Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ቀሰስ   አንቀጽ:
وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلۡغَرۡبِيِّ إِذۡ قَضَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَى ٱلۡأَمۡرَ وَمَا كُنتَ مِنَ ٱلشَّٰهِدِينَ
44. Adigu (Nabi Muxammadow) ma aad joogin dhinaca galbeed (ee buurta), markaan siinnay Muuse amarka (Nabinnimada), mana aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَٰكِنَّآ أَنشَأۡنَا قُرُونٗا فَتَطَاوَلَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡعُمُرُۚ وَمَا كُنتَ ثَاوِيٗا فِيٓ أَهۡلِ مَدۡيَنَ تَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِنَا وَلَٰكِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ
45. Waxaanse abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) waxaana ku dheeraaday cumrigii15. Adiguna ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan, adigoo u akhrinaya Aayadahayaga. Annaga baase ku soo dirnay (Rusuul ahaan )16.
15. Markaasay hilmaameen oo dayaceen amarradii Alle.
16. Nabigu s.c.w. ma heysto dariiq kale uu ku ogaado wararkan aan ahayn Waxyiga Alle u soo waxyooday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلطُّورِ إِذۡ نَادَيۡنَا وَلَٰكِن رَّحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٖ مِّن قَبۡلِكَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ
46. Ma aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u dhawaaqnay Muuse. (Waxaase laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto qolo uusan u imaan dige hortaa inay xusuustaan (oo waantoobaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡلَآ أَن تُصِيبَهُم مُّصِيبَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ فَيَقُولُواْ رَبَّنَا لَوۡلَآ أَرۡسَلۡتَ إِلَيۡنَا رَسُولٗا فَنَتَّبِعَ ءَايَٰتِكَ وَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
47. Haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo denbiyo ah) darteed, markaasna ay yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta (waa la ciqaabi lahaa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ مِنۡ عِندِنَا قَالُواْ لَوۡلَآ أُوتِيَ مِثۡلَ مَآ أُوتِيَ مُوسَىٰٓۚ أَوَلَمۡ يَكۡفُرُواْ بِمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ مِن قَبۡلُۖ قَالُواْ سِحۡرَانِ تَظَٰهَرَا وَقَالُوٓاْ إِنَّا بِكُلّٖ كَٰفِرُونَ
48. Markiise uu Xaqa uga yimid Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen:“Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaystay17. Waxayna yidhaahdeen: Innagu dhammaan waan ku gaalownay.
17. Camalka labo sixir oo is kaalmaystay: Waxay gaaladii Quraysh ula jeedeen: Towraadda iyo Qur’aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ فَأۡتُواْ بِكِتَٰبٖ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ هُوَ أَهۡدَىٰ مِنۡهُمَآ أَتَّبِعۡهُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
49. Dheh: Ka keena Kitaab (kale) xagga Alle, oo ka hanuun wanaagsan labadooda aan raacee haddaad run sheegaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِن لَّمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَكَ فَٱعۡلَمۡ أَنَّمَا يَتَّبِعُونَ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَمَنۡ أَضَلُّ مِمَّنِ ٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ بِغَيۡرِ هُدٗى مِّنَ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
50. Haddayna ku ajiibin, ogow inay uun raacaan hawadooda. Yaana ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Alle? Hubaal, Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ቀሰስ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት