Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ቀሰስ   አንቀጽ:
۞ فَلَمَّا قَضَىٰ مُوسَى ٱلۡأَجَلَ وَسَارَ بِأَهۡلِهِۦٓ ءَانَسَ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ نَارٗاۖ قَالَ لِأَهۡلِهِ ٱمۡكُثُوٓاْ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا لَّعَلِّيٓ ءَاتِيكُم مِّنۡهَا بِخَبَرٍ أَوۡ جَذۡوَةٖ مِّنَ ٱلنَّارِ لَعَلَّكُمۡ تَصۡطَلُونَ
29. Markuu dhammaystay Muuse muddadii (toban sano), oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya (u socda Masar) buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war (waddada loo maro Masar) ama dhimibil dab ah inaad kulaashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِيَ مِن شَٰطِيِٕ ٱلۡوَادِ ٱلۡأَيۡمَنِ فِي ٱلۡبُقۡعَةِ ٱلۡمُبَٰرَكَةِ مِنَ ٱلشَّجَرَةِ أَن يَٰمُوسَىٰٓ إِنِّيٓ أَنَا ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
30. Markuu yimid halkii (dabka), cod baa ka dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka10 leh: “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbigii uumanka.
10. Geedkaasoo dabka gudahiisa ahaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنۡ أَلۡقِ عَصَاكَۚ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهۡتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنّٞ وَلَّىٰ مُدۡبِرٗا وَلَمۡ يُعَقِّبۡۚ يَٰمُوسَىٰٓ أَقۡبِلۡ وَلَا تَخَفۡۖ إِنَّكَ مِنَ ٱلۡأٓمِنِينَ
31. Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal. (Waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, hana cabsan, adigu waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah (nabad geli).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱسۡلُكۡ يَدَكَ فِي جَيۡبِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٖ وَٱضۡمُمۡ إِلَيۡكَ جَنَاحَكَ مِنَ ٱلرَّهۡبِۖ فَذَٰنِكَ بُرۡهَٰنَانِ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
32. Geli gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, ku nabna gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida (aad ka qaadday maska, sidoo kalena gacantaadu waxay u noqon sideedii hore). Marka kuwakani waa labo caddaymo xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo xildhibaannadiisa, waa qolo caasiyaal ahe.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ إِنِّي قَتَلۡتُ مِنۡهُمۡ نَفۡسٗا فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ
33. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dilay nin ka mid ah, waxaan ka cabsan inay i dilaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَخِي هَٰرُونُ هُوَ أَفۡصَحُ مِنِّي لِسَانٗا فَأَرۡسِلۡهُ مَعِيَ رِدۡءٗا يُصَدِّقُنِيٓۖ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
34. Walaalkay Haaruun baana iga faseexsan carrab (hadal ahaan) ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan ka cabsan inay I beeniyaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ سَنَشُدُّ عَضُدَكَ بِأَخِيكَ وَنَجۡعَلُ لَكُمَا سُلۡطَٰنٗا فَلَا يَصِلُونَ إِلَيۡكُمَا بِـَٔايَٰتِنَآۚ أَنتُمَا وَمَنِ ٱتَّبَعَكُمَا ٱلۡغَٰلِبُونَ
35. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ku adkeyn cududdaada walaalkaa, waxaana idiin yeeli awood (xujo) marka idinma gaar siin karaan (wax dhib ah), Aayadahayaga dartood, idinka iyo intii idin raacda baa adkaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ቀሰስ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት