Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 尔开布特   段:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَصۡحَٰبَ ٱلسَّفِينَةِ وَجَعَلۡنَٰهَآ ءَايَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
15. Oo waan badbaadinnay (Nuux) iyo kuwii kula jiray Doonnida, waxaana uga yeelnay calaamo5 (digniin) ummadaha.
5. Waxaa loola jeedaa doonnida, ama dhacdadaasi weyn.
阿拉伯语经注:
وَإِبۡرَٰهِيمَ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُۖ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
16. (Waxaana soo dirnay) Ibraahiim markuu ku lahaa qolodiisii: Caabuda Alle (Keliya) oo dhowra (xilkuu idin saaray), arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.
阿拉伯语经注:
إِنَّمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا وَتَخۡلُقُونَ إِفۡكًاۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ لَكُمۡ رِزۡقٗا فَٱبۡتَغُواْ عِندَ ٱللَّهِ ٱلرِّزۡقَ وَٱعۡبُدُوهُ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥٓۖ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
17. Waxaad uun caabuddaan asnaam halkii Alle, oo been abuur sameysaan. Kuwaad caabuddaan Alle sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Alle agtiis (oo keliya) oo caabuda Isagoo Keliya oo ku mahdiya. Xaggiisaa la idiin soo celin.
阿拉伯语经注:
وَإِن تُكَذِّبُواْ فَقَدۡ كَذَّبَ أُمَمٞ مِّن قَبۡلِكُمۡۖ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
18. Haddaad beenisaan (Xaqa), waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad (ee Diinta Alle)6.
6. Mufasiriinta waxay isku khilaafeen Aayaddan inay tahay mid la socota hadalkii Nabi Ibraahiim, ama hadal uu Alle ku samirsiinayo oo ugu laab qaboojinayo Nabi Muxammad s.c.w., sidase ka muuqata hal dhaca hadalka waa inay u tahay samirsiin iyo laab qaboojin Nabi Muxammad s.c.w.
阿拉伯语经注:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ كَيۡفَ يُبۡدِئُ ٱللَّهُ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥٓۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ
19. Miyeyna u fiirsan sida Alle u billaabo abuuridda (uunka), haddana u soo celin? Hubaal arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.
阿拉伯语经注:
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ بَدَأَ ٱلۡخَلۡقَۚ ثُمَّ ٱللَّهُ يُنشِئُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأٓخِرَةَۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
20. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya sida (Alle) u billaabay uunka, haddana Alle u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Alle wax walba wuu Karaa.
阿拉伯语经注:
يُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَيَرۡحَمُ مَن يَشَآءُۖ وَإِلَيۡهِ تُقۡلَبُونَ
21. Wuxuu cadaabi qofkuu doono, oo u naxariisan qofkuu doono, Xaggiisaana la idiin celin.
阿拉伯语经注:
وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ
22. Idinku ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, mana lihidin Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
阿拉伯语经注:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَلِقَآئِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ يَئِسُواْ مِن رَّحۡمَتِي وَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
23. Kuwa rumeyn diida Aayadaha Alle iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, waxaana kuwaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 尔开布特
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭