Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 图勒   段:

Ad-duur

وَٱلطُّورِ
1. Waxaan ku dhaartay Buurta (Siinaay)1.
1. Ad-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s.
阿拉伯语经注:
وَكِتَٰبٖ مَّسۡطُورٖ
2. Iyo Kitaabka qoran2.
2. Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka.
阿拉伯语经注:
فِي رَقّٖ مَّنشُورٖ
3. Ee ku qoran warqado la fidiyey.
阿拉伯语经注:
وَٱلۡبَيۡتِ ٱلۡمَعۡمُورِ
4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto3.
3. Waa Beytka Alle ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah.
阿拉伯语经注:
وَٱلسَّقۡفِ ٱلۡمَرۡفُوعِ
5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada).
阿拉伯语经注:
وَٱلۡبَحۡرِ ٱلۡمَسۡجُورِ
6. Iyo badda lagu huriyey (dabka ama soo fatahda)4.
4. Badahoo sidaas noqon Maalinta Qiyaamaha.
阿拉伯语经注:
إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٞ
7. Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -
阿拉伯语经注:
مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٖ
8. Ma jiro wax celin.
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوۡرٗا
9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,
阿拉伯语经注:
وَتَسِيرُ ٱلۡجِبَالُ سَيۡرٗا
10. Buuruhuna socon socosho (yaab) leh5.
5. Oo noqon sida boor oo u socon sida daruuraha.
阿拉伯语经注:
فَوَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ
11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي خَوۡضٖ يَلۡعَبُونَ
12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا
13.Maalinka loogu tuuri NaartaJahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):
阿拉伯语经注:
هَٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
14. Waa tan Naartii aad beenin jirteen.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 图勒
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭