Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሰበእ   አንቀጽ:
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ يَقُولُ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ أَهَٰٓؤُلَآءِ إِيَّاكُمۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ
40. (Xus) Maalinta markuu soo wada kulmin iyagoo dhan (gaalada), markaasuu ku odhan malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِمۖ بَلۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ ٱلۡجِنَّۖ أَكۡثَرُهُم بِهِم مُّؤۡمِنُونَ
41. Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh (Allow) oo hufan, Adiga ayaa ah Gargaarahayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱلۡيَوۡمَ لَا يَمۡلِكُ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٖ نَّفۡعٗا وَلَا ضَرّٗا وَنَقُولُ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
42. Marka Maalintaa (Qiyaame) uma hana- nayo midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna,waxaana ku odhan kuwaasi dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay: Dhadhami- ya Cadaabka Naarta aad beeninayseen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّا رَجُلٞ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمۡ عَمَّا كَانَ يَعۡبُدُ ءَابَآؤُكُمۡ وَقَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّآ إِفۡكٞ مُّفۡتَرٗىۚ وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ
43. Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani (Muxammad) ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin Waxayna yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanku) wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Kuwa gaalada ahina waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimid: Kanu (Qur’aanku) ma aha waxaan ahayn sixir cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ ءَاتَيۡنَٰهُم مِّن كُتُبٖ يَدۡرُسُونَهَاۖ وَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمۡ قَبۡلَكَ مِن نَّذِيرٖ
44. Ma aanu siin wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, umana aanu soo dirin hortaa wax dige ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ وَمَا بَلَغُواْ مِعۡشَارَ مَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ فَكَذَّبُواْ رُسُلِيۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ
45. Kuwii ka horreeyey waxay beeniyeen (Xaqa), kuwanna (Nabiga beeniyey) ma gaadhin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Waxayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee buu mid daran u ahaa Ciqaabkeygii (aan ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ قُلۡ إِنَّمَآ أَعِظُكُم بِوَٰحِدَةٍۖ أَن تَقُومُواْ لِلَّهِ مَثۡنَىٰ وَفُرَٰدَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُواْۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا نَذِيرٞ لَّكُم بَيۡنَ يَدَيۡ عَذَابٖ شَدِيدٖ
46. Dheh: Waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; inaad u kacdaan Alle Darti labo-labo iyo mid mid19, markaas aad fekertaan: kuma jiro jin saaxiibkiin (Nabi Muxammad), waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh.
19. Labo labo iyo mid mid, sidaas awgeed hadduu la faqayo Alle, wuxuu u gudan si deggan oo wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ مَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٖ فَهُوَ لَكُمۡۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٞ
47. Dheh (Nabiyow): Waxaan idin weydiiyo oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin20. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Alle Keliya. Wax walbana Alle wuu u Jeedaa.
20. Rasuulka Alle s.c.w. kama dalbo wax abaal gud ah iyaga, ee wuxuu ka dalbaa inay rumeeyaan Alle oo camallo san fashaan, sidaasina iyagay khayr u tahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَقۡذِفُ بِٱلۡحَقِّ عَلَّٰمُ ٱلۡغُيُوبِ
48. Dheh: Rabbigay wuxuu soo diraa Xaqa (oo xumaanta ku tiraa), waa Ogsoonaha sare ee waxaan muuqan (Ghaybka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሰበእ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት