Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Nur   Câu:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ وَمَن يَتَّبِعۡ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِ فَإِنَّهُۥ يَأۡمُرُ بِٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِۚ وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ مَا زَكَىٰ مِنكُم مِّنۡ أَحَدٍ أَبَدٗا وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يُزَكِّي مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٞ
21. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha raacina tallaabooyinka (jidadka) shaydaanka. Qofkii raaca tallaaboyinka shaydaanka, wuxuu amraa xumaan iyo munkar (xishood darro). Hadduusan jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisa, ma daahir noqdeen qofna idinka mid ah weligi. Alle baase daahiriya qofkuu doono. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَا يَأۡتَلِ أُوْلُواْ ٱلۡفَضۡلِ مِنكُمۡ وَٱلسَّعَةِ أَن يُؤۡتُوٓاْ أُوْلِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ وَلۡيَعۡفُواْ وَلۡيَصۡفَحُوٓاْۗ أَلَا تُحِبُّونَ أَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
22. Yey ka dhaaranna kuwaa idinka mid ah ee leh fadliga dheeraadka ah ee ladan inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Alle Dartiis. Ha iska cafiyeen hana saamaxeen. Miyeydaan jecleyn in Alle idiin denbi Dhaafo11?Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
11. Abuu Bakar a.k.r. markay soo degeen Aayadahan oo Alle yidhi: Miyeydaan jecleyn inuu Alle idiin denbi dhaafo? Wuxuu yidhi: Haayoo, waan jeclahay, wuxuuna dib u billaabay inuu siiyo Misdax oo ay qaraabo ahaayeen oo ka mid ahaa raggii beenta ka fidshay Caa’isha a.k.r. kaalmadii uu siin jirey, oo kafaara gud ka sameeyey dhaartii uu ka dhaartay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَرۡمُونَ ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ ٱلۡغَٰفِلَٰتِ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ لُعِنُواْ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
23. Xaqiiq, kuwa ku sheega (zino) dumarka dhawrsoon mu’minaatka ah, ee moog oo ka war la’ (xumo oo dhan)12, waa lagu nacladay adduun iyo aakhiraba, waxayna mudan cadaab daran.
12. Waxaa loola jeedaa mu’minaatka moog oo ka war la’ xumaha, mu’minaatka aanay marnaba ku soo dhicin qalbigooda inay falaan wax xun ee iyagu nadiifka ah dhowrsoon.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَوۡمَ تَشۡهَدُ عَلَيۡهِمۡ أَلۡسِنَتُهُمۡ وَأَيۡدِيهِمۡ وَأَرۡجُلُهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
24. Maalinta carrabyadoodu, gacmahoodu, iyo lugahoodu ay ku markhaati furi waxay falayeen.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَوۡمَئِذٖ يُوَفِّيهِمُ ٱللَّهُ دِينَهُمُ ٱلۡحَقَّ وَيَعۡلَمُونَ أَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡحَقُّ ٱلۡمُبِينُ
25. Maalintaas Alle wuxuu ugu oofin si dhan abaalgudkooda sugan, waxayna ogaan inuu Alle yahay Xaqa muuqda.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ٱلۡخَبِيثَٰتُ لِلۡخَبِيثِينَ وَٱلۡخَبِيثُونَ لِلۡخَبِيثَٰتِۖ وَٱلطَّيِّبَٰتُ لِلطَّيِّبِينَ وَٱلطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَٰتِۚ أُوْلَٰٓئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَۖ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ
26. Hadallo (iyo camallo) xun (waxaa leh oo lagu yaqaan) dadka xun. Dadka xumina waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) xun, hadallo (iyo camallo) fiican13 waxaa (leh oo lagu yaqaan) dadka fiican, dadka fiicanna waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) fiican. Kuwani (Caa'isha iyo eynigeed) waa ka barii (fog yihiin) waxay ka sheegayaan, waxayna leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.
13. Alle wuxuu Aayadahan ku barii yeelay hooyadii mu'miniinta Caa'isha a.k.r.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَدۡخُلُواْ بُيُوتًا غَيۡرَ بُيُوتِكُمۡ حَتَّىٰ تَسۡتَأۡنِسُواْ وَتُسَلِّمُواْ عَلَىٰٓ أَهۡلِهَاۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryo aan aheyn guryihiinna jeer aad idan weydiisataan, oo salaantaan ehelkooda14, sidaasaa idiin khayr badan inaad xusuusnaataan.
14. Waa aad ku salaantaan salaanta islaamka: Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Nur
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại