Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አልን ኑር   አንቀጽ:
رِجَالٞ لَّا تُلۡهِيهِمۡ تِجَٰرَةٞ وَلَا بَيۡعٌ عَن ذِكۡرِ ٱللَّهِ وَإِقَامِ ٱلصَّلَوٰةِ وَإِيتَآءِ ٱلزَّكَوٰةِ يَخَافُونَ يَوۡمٗا تَتَقَلَّبُ فِيهِ ٱلۡقُلُوبُ وَٱلۡأَبۡصَٰرُ
37. Rag aanay ka shuqlin ganacsi iyo iib midna xusidda Alle iyo oogidda saaladda iyo bixinta Zakada. Waxay ka cabsadaan Maalin quluubta iyo aragyada rogmi doonaan (baqo iyo argagax awgi).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِيَجۡزِيَهُمُ ٱللَّهُ أَحۡسَنَ مَا عَمِلُواْ وَيَزِيدَهُم مِّن فَضۡلِهِۦۗ وَٱللَّهُ يَرۡزُقُ مَن يَشَآءُ بِغَيۡرِ حِسَابٖ
38. Si uu Alle u siiyo abaal gud waafaqsan kan ugu wanagsanaa waxay faleen, oo waliba uu siiyo deeq dheeri ah ka mid ah Fadligiisa, Allena wuxuu irsaaqaa qofkuu doono xisaab la'aan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَعۡمَٰلُهُمۡ كَسَرَابِۭ بِقِيعَةٖ يَحۡسَبُهُ ٱلظَّمۡـَٔانُ مَآءً حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَهُۥ لَمۡ يَجِدۡهُ شَيۡـٔٗا وَوَجَدَ ٱللَّهَ عِندَهُۥ فَوَفَّىٰهُ حِسَابَهُۥۗ وَٱللَّهُ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
39. Kuwa gaaloobay acmaashoodu waa sida dhalanteed ka muuqda bannaan dhul siman, oo uu kan oommani moodo biyo, jeer markuu yimaado waxba aanu ka helin29, oo uu halkaas ka helo Alle oo abaal marsha una oofiya si dhan xisaabtiisa, Allena wuu ku Dhaqsi Badan yahay xisaab qaadista.
29. Waayo gaaladu acmaashooda kuma dhisna towxiid iyo ku iimaan qab Alle Keliya iyagoo aan la wadaajin cibaadada cidna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوۡ كَظُلُمَٰتٖ فِي بَحۡرٖ لُّجِّيّٖ يَغۡشَىٰهُ مَوۡجٞ مِّن فَوۡقِهِۦ مَوۡجٞ مِّن فَوۡقِهِۦ سَحَابٞۚ ظُلُمَٰتُۢ بَعۡضُهَا فَوۡقَ بَعۡضٍ إِذَآ أَخۡرَجَ يَدَهُۥ لَمۡ يَكَدۡ يَرَىٰهَاۗ وَمَن لَّمۡ يَجۡعَلِ ٱللَّهُ لَهُۥ نُورٗا فَمَا لَهُۥ مِن نُّورٍ
40. Ama (waa) sida mugdiyo daran bad weyn salkeed ah, hir uu daboolo, korkiisuna hir kale sii yahay, oo ay daruuro sii kor joogaan, (dabaqyo) mugdiyo daran ah midba mid kale kor saaran yahay, markuu soo saaro gacantiisa uu ku sigan inuu arki waayo! Qofkaan Alle u yeelin Nuur, ma uu laha Nuur.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يُسَبِّحُ لَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱلطَّيۡرُ صَٰٓفَّٰتٖۖ كُلّٞ قَدۡ عَلِمَ صَلَاتَهُۥ وَتَسۡبِيحَهُۥۗ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِمَا يَفۡعَلُونَ
41. Miyaadan ogayn in Alle ay xurmo weyneeyaan oo u tasbiixsadaan (ka hufaan xumaan) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada iyo shimbiraha fidiya garbahooda (markay duulliyaan)? Wuu Og yahay mid kasta salaaddiisa iyo tasbiixdiisa, Allena wuu Og yahay waxay fali.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلۡمَصِيرُ
42. Alle baana iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, waana xagga Alle halka loo noqon dhammaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يُزۡجِي سَحَابٗا ثُمَّ يُؤَلِّفُ بَيۡنَهُۥ ثُمَّ يَجۡعَلُهُۥ رُكَامٗا فَتَرَى ٱلۡوَدۡقَ يَخۡرُجُ مِنۡ خِلَٰلِهِۦ وَيُنَزِّلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن جِبَالٖ فِيهَا مِنۢ بَرَدٖ فَيُصِيبُ بِهِۦ مَن يَشَآءُ وَيَصۡرِفُهُۥ عَن مَّن يَشَآءُۖ يَكَادُ سَنَا بَرۡقِهِۦ يَذۡهَبُ بِٱلۡأَبۡصَٰرِ
43. Miyaadan arkayn in Alle soo kaxeeyo daruuro, markaas isu dumo, oo ka dhigo fadad isdulsaraan, sidaas darteed waxaad arki roobka oo ka soo da’aya dhexdooda, Wuxuuna ka soo dejiyaa daruuraha buuraha la moodo qabow (baraf), isagoo ku rida cidduu doono, kana duwa cidduu doono, iftiinka hillaaciisu daruuraha gudahood ah wuxuu sigaa inuu la tago aragga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አልን ኑር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት