Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 奈姆里   段:
أَمَّن يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَمَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
64. (Alle ee ah) Kan billaaba asal ahaan abuurka, haddana soo celin, ee ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Dheh: Keena Xujadiinna, haddaad run sheegaysaan.
阿拉伯语经注:
قُل لَّا يَعۡلَمُ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلۡغَيۡبَ إِلَّا ٱللَّهُۚ وَمَا يَشۡعُرُونَ أَيَّانَ يُبۡعَثُونَ
65. Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada oo ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Allaah ma’ahee, mana ay oga goorta la soo bixin.
阿拉伯语经注:
بَلِ ٱدَّٰرَكَ عِلۡمُهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ مِّنۡهَاۖ بَلۡ هُم مِّنۡهَا عَمُونَ
66. Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Waxaybase ka qabaan shaki, wayna ka indha la' yihiin xaggeeda.
阿拉伯语经注:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبٗا وَءَابَآؤُنَآ أَئِنَّا لَمُخۡرَجُونَ
67.Kuwa gaalooba waxay dhahaan: Ma markaan noqonno carro, innaga iyo aabba- yaashayo, miyaa nala soo bixin (mar kale)?
阿拉伯语经注:
لَقَدۡ وُعِدۡنَا هَٰذَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
68. Waxaa naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore.
阿拉伯语经注:
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
69. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَلَا تَكُن فِي ضَيۡقٖ مِّمَّا يَمۡكُرُونَ
70. Ee ha u murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagar dhigi darteed.
阿拉伯语经注:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
71. Waxay yidhaahdaan: Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?
阿拉伯语经注:
قُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعۡضُ ٱلَّذِي تَسۡتَعۡجِلُونَ
72. Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxaad rabtaan in la soo dedjiyo (Cadaabka).
阿拉伯语经注:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَشۡكُرُونَ
73. Hubaalna Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, badankooduse ma mahad naqaan.
阿拉伯语经注:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعۡلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمۡ وَمَا يُعۡلِنُونَ
74. Rabbigaa waa Og yahay waxay laabahoodu qarin iyo waxay muujinba.
阿拉伯语经注:
وَمَا مِنۡ غَآئِبَةٖ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٍ
75. Ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad22 .
22. Looxa Maxfuudka.
阿拉伯语经注:
إِنَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ أَكۡثَرَ ٱلَّذِي هُمۡ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
76. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu kaga qisoon (warrami) ilmahii Israa’iil badi waxay isku hayeen oo ay isku khilaafsanaayeen.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 奈姆里
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭