Check out the new design

पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । * - अनुवादहरूको सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थको अनुवाद सूरः: सबा   श्लोक:
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ يَقُولُ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ أَهَٰٓؤُلَآءِ إِيَّاكُمۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ
40. (Xus) Maalinta markuu soo wada kulmin iyagoo dhan (gaalada), markaasuu ku odhan malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen?
अरबी व्याख्याहरू:
قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِمۖ بَلۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ ٱلۡجِنَّۖ أَكۡثَرُهُم بِهِم مُّؤۡمِنُونَ
41. Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh (Allow) oo ka hufan (xumaan iyo nuqsaan), Adiga ayaa ah Gargaarahayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen.
अरबी व्याख्याहरू:
فَٱلۡيَوۡمَ لَا يَمۡلِكُ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٖ نَّفۡعٗا وَلَا ضَرّٗا وَنَقُولُ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
42. Marka Maalintaa (Qiyaame) uma hana- nayo midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna,waxaanu ku odhan kuwaasi dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay: Dhadhami- ya Cadaabka Naarta aad beeninayseen.
अरबी व्याख्याहरू:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّا رَجُلٞ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمۡ عَمَّا كَانَ يَعۡبُدُ ءَابَآؤُكُمۡ وَقَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّآ إِفۡكٞ مُّفۡتَرٗىۚ وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ
43. Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani (Muxammad) ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin Waxayna yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanku) wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Kuwa gaalada ahina waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimid: Kanu (Qur’aanku) ma aha waxaan ahayn sixir cad.
अरबी व्याख्याहरू:
وَمَآ ءَاتَيۡنَٰهُم مِّن كُتُبٖ يَدۡرُسُونَهَاۖ وَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمۡ قَبۡلَكَ مِن نَّذِيرٖ
44. Ma aanu siin wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, umana aanu soo dirin hortaa wax dige ah.
अरबी व्याख्याहरू:
وَكَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ وَمَا بَلَغُواْ مِعۡشَارَ مَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ فَكَذَّبُواْ رُسُلِيۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ
45. Kuwii ka horreeyey waxay beeniyeen (Xaqa), kuwanna (Nabiga beeniyey) ma gaadhin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Waxayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee buu mid daran u ahaa Ciqaabkeygii (aan ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).
अरबी व्याख्याहरू:
۞ قُلۡ إِنَّمَآ أَعِظُكُم بِوَٰحِدَةٍۖ أَن تَقُومُواْ لِلَّهِ مَثۡنَىٰ وَفُرَٰدَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُواْۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا نَذِيرٞ لَّكُم بَيۡنَ يَدَيۡ عَذَابٖ شَدِيدٖ
46. Dheh: Waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; inaad u kacdaan Alle Darti labo-labo iyo mid mid [19], markaas aad fekertaan: kuma jiro jin saaxiibkiin (Nabi Muxammad), waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh.
19. Labo labo iyo mid mid, sidaas awgeed hadduu la faqayo Alle, wuxuu u gudan si deggan oo wanaagsan.
अरबी व्याख्याहरू:
قُلۡ مَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٖ فَهُوَ لَكُمۡۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٞ
47. Dheh (Nabiyow): Waxaan idin weydiiyo oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin [20]. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Alle Keliya. Wax walbana Alle wuu u Jeedaa.
20. Rasuulka Alle s.c.w. kama dalbo wax abaal gud ah iyaga, ee wuxuu ka dalbaa inay rumeeyaan Alle oo camallo san fashaan, sidaasina iyagay khayr u tahay.
अरबी व्याख्याहरू:
قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَقۡذِفُ بِٱلۡحَقِّ عَلَّٰمُ ٱلۡغُيُوبِ
48. Dheh: Rabbigay wuxuu soo diraa Xaqa (oo xumaanta ku tiraa), waa Ogsoonaha sare ee waxaan muuqan (Ghaybka).
अरबी व्याख्याहरू:
 
अर्थको अनुवाद सूरः: सबा
अध्यायहरूको (सूरःहरूको) सूची رقم الصفحة
 
पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । - अनुवादहरूको सूची

अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकुब ।

बन्द गर्नुस्