[11]. Abuu Bakar a.k.r. markay soo degeen Aayadahan oo Alle yidhi: Miyeydaan jecleyn inuu Alle idiin denbi dhaafo? Wuxuu yidhi: Haayoo, waan jeclahay, wuxuuna dib u billaabay inuu siiyo Misdax oo ay qaraabo ahaayeen oo ka mid ahaa raggii beenta ka fidshay Caa’isha a.k.r. kaalmadii uu siin jirey, oo kafaara gud ka sameeyey dhaartii uu ka dhaartay.
[12]. Waxaa loola jeedaa mu’minaatka moog oo ka war la’ xumaha, mu’minaatka aanay marnaba ku soo dhicin qalbigooda inay falaan wax xun ee iyagu nadiifka ah dhowrsoon.
[13]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: Haweenka xun waxay u sugnaadeen nimanka xun, nimanka xunna waxaa u sugnaaday haween xun, haweenka wanaagsan waxay u sugnaadeen nimanka wanaagsan, nimanka wanaagsanna waxaa u sugnaaday haween wanaagsan. Arrinkanina waa sida qaalibka ah laakiin way dhacdaa inkastoo ayan badneyn in naag xumi uu ku soo aado nin wanaagsan, nin xunna ay ku soo aaddo naag wanaagsan, naag wanaagsanina uu ku soo aado nin xun, nin wanaagsanina ay ku soo aaddo naag xun. Laakiin waa in yar.
Alle wuxuu Aayadahan ku barii yeelay hooyadii mu'miniinta Caa'isha a.k.r.
[14]. Waa aad ku salaantaan salaanta islaamka: Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato).