Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 穆丹斯拉   段:
فَقُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ
19. Nacaladi ha ku dhacdee! Siduu wax u qorsheeyey.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ قُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ
20. Misna, nacladi ha ku dhacdee, siduu wax u qorsheeyey.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ نَظَرَ
21. Kaddib wuu eegay;
阿拉伯语经注:
ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ
22. Markaasuu wejiga kaduuday oo soo uruuriyey.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ أَدۡبَرَ وَٱسۡتَكۡبَرَ
23. Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay;
阿拉伯语经注:
فَقَالَ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ يُؤۡثَرُ
24. Wuxuu yidhi: Kani (Qur'aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale.
阿拉伯语经注:
إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا قَوۡلُ ٱلۡبَشَرِ
25. Kanu (Qur'aanku) ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi.
阿拉伯语经注:
سَأُصۡلِيهِ سَقَرَ
26. Waxaan galin kaasi Saqaro (Naar).
阿拉伯语经注:
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سَقَرُ
27. Maxaad ka og tahay waxay Saqaro tahay?
阿拉伯语经注:
لَا تُبۡقِي وَلَا تَذَرُ
28. Ma reebto (hilib iyo laf midna) waxnana kama tagto.
阿拉伯语经注:
لَوَّاحَةٞ لِّلۡبَشَرِ
29. Waxay doorisaa jirka oo gubtaa.
阿拉伯语经注:
عَلَيۡهَا تِسۡعَةَ عَشَرَ
30. Waxaa kor jooga sagaal iyo toban (malag oo adadag).
阿拉伯语经注:
وَمَا جَعَلۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَٰٓئِكَةٗۖ وَمَا جَعَلۡنَا عِدَّتَهُمۡ إِلَّا فِتۡنَةٗ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيَسۡتَيۡقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَيَزۡدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِيمَٰنٗا وَلَا يَرۡتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡكَٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَمَا يَعۡلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَۚ وَمَا هِيَ إِلَّا ذِكۡرَىٰ لِلۡبَشَرِ
31. Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka.
阿拉伯语经注:
كَلَّا وَٱلۡقَمَرِ
32. Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa,
阿拉伯语经注:
وَٱلَّيۡلِ إِذۡ أَدۡبَرَ
33. Iyo habeenka markuu tago.
阿拉伯语经注:
وَٱلصُّبۡحِ إِذَآ أَسۡفَرَ
34. Iyo waagu markuu caddaado.
阿拉伯语经注:
إِنَّهَا لَإِحۡدَى ٱلۡكُبَرِ
35. Hubaal iyadu (Naartu) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn.
阿拉伯语经注:
نَذِيرٗا لِّلۡبَشَرِ
36. Digniin u ah dadka.
阿拉伯语经注:
لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَتَقَدَّمَ أَوۡ يَتَأَخَّرَ
37. Qofkii doona inuu ku hormaro (camallo san) ama dib ugu haro (xume fal),
阿拉伯语经注:
كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡ رَهِينَةٌ
38. Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay kasbato.
阿拉伯语经注:
إِلَّآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡيَمِينِ
39. Qolada midigta maahee.
阿拉伯语经注:
فِي جَنَّٰتٖ يَتَسَآءَلُونَ
40. Jannooyin gudahood waxay iska wareysan,
阿拉伯语经注:
عَنِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
41. Xaalka denbiilayaasha:
阿拉伯语经注:
مَا سَلَكَكُمۡ فِي سَقَرَ
42. Maxaa idin keenay Naarta Saqaro?
阿拉伯语经注:
قَالُواْ لَمۡ نَكُ مِنَ ٱلۡمُصَلِّينَ
43. Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada.
阿拉伯语经注:
وَلَمۡ نَكُ نُطۡعِمُ ٱلۡمِسۡكِينَ
44. Mana aannaan aheyn kuwo quudiya miskiinka;
阿拉伯语经注:
وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلۡخَآئِضِينَ
45. Waxaanu ahayn kuwo la dhumbada waxyaalo been ahoo aan jirin iyo xumaan kuwa dhumbada.
阿拉伯语经注:
وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ
46. Waxaanu ahayn kuwa beeniya Maalinta abaal marinta (jaazeynta).
阿拉伯语经注:
حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلۡيَقِينُ
47. Jeer ay noo timid yaqiinta la hubo (geeridu).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 穆丹斯拉
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭