Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሰበእ   አንቀጽ:

Saba'a

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
1. Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Isagaana (sidoo kale) mudan ammaan oo idil iyo mahad Aakhirada, Waana Xikmad Badanaha, Xog Ogaalka ah.
1. Saba: Waxaa loola jeedaa (Dadkii) Saba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۚ وَهُوَ ٱلرَّحِيمُ ٱلۡغَفُورُ
2. Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa. Waana Naxariis Badanaha, Denbi Dhaafka Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَأۡتِينَا ٱلسَّاعَةُۖ قُلۡ بَلَىٰ وَرَبِّي لَتَأۡتِيَنَّكُمۡ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِۖ لَا يَعۡزُبُ عَنۡهُ مِثۡقَالُ ذَرَّةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَآ أَصۡغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡبَرُ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ
3. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: "Nooma imaaneyso Saacadda (Qiyaame). Dheh: "Haayoo, Waa igu Rabbigay, way idiin iman. (Alle waa) Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon". Kama qarsoona wax saxar le’eg (ama qudhaanjo) oo samada ama arlada yaal ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weyn, intuba waxay ku yaallaan Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ
4. Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaa waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo Risiq sharaf leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ سَعَوۡ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مِّن رِّجۡزٍ أَلِيمٞ
5. Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga2 - kuwaa waxay leeyihiin cadaab daran oo xun.
2. Inay qiimo dhimaan Aayadahaa oo ugu jeejeesaan si aan loo raacin Nabiga s.c.w.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَرَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ ٱلۡحَقَّ وَيَهۡدِيٓ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ
6. Kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in Waxyiga lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq, wax ku hanuuniya Jidka (Alle) Adkaadaha Sare, Ammaanan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هَلۡ نَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ رَجُلٖ يُنَبِّئُكُمۡ إِذَا مُزِّقۡتُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمۡ لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدٍ
7. Kuwii gaaloobay waxay yidhaahdeen: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo carrada idin cunto) in la idin abuuri abuur cusub?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሰበእ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት