Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሰበእ   አንቀጽ:
قُلۡ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَمَا يُبۡدِئُ ٱلۡبَٰطِلُ وَمَا يُعِيدُ
49. Dheh: Xaqu (Qur’aanka) waa yimid, Baadilkuna (Ibliis) waxna ma abuuri karo mana soo nooleyn karo21.
21. Weedhan waxaa laga qaadanayaa inuu baadilku si dhan u awood beelayo, macnaha waa in la tirtirayo baadilka oo gebigaba meesha laga saarayo. Marka uu xaqu hirgalo, baadilka wuu hoobtaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِن ضَلَلۡتُ فَإِنَّمَآ أَضِلُّ عَلَىٰ نَفۡسِيۖ وَإِنِ ٱهۡتَدَيۡتُ فَبِمَا يُوحِيٓ إِلَيَّ رَبِّيٓۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٞ قَرِيبٞ
50. Dheh: Haddaan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. haddaan hanuunana, waa sababta wuxuu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal waa wax kasta Maqle, Dhow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ فَزِعُواْ فَلَا فَوۡتَ وَأُخِذُواْ مِن مَّكَانٖ قَرِيبٖ
51. Haddaad arki lahayd22 markay (gaalada) noqon kuwo qarracansan, oo meelay u cararaan lahayn, waxaana laga soo qabqaban meel dhow.
22. Waxaad arki lahayd wax weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِهِۦ وَأَنَّىٰ لَهُمُ ٱلتَّنَاوُشُ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
52. Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَدۡ كَفَرُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۖ وَيَقۡذِفُونَ بِٱلۡغَيۡبِ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
53. Waxay dhab ahaan horey23 ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog24.
23. Noloshoodii hore ee arlada, ay ku heysteen fursad kasta, ha yeeshee hadda dhaaftay, waana fursad aan marnaba soo laabanayn.
24. Af ahaan, iyagoo wax iska mala awaalayey, oo inkirayey Xaqa sida Aakhirada, Naarta, Jannada, Iska soo bixinta qubuuraha, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَحِيلَ بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ مَا يَشۡتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشۡيَاعِهِم مِّن قَبۡلُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ فِي شَكّٖ مُّرِيبِۭ
54. Waase la kala ooday iyaga iyo waxay rabeen25, sidii loo galay kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh.
25. Macnaha waa haleelidda iimaanka iyo waxa khayr ku jira iyo faa’idooyin aad u badan ama gelitaanka Jannada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሰበእ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት