Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አልን ኑር   አንቀጽ:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ وَمَن يَتَّبِعۡ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِ فَإِنَّهُۥ يَأۡمُرُ بِٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِۚ وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ مَا زَكَىٰ مِنكُم مِّنۡ أَحَدٍ أَبَدٗا وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يُزَكِّي مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٞ
21. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha raacina tallaabooyinka (jidadka) shaydaanka. Qofkii raaca tallaaboyinka shaydaanka, wuxuu amraa xumaan iyo munkar (xishood darro). Hadduusan jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisa, ma daahir noqdeen qofna idinka mid ah weligi. Alle baase daahiriya qofkuu doono. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا يَأۡتَلِ أُوْلُواْ ٱلۡفَضۡلِ مِنكُمۡ وَٱلسَّعَةِ أَن يُؤۡتُوٓاْ أُوْلِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ وَلۡيَعۡفُواْ وَلۡيَصۡفَحُوٓاْۗ أَلَا تُحِبُّونَ أَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
22. Yey ka dhaaranna kuwaa idinka mid ah ee leh fadliga dheeraadka ah ee ladan inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Alle Dartiis. Ha iska cafiyeen hana saamaxeen. Miyeydaan jecleyn in Alle idiin denbi Dhaafo11?Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
11. Abuu Bakar a.k.r. markay soo degeen Aayadahan oo Alle yidhi: Miyeydaan jecleyn inuu Alle idiin denbi dhaafo? Wuxuu yidhi: Haayoo, waan jeclahay, wuxuuna dib u billaabay inuu siiyo Misdax oo ay qaraabo ahaayeen oo ka mid ahaa raggii beenta ka fidshay Caa’isha a.k.r. kaalmadii uu siin jirey, oo kafaara gud ka sameeyey dhaartii uu ka dhaartay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَرۡمُونَ ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ ٱلۡغَٰفِلَٰتِ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ لُعِنُواْ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
23. Xaqiiq, kuwa ku sheega (zino) dumarka dhawrsoon mu’minaatka ah, ee moog oo ka war la’ (xumo oo dhan)12, waa lagu nacladay adduun iyo aakhiraba, waxayna mudan cadaab daran.
12. Waxaa loola jeedaa mu’minaatka moog oo ka war la’ xumaha, mu’minaatka aanay marnaba ku soo dhicin qalbigooda inay falaan wax xun ee iyagu nadiifka ah dhowrsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ تَشۡهَدُ عَلَيۡهِمۡ أَلۡسِنَتُهُمۡ وَأَيۡدِيهِمۡ وَأَرۡجُلُهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
24. Maalinta carrabyadoodu, gacmahoodu, iyo lugahoodu ay ku markhaati furi waxay falayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَئِذٖ يُوَفِّيهِمُ ٱللَّهُ دِينَهُمُ ٱلۡحَقَّ وَيَعۡلَمُونَ أَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡحَقُّ ٱلۡمُبِينُ
25. Maalintaas Alle wuxuu ugu oofin si dhan abaalgudkooda sugan, waxayna ogaan inuu Alle yahay Xaqa muuqda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلۡخَبِيثَٰتُ لِلۡخَبِيثِينَ وَٱلۡخَبِيثُونَ لِلۡخَبِيثَٰتِۖ وَٱلطَّيِّبَٰتُ لِلطَّيِّبِينَ وَٱلطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَٰتِۚ أُوْلَٰٓئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَۖ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ
26. Hadallo (iyo camallo) xun (waxaa leh oo lagu yaqaan) dadka xun. Dadka xumina waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) xun, hadallo (iyo camallo) fiican13 waxaa (leh oo lagu yaqaan) dadka fiican, dadka fiicanna waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) fiican. Kuwani (Caa'isha iyo eynigeed) waa ka barii (fog yihiin) waxay ka sheegayaan, waxayna leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.
13. Alle wuxuu Aayadahan ku barii yeelay hooyadii mu'miniinta Caa'isha a.k.r.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَدۡخُلُواْ بُيُوتًا غَيۡرَ بُيُوتِكُمۡ حَتَّىٰ تَسۡتَأۡنِسُواْ وَتُسَلِّمُواْ عَلَىٰٓ أَهۡلِهَاۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryo aan aheyn guryihiinna jeer aad idan weydiisataan, oo salaantaan ehelkooda14, sidaasaa idiin khayr badan inaad xusuusnaataan.
14. Waa aad ku salaantaan salaanta islaamka: Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አልን ኑር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት