Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አልን ኑር   አንቀጽ:
يُقَلِّبُ ٱللَّهُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبۡرَةٗ لِّأُوْلِي ٱلۡأَبۡصَٰرِ
44.Alle Wuxuu gedgeddiyaa oo is dhaafiyaa habeenka iyo maalinta. Arrinkani waxaa ugu sugan cibro kuwa aragtida dheer.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱللَّهُ خَلَقَ كُلَّ دَآبَّةٖ مِّن مَّآءٖۖ فَمِنۡهُم مَّن يَمۡشِي عَلَىٰ بَطۡنِهِۦ وَمِنۡهُم مَّن يَمۡشِي عَلَىٰ رِجۡلَيۡنِ وَمِنۡهُم مَّن يَمۡشِي عَلَىٰٓ أَرۡبَعٖۚ يَخۡلُقُ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
45. Alle wuxuu ka abuuray noole kasta oo jira biyo. Waxaa ka mid ah mid ku xammaarta calooshiisa, waxaa ka mid ah mid ku socda labo lugood, waxaana ka mid ah mid ku socda afar. Alle Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Hubaal, Alle wax kasta wuu Karaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّقَدۡ أَنزَلۡنَآ ءَايَٰتٖ مُّبَيِّنَٰتٖۚ وَٱللَّهُ يَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
46. Waxaan dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Alle wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُونَ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَبِٱلرَّسُولِ وَأَطَعۡنَا ثُمَّ يَتَوَلَّىٰ فَرِيقٞ مِّنۡهُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَۚ وَمَآ أُوْلَٰٓئِكَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ
47. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: “Waxaanu rumeynay Allaah iyo Rasuulka oo adeecnay, markaasay koox ka mid ahi jeesadaan intaas kaddib, kuwaasina ma aha mu’miniin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا دُعُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ لِيَحۡكُمَ بَيۡنَهُمۡ إِذَا فَرِيقٞ مِّنۡهُم مُّعۡرِضُونَ
48.Marka loogu yeedho Alle iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, mise koox ka mid ahi dhinac bay u jeestaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن يَكُن لَّهُمُ ٱلۡحَقُّ يَأۡتُوٓاْ إِلَيۡهِ مُذۡعِنِينَ
49. Haddayse garta leeyihiin waa u yimaadaan dhaqso, iyagoo adeecsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَمِ ٱرۡتَابُوٓاْ أَمۡ يَخَافُونَ أَن يَحِيفَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ وَرَسُولُهُۥۚ بَلۡ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
50. Ma qalbigay ka bukaan (jirro munaafiqnimo ah), mise shaki bay ka qabaan (Nabinnamada Muxammad), mise waxay cabsi ka qabaan in Alle iyo Rasuulkiiisu ka eexdaan? Mayee, kuwaasi waa kuwo daalimiin (gar diid) ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا كَانَ قَوۡلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ إِذَا دُعُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ لِيَحۡكُمَ بَيۡنَهُمۡ أَن يَقُولُواْ سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَاۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
51. Qowlka mu’miniinta, marka loogu yeedho Alle iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, waa uun inay yidhaahdaan: “Maqallay oo yeelnay. kuwaasina waa kuwa ah liibaanayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَخۡشَ ٱللَّهَ وَيَتَّقۡهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَآئِزُونَ
52. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ka baqa Alle, oo dhowra amarradiisa, kuwaa weeye kuwa ah guuleysatayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَئِنۡ أَمَرۡتَهُمۡ لَيَخۡرُجُنَّۖ قُل لَّا تُقۡسِمُواْۖ طَاعَةٞ مَّعۡرُوفَةٌۚ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ
53. Waxay (munaafiqiintu) ku dhaartaan Alle kan ugu adag dhaarahooda, in haddaad amarto ay (u) baxayaan (jihaad). Dheh waxba ha dhaarannina: adeecid fiican (baa la dooni)30. Alle waa u Xog Ogaal waxaad falaysaan.
30. Macno kale waa daacad la yaqaan macnaha waa oggolaanshaha iyo maqlidda ay muujiyaan munaafiqiinta waa mid la yaqaan inay been tahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አልን ኑር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት