Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Dịch thuật tiếng Somali - Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Chương Al-Jinn   Câu:

Suurada Al-jin

قُلۡ أُوحِيَ إِلَيَّ أَنَّهُ ٱسۡتَمَعَ نَفَرٞ مِّنَ ٱلۡجِنِّ فَقَالُوٓاْ إِنَّا سَمِعۡنَا قُرۡءَانًا عَجَبٗا
1. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Qur’aanka). Markaasay yidhaahdeen: Waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh.
1. Al-Jin: Jinka, waa nooc ka mid ah uunka uu Alle ka abuuray (aabbahood Ibliis) dab oo indhaha dadka ka qarsoon.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلرُّشۡدِ فَـَٔامَنَّا بِهِۦۖ وَلَن نُّشۡرِكَ بِرَبِّنَآ أَحَدٗا
2. Oo ku hanuunin dhabbaha toosan abbaarta ah, markaasaan rumeynay,umana shariig yeeleyno cidna Rabbigayo (Allaah).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّهُۥ تَعَٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَٰحِبَةٗ وَلَا وَلَدٗا
3. Waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda (Alle) Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas iyo ilmo midna2.
2. Waxay qaarkood rumeysnaayeen jinku inuu Allaah leeyahay xaas iyo ilmo, laakiin kaddib markay soo Islameen waa ka hareen odhaahdaasi xun iyo caqiidadaas gurracan oo ka hufeen Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّهُۥ كَانَ يَقُولُ سَفِيهُنَا عَلَى ٱللَّهِ شَطَطٗا
4. Wuxuu ahaa kan maan gaabka ahi3 ee dhexdeenna ah mid ka sheega hadallo xadgudub ah aan habbooneyn Alle.
3. Ibliis. Waxaa sidoo kale lagu fasiri karaa wadar ahaan, markaas waa in la yidhaahdo: “iyo in kuweenna maangaabka ahi ee naga mid ah”.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن تَقُولَ ٱلۡإِنسُ وَٱلۡجِنُّ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا
5. Waxaan u malaynaynay inaysan dadka iyo jinkaba ka been sheegin Alle.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّهُۥ كَانَ رِجَالٞ مِّنَ ٱلۡإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٖ مِّنَ ٱلۡجِنِّ فَزَادُوهُمۡ رَهَقٗا
6. Waxay rag ku jira dadka magan galayeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (denbi).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّهُمۡ ظَنُّواْ كَمَا ظَنَنتُمۡ أَن لَّن يَبۡعَثَ ٱللَّهُ أَحَدٗا
7. Waxay moodeen sidaad idinkuba mooddeen inuusan Alle ka soo bixineyn (iilka) qofna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّا لَمَسۡنَا ٱلسَّمَآءَ فَوَجَدۡنَٰهَا مُلِئَتۡ حَرَسٗا شَدِيدٗا وَشُهُبٗا
8. Waxaan doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّا كُنَّا نَقۡعُدُ مِنۡهَا مَقَٰعِدَ لِلسَّمۡعِۖ فَمَن يَسۡتَمِعِ ٱلۡأٓنَ يَجِدۡ لَهُۥ شِهَابٗا رَّصَدٗا
9. Waxaan ka fadhiisan jirnay rugag laga fadhiisto si aan u raaricinno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu wax soo dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّا لَا نَدۡرِيٓ أَشَرٌّ أُرِيدَ بِمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ أَرَادَ بِهِمۡ رَبُّهُمۡ رَشَدٗا
10. Ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun toosan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّا مِنَّا ٱلصَّٰلِحُونَ وَمِنَّا دُونَ ذَٰلِكَۖ كُنَّا طَرَآئِقَ قِدَدٗا
11. Waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaleba aan sidaasi ahayn, waxaanu nahay kooxo raaca dariiqooyin kala duwan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن نُّعۡجِزَ ٱللَّهَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَن نُّعۡجِزَهُۥ هَرَبٗا
12. Waxaan hubnaa inaan uga fakan karin (ciqaabka) Alle dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّا لَمَّا سَمِعۡنَا ٱلۡهُدَىٰٓ ءَامَنَّا بِهِۦۖ فَمَن يُؤۡمِنۢ بِرَبِّهِۦ فَلَا يَخَافُ بَخۡسٗا وَلَا رَهَقٗا
13. Markaan maqallay Hanuunkana waan rumaynay, qofkii rumeeya Rabbigi (Alle) kama baqo nuqsaan ajar ama dulmi midna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّا مِنَّا ٱلۡمُسۡلِمُونَ وَمِنَّا ٱلۡقَٰسِطُونَۖ فَمَنۡ أَسۡلَمَ فَأُوْلَٰٓئِكَ تَحَرَّوۡاْ رَشَدٗا
14. Waxaa naga mid ah kuwo 'Alle u' hoggaansan (Muslimiin ah), iyo kuwo xadgudba; qofkii u hoggaansama (Alle), kuwaasi waxay raacaan hanuun toosan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَمَّا ٱلۡقَٰسِطُونَ فَكَانُواْ لِجَهَنَّمَ حَطَبٗا
15. Kuwase ah xadgudbayaasha, kuwaasu waa xaabada Naarta,
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَلَّوِ ٱسۡتَقَٰمُواْ عَلَى ٱلطَّرِيقَةِ لَأَسۡقَيۡنَٰهُم مَّآءً غَدَقٗا
16. Hadday ku toosaan (dadku) Jidka (Islaamka) waxaan ka waraabin laheyn biyo badan (risiq wanaagsan).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لِّنَفۡتِنَهُمۡ فِيهِۚ وَمَن يُعۡرِضۡ عَن ذِكۡرِ رَبِّهِۦ يَسۡلُكۡهُ عَذَابٗا صَعَدٗا
17. Si aan ugu imtixaanno. Qofkii ka jeesada Xusidda (Alle) Rabbigi, Wuxuu galin cadaab sii kordheysa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّ ٱلۡمَسَٰجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدۡعُواْ مَعَ ٱللَّهِ أَحَدٗا
18. Masaajidda (iyo dhulkoo dhan) waxaa leh Allaah keliya, ee ha kula baryina (caabudina) Alle cid kale.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَأَنَّهُۥ لَمَّا قَامَ عَبۡدُ ٱللَّهِ يَدۡعُوهُ كَادُواْ يَكُونُونَ عَلَيۡهِ لِبَدٗا
19. Markuu addoonkaa Alle (Nabi Muxammad) istaagay isagoo (Alle Keliya) baryaya, waxay jinku u dhawaadeen inay is buurtaan dushiisa (si ay u dhageystaan).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قُلۡ إِنَّمَآ أَدۡعُواْ رَبِّي وَلَآ أُشۡرِكُ بِهِۦٓ أَحَدٗا
20. Dheh: Waxaan uun baryayaa (caabudi Allaah Keliya) Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna cibaadada.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قُلۡ إِنِّي لَآ أَمۡلِكُ لَكُمۡ ضَرّٗا وَلَا رَشَدٗا
21. Dheh: Anigu idiin ma hayo dhib ama dheef (habow ama hanuun) midna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قُلۡ إِنِّي لَن يُجِيرَنِي مِنَ ٱللَّهِ أَحَدٞ وَلَنۡ أَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلۡتَحَدًا
22. Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Alle (Haddaan ku caasiyo), mana helayo sokadi wax ciirsi iyo agab ah.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِلَّا بَلَٰغٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِسَٰلَٰتِهِۦۚ وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ لَهُۥ نَارَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا
23. (Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Alle iyo Farriimahiisa (Towxiidka), qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta Jahannama ay ku dhex waari weligood.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوۡاْ مَا يُوعَدُونَ فَسَيَعۡلَمُونَ مَنۡ أَضۡعَفُ نَاصِرٗا وَأَقَلُّ عَدَدٗا
24. Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قُلۡ إِنۡ أَدۡرِيٓ أَقَرِيبٞ مَّا تُوعَدُونَ أَمۡ يَجۡعَلُ لَهُۥ رَبِّيٓ أَمَدًا
25. Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in (Alle) Rabbigay u yeeli waqti go’an.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ فَلَا يُظۡهِرُ عَلَىٰ غَيۡبِهِۦٓ أَحَدًا
26. (Alle) Waa Ogsoonaha Ghaybka (waxaan muuqan ee qarsoon), umana bandhigo Ghaybkiisa qofna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِلَّا مَنِ ٱرۡتَضَىٰ مِن رَّسُولٖ فَإِنَّهُۥ يَسۡلُكُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَمِنۡ خَلۡفِهِۦ رَصَدٗا
27. Mid maahee uu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لِّيَعۡلَمَ أَن قَدۡ أَبۡلَغُواْ رِسَٰلَٰتِ رَبِّهِمۡ وَأَحَاطَ بِمَا لَدَيۡهِمۡ وَأَحۡصَىٰ كُلَّ شَيۡءٍ عَدَدَۢا
28. Si uu u muujiiyo inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimihii Rabbigood, (Allena) wuu koobay waxa agtooda ah, wayna u tira kooban yihiin wax walba.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Chương Al-Jinn
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Dịch thuật tiếng Somali - Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Bản dịch ý nghĩa nội dung Kinh Qur'an bằng tiếng Somali, dịch thuật bởi 'Abdullah Hasan Ya'qub

Đóng lại