Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 奈姆里   段:
وَإِنَّهُۥ لَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
77. Xaqiiq, waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta.
阿拉伯语经注:
إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُم بِحُكۡمِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ
78. Hubaalna Rabbigaa wuxuu ugu kala garsoori dhexdooda xukunkiisa, waana Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.
阿拉伯语经注:
فَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنَّكَ عَلَى ٱلۡحَقِّ ٱلۡمُبِينِ
79. Ee isku hallee oo talo saaro Alle; hubaal, waxaad ku sugan tahay Xaq Cad.
阿拉伯语经注:
إِنَّكَ لَا تُسۡمِعُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَلَا تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوۡاْ مُدۡبِرِينَ
80. Adigu dhabtii wax ma maqashiin kartid
meytida, mana maqashiin kartid dhagoolaha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
阿拉伯语经注:
وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِي ٱلۡعُمۡيِ عَن ضَلَٰلَتِهِمۡۖ إِن تُسۡمِعُ إِلَّا مَن يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسۡلِمُونَ
81. Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu Muslimiin ah hoggaansan.
阿拉伯语经注:
۞ وَإِذَا وَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِمۡ أَخۡرَجۡنَا لَهُمۡ دَآبَّةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ تُكَلِّمُهُمۡ أَنَّ ٱلنَّاسَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا لَا يُوقِنُونَ
82. Markuu Qawlka (Cadaabka) ku fulo dushooda23, Waxaan uga soo bixin Neef (dugaag) arlada la hadleysa inay dadku ahaayeen kuwo aan yaqiinsaneyn Aayadahayaga.
23. Markay soo dhowaato Saacadda Qiyaame.
阿拉伯语经注:
وَيَوۡمَ نَحۡشُرُ مِن كُلِّ أُمَّةٖ فَوۡجٗا مِّمَّن يُكَذِّبُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُمۡ يُوزَعُونَ
83. (Oo ka dig) Maalintaan ka soo saari ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga iyagoo is cidhiidhyi.
阿拉伯语经注:
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُو قَالَ أَكَذَّبۡتُم بِـَٔايَٰتِي وَلَمۡ تُحِيطُواْ بِهَا عِلۡمًا أَمَّاذَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
84. Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinkoon ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?
阿拉伯语经注:
وَوَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِم بِمَا ظَلَمُواْ فَهُمۡ لَا يَنطِقُونَ
85.Waxaa ku fuli Qowlkii (Cadaabka)24, dulmigoodii darti, marka ma hadlayaan.
24. Qaddarka Alle baa ku dhaboobi korkooda, oo yaboohiisa waa fuli.
阿拉伯语经注:
أَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا جَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ لِيَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
86. Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan, Maalintana iftiin? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn (Xaqa).
阿拉伯语经注:
وَيَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُۚ وَكُلٌّ أَتَوۡهُ دَٰخِرِينَ
87. (Ka dig) Maalinta buunka la afuufi, oo ay argagixi kuwa ku sugan cirarka iyo kuwa ku sugan dhulka cidduu Alle doono mooyee, kullina waxay u imaan iyagoo dullaysan.
阿拉伯语经注:
وَتَرَى ٱلۡجِبَالَ تَحۡسَبُهَا جَامِدَةٗ وَهِيَ تَمُرُّ مَرَّ ٱلسَّحَابِۚ صُنۡعَ ٱللَّهِ ٱلَّذِيٓ أَتۡقَنَ كُلَّ شَيۡءٍۚ إِنَّهُۥ خَبِيرُۢ بِمَا تَفۡعَلُونَ
88. Waxaad arkaysaa buurahii aad u maleyn wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Alle ee hagaajiyey wax waliba. Hubaal, waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 奈姆里
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭