Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 嘎姆勒   段:
خُشَّعًا أَبۡصَٰرُهُمۡ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ كَأَنَّهُمۡ جَرَادٞ مُّنتَشِرٞ
7. Iyagoo arag dulleysan, waxay ka soo baxayaan qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay.
阿拉伯语经注:
مُّهۡطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِۖ يَقُولُ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَسِرٞ
8. U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan: Kani waa Maalin daran.
阿拉伯语经注:
۞ كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ فَكَذَّبُواْ عَبۡدَنَا وَقَالُواْ مَجۡنُونٞ وَٱزۡدُجِرَ
9. Waxaa (Xaqa) beeniyey iyaga hortood Qolodii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii (Nuux) oo yidhaahdeen: waa jinnoole, oo la handaday.
阿拉伯语经注:
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَغۡلُوبٞ فَٱنتَصِرۡ
10. Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli.
阿拉伯语经注:
فَفَتَحۡنَآ أَبۡوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٖ مُّنۡهَمِرٖ
11. Markaasaan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan.
阿拉伯语经注:
وَفَجَّرۡنَا ٱلۡأَرۡضَ عُيُونٗا فَٱلۡتَقَى ٱلۡمَآءُ عَلَىٰٓ أَمۡرٖ قَدۡ قُدِرَ
12. Kana soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah), markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray .
阿拉伯语经注:
وَحَمَلۡنَٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلۡوَٰحٖ وَدُسُرٖ
13. Waxaana (Nuux) ku qaadnay (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir.
阿拉伯语经注:
تَجۡرِي بِأَعۡيُنِنَا جَزَآءٗ لِّمَن كَانَ كُفِرَ
14. Ku socota indhahayaga hortood (waxaana harqinnay gaaladii) ka jaazeyn gaalnimadooda (iyo u hiillin ahaan Nuux).
阿拉伯语经注:
وَلَقَد تَّرَكۡنَٰهَآ ءَايَةٗ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
15. Waxaana uga tagnay si ay u ahaato Calaamad (lagu waantoobo), ee ma jiraa mid ku waantoobi?
阿拉伯语经注:
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
16. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii?
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
17. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
阿拉伯语经注:
كَذَّبَتۡ عَادٞ فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
18. Reer Caad waxay beeniyeen (Xaqa), ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
阿拉伯语经注:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِي يَوۡمِ نَحۡسٖ مُّسۡتَمِرّٖ
19. Waxaan ku soo dirnay dushood dabeyl qabow badan maalin baaskeedu is daba joogo.
阿拉伯语经注:
تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٖ مُّنقَعِرٖ
20. Iyadoo u majaxaabineysa dadka4 sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey.
4. Ka soo bixineysa halkay ku gabbanaayeen.
阿拉伯语经注:
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
21. Ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
22. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
阿拉伯语经注:
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ
23. Reer Thamuud waxay beeniyeen digniinihii.
阿拉伯语经注:
فَقَالُوٓاْ أَبَشَرٗا مِّنَّا وَٰحِدٗا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٍ
24. Waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya oo naga mid ah (Saalix) yaan raaceynaa, markaas waxaanu ku sugannahay habow iyo heehaab (waalli).
阿拉伯语经注:
أَءُلۡقِيَ ٱلذِّكۡرُ عَلَيۡهِ مِنۢ بَيۡنِنَا بَلۡ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٞ
25. Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn5.
5. Waxay ula jeedaan Nabi Saalix.
阿拉伯语经注:
سَيَعۡلَمُونَ غَدٗا مَّنِ ٱلۡكَذَّابُ ٱلۡأَشِرُ
26. Berri bay ogaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah?
阿拉伯语经注:
إِنَّا مُرۡسِلُواْ ٱلنَّاقَةِ فِتۡنَةٗ لَّهُمۡ فَٱرۡتَقِبۡهُمۡ وَٱصۡطَبِرۡ
27. Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee sug oo samir yeelo6.
6. Aayaddan iyo tan xigta waxay ku socdaan Saalix c.s.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 嘎姆勒
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭