hodan ama faqiir, Alle baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina hawada nafta si aydaan uga iilan (Xaqa), haddaadse iilataan ama jeesataan49, Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
49. Waxaa Nabiga s.c.w. la weydiiyey dunuubta waaweyn ee lagu halaagsamo. Wuxuu yidhi: waa Shirkiga, ku caasinta waalidka, dilka xaq darrada ah iyo markhaati beenaadka.” W.w. Al-Bukhaari.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ ءَامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلَّذِي نَزَّلَ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ مِن قَبۡلُۚ وَمَن يَكۡفُرۡ بِٱللَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ وَكُتُبِهِۦ وَرُسُلِهِۦ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا
136. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka (Qur’aanka) uu ku soo dejiyey Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo dejiyey, qofkiise rumeyn diida Alle iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Aakhiro, wuxuu lumay lumid aad u fog.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ ثُمَّ ءَامَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ ثُمَّ ٱزۡدَادُواْ كُفۡرٗا لَّمۡ يَكُنِ ٱللَّهُ لِيَغۡفِرَ لَهُمۡ وَلَا لِيَهۡدِيَهُمۡ سَبِيلَۢا
137. Kuwa rumeeya, haddana gaalooba, haddana rumeeya (mar kale), haddana (mar kale) gaalooba, markaas sii kororsada gaalnimo; Alle ma cafiyo, kumana hanuuniyo Jid (Toosan) .
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
بَشِّرِ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ بِأَنَّ لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمًا
138. Ugu bishaaree munaafiqiinta inay leeyihiin cadaab xanuun badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱلَّذِينَ يَتَّخِذُونَ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ أَيَبۡتَغُونَ عِندَهُمُ ٱلۡعِزَّةَ فَإِنَّ ٱلۡعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعٗا
139. Kuwa ka dhigta gaalada sokeeye50 halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Hubaal, Alle baa iska leh Ciso oo dhan.
50. Sida faafinta asraarta mu’miniinta iyo gaarsiinta arrimahooda gaalada ama inay marka ay ka bar bar jihaadayaan mu’miniinta hagradaan, iwm.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَقَدۡ نَزَّلَ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ أَنۡ إِذَا سَمِعۡتُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ يُكۡفَرُ بِهَا وَيُسۡتَهۡزَأُ بِهَا فَلَا تَقۡعُدُواْ مَعَهُمۡ حَتَّىٰ يَخُوضُواْ فِي حَدِيثٍ غَيۡرِهِۦٓ إِنَّكُمۡ إِذٗا مِّثۡلُهُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ جَامِعُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡكَٰفِرِينَ فِي جَهَنَّمَ جَمِيعًا
140. Wuxuuna idiinkugu soo dejiyey Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Alle oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale; hubaal Alle wuxuu ku soo kulmin munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Jahannama gudaheed.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱلَّذِينَ يَتَرَبَّصُونَ بِكُمۡ فَإِن كَانَ لَكُمۡ فَتۡحٞ مِّنَ ٱللَّهِ قَالُوٓاْ أَلَمۡ نَكُن مَّعَكُمۡ وَإِن كَانَ لِلۡكَٰفِرِينَ نَصِيبٞ قَالُوٓاْ أَلَمۡ نَسۡتَحۡوِذۡ عَلَيۡكُمۡ وَنَمۡنَعۡكُم مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ فَٱللَّهُ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَلَن يَجۡعَلَ ٱللَّهُ لِلۡكَٰفِرِينَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ سَبِيلًا
141. Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); markaad guul ka heshaan xagga Alle, waxay yidhaahdaan: Miyaanaan idin la jirin? Haddayse gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Alle baa idin kala xukumi dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Allena kama siinayo gaalada jid mu'miniinta.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَهُوَ خَٰدِعُهُمۡ وَإِذَا قَامُوٓاْ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ قَامُواْ كُسَالَىٰ يُرَآءُونَ ٱلنَّاسَ وَلَا يَذۡكُرُونَ ٱللَّهَ إِلَّا قَلِيلٗا
142. Munaafiqiintu51 waxay (u heystaan inay) dagayaan Alle, Isaga baase daga. markayna u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Alle wax yar ma’ahee.
51. Alle wuxuu u daayey sheegashadooda inay yihiin mu’miniin, sidaa darteed baa loola dhaqmay dhaqanka ehlu iimaanka adduunyada, wuxuuse Alle u diyaariyey Naar khiyaanada iyo mukurgooda awgi. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaad arki doontaa kuwa ugu xun dadka dhexdooda inay yihiin labo wejiilayaasha ee ula taga kuwaasi weji, kuwaasna weji kale.” W.w. Al-Bukhaari.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
مُّذَبۡذَبِينَ بَيۡنَ ذَٰلِكَ لَآ إِلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِ وَلَآ إِلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا
143. Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna, qofkiina uu Alle lumiyo, uma heli doontid jid isaga.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَجۡعَلُواْ لِلَّهِ عَلَيۡكُمۡ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينًا
144. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka yeelannina gaalada sokeeya halkii mu’miniinta. Ma waxaad dooneysaan inaad isaga yeeshaan Alle xujo cad?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِي ٱلدَّرۡكِ ٱلۡأَسۡفَلِ مِنَ ٱلنَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمۡ نَصِيرًا
145. Munaafiqiintu52 waxay ahaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; umana heli doontid gargaare.
52. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii kastoo leh tilmaamahan afarta ah waa munaafaq dhan: Marka la aamino, khiyaanaa ku soo baxda, markuu warramo wuxuu sheegaa been, markuu ballan galo, wuu ka baxa ballanka, markay cid doodaanna wuu caytamaa.”
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ وَأَصۡلَحُواْ وَٱعۡتَصَمُواْ بِٱللَّهِ وَأَخۡلَصُواْ دِينَهُمۡ لِلَّهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَعَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَسَوۡفَ يُؤۡتِ ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ أَجۡرًا عَظِيمٗا
146. Marka laga reebo kuwa toobad keena oo wanaagsanaada, oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), una keli yeela cibaadadooda Alle, kuwaa waa la jirka mu’miniinta. Wuxuuna Alle siin mu’miniinta Ajar weyn (Janno).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
مَّا يَفۡعَلُ ٱللَّهُ بِعَذَابِكُمۡ إِن شَكَرۡتُمۡ وَءَامَنتُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ شَاكِرًا عَلِيمٗا
147. Muxuu Alle ku fali caddibaadiinna haddaad mahdisaan oo rumeysaan? Allena waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican bixiya, Wax kasta Og.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ لَّا يُحِبُّ ٱللَّهُ ٱلۡجَهۡرَ بِٱلسُّوٓءِ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ إِلَّا مَن ظُلِمَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعًا عَلِيمًا
148. Alle ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof la dulmiyey (oo dacwoonaya). Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِن تُبۡدُواْ خَيۡرًا أَوۡ تُخۡفُوهُ أَوۡ تَعۡفُواْ عَن سُوٓءٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوّٗا قَدِيرًا
149. Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume- haddaba Alle waa Cafis Badane, Awood Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡفُرُونَ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيُرِيدُونَ أَن يُفَرِّقُواْ بَيۡنَ ٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيَقُولُونَ نُؤۡمِنُ بِبَعۡضٖ وَنَكۡفُرُ بِبَعۡضٖ وَيُرِيدُونَ أَن يَتَّخِذُواْ بَيۡنَ ذَٰلِكَ سَبِيلًا
150. Kuwa ku gaalooba Alle iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Alle iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumayn qaarkood, oo ku gaaloobi qaar kale, rabana inay qaadaan jid u dhexeeya (labadaa).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ حَقّٗاۚ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا
151. Kuwaa weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Waxaana u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَلَمۡ يُفَرِّقُواْ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ أُوْلَٰٓئِكَ سَوۡفَ يُؤۡتِيهِمۡ أُجُورَهُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
152. Kuwase rumeeyey Alle iyo Rusushiisa oo aan ka soocin midkoodna ka mid ah oo kala saarin, kuwaas wuxuu Alle siin ajarradooda, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَسۡـَٔلُكَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ أَن تُنَزِّلَ عَلَيۡهِمۡ كِتَٰبٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِۚ فَقَدۡ سَأَلُواْ مُوسَىٰٓ أَكۡبَرَ مِن ذَٰلِكَ فَقَالُوٓاْ أَرِنَا ٱللَّهَ جَهۡرَةٗ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ بِظُلۡمِهِمۡۚ ثُمَّ ٱتَّخَذُواْ ٱلۡعِجۡلَ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ فَعَفَوۡنَا عَن ذَٰلِكَۚ وَءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينٗا
153. Ehlul Kitaabka (Yuhuudda) waxay ku weydiin inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse arrinkaas mid ka weyn, oo yidhaahdeen: Noo tus Alle si caddaan ah, markaasaa waxaa qabtay onkod daran iyo biriq dulmigoodii dartiis. Haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen waanu se ka cafinnay arrinkaa (markay ka toobad keeneen). Waxaanuna siinnay Muuse Xujo Cad.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَرَفَعۡنَا فَوۡقَهُمُ ٱلطُّورَ بِمِيثَٰقِهِمۡ وَقُلۡنَا لَهُمُ ٱدۡخُلُواْ ٱلۡبَابَ سُجَّدٗا وَقُلۡنَا لَهُمۡ لَا تَعۡدُواْ فِي ٱلسَّبۡتِ وَأَخَذۡنَا مِنۡهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا
154. Waxaana kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. Waxaan ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Waxaana ka qaadnay ballan adag.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَبِمَا نَقۡضِهِم مِّيثَٰقَهُمۡ وَكُفۡرِهِم بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَقَتۡلِهِمُ ٱلۡأَنۢبِيَآءَ بِغَيۡرِ حَقّٖ وَقَوۡلِهِمۡ قُلُوبُنَا غُلۡفُۢۚ بَلۡ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَيۡهَا بِكُفۡرِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
155. (Sidaa awgeed waan lacnaday) axdigay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Alle iyo ku diliddooda Anbiyada xaq darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Alle baa yeelay shaabbad daboosha gaalnimadooda darteed marka ma rumeeyaan in yar ma’ahee.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَبِكُفۡرِهِمۡ وَقَوۡلِهِمۡ عَلَىٰ مَرۡيَمَ بُهۡتَٰنًا عَظِيمٗا
156. Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur weyn ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَقَوۡلِهِمۡ إِنَّا قَتَلۡنَا ٱلۡمَسِيحَ عِيسَى ٱبۡنَ مَرۡيَمَ رَسُولَ ٱللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَٰكِن شُبِّهَ لَهُمۡۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُۚ مَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍ إِلَّا ٱتِّبَاعَ ٱلظَّنِّۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينَۢا
157. Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ina Maryam, Rasuulkii Alle53, _mase ay dilin54 mana ay daldalin, waase loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.
53. Waxay u yidhaahdeen Ciise Rasuulkii Alle jeesjees ahaan, waayo ma rumeysneen Risaaladii Ciise c.s.
54. Aayaddan waxay burineysaa sheegashada Yuhuudda inay dileen Ciise c.s.: Alle wuxuu leeyahay ma ay dilin iyagoo huba inuu shakhsi ahaan isaga yahay, taasi macnaheedu waxaa weeye waxay dileen qof kale iyagoo moodayay Ciise c.s.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
بَل رَّفَعَهُ ٱللَّهُ إِلَيۡهِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمٗا
158. Mayee! Alle baa (Ciise isagoo hurda) kor u qaaday (jidh iyo ruuxba) Xaggiisa, Allena waa Adkaade, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِن مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ إِلَّا لَيُؤۡمِنَنَّ بِهِۦ قَبۡلَ مَوۡتِهِۦۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكُونُ عَلَيۡهِمۡ شَهِيدٗا
159. Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Alle iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman55. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.
55. Yuhuudi iyo Nasraani kasta ka hor dhimashadiisa (Ciise) waxay aamini inuu Ciise yahay Rasuul Alle, iyo inuusan ahayn wiilkii Alle siday lahaayeen. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Mid walba oo ka mid ah Yuhuudda iyo Nasaarada wuxuu aamini sidaa ka hor dhimashadiisa (waqtiga geeridiisa).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَبِظُلۡمٖ مِّنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْ حَرَّمۡنَا عَلَيۡهِمۡ طَيِّبَٰتٍ أُحِلَّتۡ لَهُمۡ وَبِصَدِّهِمۡ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ كَثِيرٗا
160. Dulmi ay galeen kuwaa heystay (diinta) Yuhuudiyadda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalo wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaal, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Alle.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَخۡذِهِمُ ٱلرِّبَوٰاْ وَقَدۡ نُهُواْ عَنۡهُ وَأَكۡلِهِمۡ أَمۡوَٰلَ ٱلنَّاسِ بِٱلۡبَٰطِلِۚ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ مِنۡهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا
161. Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been (laaluush). Waxaana u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab xanuun badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لَّٰكِنِ ٱلرَّٰسِخُونَ فِي ٱلۡعِلۡمِ مِنۡهُمۡ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ يُؤۡمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَۚ وَٱلۡمُقِيمِينَ ٱلصَّلَوٰةَۚ وَٱلۡمُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ أُوْلَٰٓئِكَ سَنُؤۡتِيهِمۡ أَجۡرًا عَظِيمًا
162. Kuwoodase ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey (Nabiyow) oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey Waxyi hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, kuwaa waxaan siin doonnaa Abaalgud Weyn (Janno).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ إِنَّآ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ كَمَآ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ نُوحٖ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ مِنۢ بَعۡدِهِۦۚ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَعِيسَىٰ وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَٰرُونَ وَسُلَيۡمَٰنَۚ وَءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ زَبُورٗا
163. Waxaanu kuugu waxyoonnay (Nabi
Muxammadow) sidaan ugu waxyoonnay Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; Waxaana u waxyoonnay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub), Ciise, Ayyuub, Yuunus, Haaruun iyo Sulaymaan, Daawuudna Waxaanu siinnay Zabuur.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَرُسُلٗا قَدۡ قَصَصۡنَٰهُمۡ عَلَيۡكَ مِن قَبۡلُ وَرُسُلٗا لَّمۡ نَقۡصُصۡهُمۡ عَلَيۡكَۚ وَكَلَّمَ ٱللَّهُ مُوسَىٰ تَكۡلِيمٗا
164. (Waxaana soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay horey, iyo Rusul aanaan kaaga warramin, Allena wuxuu ula hadlay Muuse si toos ah hadlid56.
56. Wuxuu Alle la hadlay Muuse toos dhexeeya la’aan, waxayna ka mid yihiin tilmaamahiisa, sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa kaliimul Laah, halka Rususha kale waxyiga la soo marsiiyey Jabriil, wuxuuna Alle la hadlay Nabi Muxammad s.c.w. toos habeenkii Micraajka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
رُّسُلٗا مُّبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى ٱللَّهِ حُجَّةُۢ بَعۡدَ ٱلرُّسُلِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمٗا
165. (Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Alle wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Allena waa Adkaade, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لَّٰكِنِ ٱللَّهُ يَشۡهَدُ بِمَآ أَنزَلَ إِلَيۡكَۖ أَنزَلَهُۥ بِعِلۡمِهِۦۖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَشۡهَدُونَۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًا
166. Laakiinse Alle wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo dejiyey wuxuu ku soo dejiyey Cilmigiisa, malaa’igtuna57 waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Allena ku Filan Markhaati uu ahaado.
57. Malaa’igta Carshiga hareerahiisa ah sida Jabriil, Miikaa’iil iyo Israafiil.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ قَدۡ ضَلُّواْ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا
167. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, waxay habaabeen habow aad u fog.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَظَلَمُواْ لَمۡ يَكُنِ ٱللَّهُ لِيَغۡفِرَ لَهُمۡ وَلَا لِيَهۡدِيَهُمۡ طَرِيقًا
168. Kuwa gaalooba ee dulmi fala (iyagoo ka hor istaagaya dadka Jidka Alle), ma aha Alle Mid u denbi dhaafaya oo ma aha Mid ku hanuunin jidna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِلَّا طَرِيقَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا
169. Jidka Jahannama mooyee, iyagoo ku dhex waaraya weligood, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُمُ ٱلرَّسُولُ بِٱلۡحَقِّ مِن رَّبِّكُمۡ فَـَٔامِنُواْ خَيۡرٗا لَّكُمۡۚ وَإِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
170. Dadoow! Wuxuu idiinla yimid Rasuulku xaq ka yimid Rabbigiin, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad gaalowdaan, hubaal Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا تَغۡلُواْ فِي دِينِكُمۡ وَلَا تَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡحَقَّۚ إِنَّمَا ٱلۡمَسِيحُ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ رَسُولُ ٱللَّهِ وَكَلِمَتُهُۥٓ أَلۡقَىٰهَآ إِلَىٰ مَرۡيَمَ وَرُوحٞ مِّنۡهُۖ فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۖ وَلَا تَقُولُواْ ثَلَٰثَةٌۚ ٱنتَهُواْ خَيۡرٗا لَّكُمۡۚ إِنَّمَا ٱللَّهُ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓ أَن يَكُونَ لَهُۥ وَلَدٞۘ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
171.Ehlul-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina camalkiinna, hana ka sheegina Alle waxaan xaq ahayn. Masiixa Ciise ina Maryam waa uun Rasuul Alle iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa, hana odhannina: Waa saddex (ilaah), Ka hara waa wax idiin roon’e. Alle waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Alle ka taliye ahaan arrimaha uunka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لَّن يَسۡتَنكِفَ ٱلۡمَسِيحُ أَن يَكُونَ عَبۡدٗا لِّلَّهِ وَلَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ ٱلۡمُقَرَّبُونَۚ وَمَن يَسۡتَنكِفۡ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَيَسۡتَكۡبِرۡ فَسَيَحۡشُرُهُمۡ إِلَيۡهِ جَمِيعٗا
172. Masiixa (Ciise ina Maryam) sinnaba isagama kibriyo inuu ahaado addoon Alle, iyo sidoo kale malaa’igta u dhow (Alle). Qofkii iska kibriya Caabudidda (Alle) oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin Xaggiisa dhammaantood.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَيُوَفِّيهِمۡ أُجُورَهُمۡ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضۡلِهِۦۖ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱسۡتَنكَفُواْ وَٱسۡتَكۡبَرُواْ فَيُعَذِّبُهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
173. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, wuxuu siin ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase iska weyneeya Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan. Mana u helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُم بُرۡهَٰنٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ نُورٗا مُّبِينٗا
174. Dadow! Waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), Waxaana idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَٱعۡتَصَمُواْ بِهِۦ فَسَيُدۡخِلُهُمۡ فِي رَحۡمَةٖ مِّنۡهُ وَفَضۡلٖ وَيَهۡدِيهِمۡ إِلَيۡهِ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا
175. Kuwa rumeeya Alle oo si sugan u qabsada (Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa) wuxuu gelin Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, wuxuuna ku hanuunin Xaggiisa Jid Toosan (Islaamka).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَسۡتَفۡتُونَكَ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِي ٱلۡكَلَٰلَةِۚ إِنِ ٱمۡرُؤٌاْ هَلَكَ لَيۡسَ لَهُۥ وَلَدٞ وَلَهُۥٓ أُخۡتٞ فَلَهَا نِصۡفُ مَا تَرَكَۚ وَهُوَ يَرِثُهَآ إِن لَّمۡ يَكُن لَّهَا وَلَدٞۚ فَإِن كَانَتَا ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُمَا ٱلثُّلُثَانِ مِمَّا تَرَكَۚ وَإِن كَانُوٓاْ إِخۡوَةٗ رِّجَالٗا وَنِسَآءٗ فَلِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۗ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ أَن تَضِلُّواْۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ
176. Waxay ku weydiin inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Alle baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn waalid iyo ubad midna. Hadduu dhinto nin aan ilmo lahayn (iyo waalid midna), leh se walaaley (ay isku aabbe iyo hooyo yihiin ama isku aabbe keliya) waxay leedahay kala bar wuxuu ka tago (dhaxal), isaguna wuu dhaxli maalkeeda oo dhan haddaanay lahayn ilmo (iyo waalid midna). Hadday yihiinna kuwa dhaxli labo (gabdhood oo walaalo ah) waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel wuxuu ka tago (dhaxal); haddayse yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Alle Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Allena wax walba wuu Ogsoon yahay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Chương Al-Nisa'
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Dịch thuật tiếng Somali - Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Bản dịch ý nghĩa nội dung Kinh Qur'an bằng tiếng Somali, dịch thuật bởi 'Abdullah Hasan Ya'qub

Đóng lại