Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 穆罕默德   段:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَأَرَيۡنَٰكَهُمۡ فَلَعَرَفۡتَهُم بِسِيمَٰهُمۡۚ وَلَتَعۡرِفَنَّهُمۡ فِي لَحۡنِ ٱلۡقَوۡلِۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ أَعۡمَٰلَكُمۡ
30. Haddaan doonno, waan ku tusi karnaa kuwaasi, waxaadna ku garan astaamahoo- da; waxaad kaloo ku garan hadalkooda leexsan. Alle wuu Og yahay camalladiinna.
阿拉伯语经注:
وَلَنَبۡلُوَنَّكُمۡ حَتَّىٰ نَعۡلَمَ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ مِنكُمۡ وَٱلصَّٰبِرِينَ وَنَبۡلُوَاْ أَخۡبَارَكُمۡ
31. Waanu idin imtixaani ilaa aan muujinno kuwiinna jihaadi iyo kuwa samri oo sugnaan, waana imtixaani arrimahiinna.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَشَآقُّواْ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡهُدَىٰ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗا وَسَيُحۡبِطُ أَعۡمَٰلَهُمۡ
32. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle, khilaafana Rasuulka, kaddib markuu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Alle, wuuna burin acmaashooda.
阿拉伯语经注:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَلَا تُبۡطِلُوٓاْ أَعۡمَٰلَكُمۡ
33. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, hana burinnina acmaashiinna.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ مَاتُواْ وَهُمۡ كُفَّارٞ فَلَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَهُمۡ
34. Kuwa xaqa diida oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, markaas dhinta iyagoo gaalo ah, Alle sinnaba uguma denbi dhaafo.
阿拉伯语经注:
فَلَا تَهِنُواْ وَتَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱلسَّلۡمِ وَأَنتُمُ ٱلۡأَعۡلَوۡنَ وَٱللَّهُ مَعَكُمۡ وَلَن يَتِرَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ
35. Ha tabar darraanina (mu’miniintoy), hana weydiisannina nabad (baryo ah cadowyada Islaamka), idinkaa ka sarreyn, Allena idin la jiraa, mana idinkama nusqaaminayo acmaashiinna.
阿拉伯语经注:
إِنَّمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا لَعِبٞ وَلَهۡوٞۚ وَإِن تُؤۡمِنُواْ وَتَتَّقُواْ يُؤۡتِكُمۡ أُجُورَكُمۡ وَلَا يَسۡـَٔلۡكُمۡ أَمۡوَٰلَكُمۡ
36. Nolosha adduunkan waa uun ciyaar iyo madaddaalo, haddaad (Xaqa) rumeysaan, oo aad iska jirtaan (xumaha), Wuxuu idin siin abaalkiinna, idinmana weydiisanayo maalkiinna.
阿拉伯语经注:
إِن يَسۡـَٔلۡكُمُوهَا فَيُحۡفِكُمۡ تَبۡخَلُواْ وَيُخۡرِجۡ أَضۡغَٰنَكُمۡ
37. Hadduu idin weydiiyo (maalkiinna dhammaan) idinkuna adkeeyo waad bakhayli laheydeen lexejecli darteed, wuxuuna debedda u soo saari lahaa xiqdigiinna (colnimadiinna).
阿拉伯语经注:
هَٰٓأَنتُمۡ هَٰٓؤُلَآءِ تُدۡعَوۡنَ لِتُنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَمِنكُم مَّن يَبۡخَلُۖ وَمَن يَبۡخَلۡ فَإِنَّمَا يَبۡخَلُ عَن نَّفۡسِهِۦۚ وَٱللَّهُ ٱلۡغَنِيُّ وَأَنتُمُ ٱلۡفُقَرَآءُۚ وَإِن تَتَوَلَّوۡاْ يَسۡتَبۡدِلۡ قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُونُوٓاْ أَمۡثَٰلَكُم
38. Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Jidka Ilaahay (jihaadka iyo u gargaarka diinta Alle), waxaase idinku jira kuwo bakhayla, qofkiise bakhayla wuxuu uun ka bakhaylay naftiisa. Alle waa Hodan idinka Deeqtoon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro sabool ah. Haddaad (Xaqa) ka jeesataan Wuxuu Alle idinku beddeli qolo kale oo aan idinla mid noqoneyn.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 穆罕默德
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭