Check out the new design

د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب * - د ژباړو فهرست (لړلیک)

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

د معناګانو ژباړه سورت: سبا   آیت:
قُلۡ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَمَا يُبۡدِئُ ٱلۡبَٰطِلُ وَمَا يُعِيدُ
49. Dheh: Xaqu (Qur’aanka) waa yimid, Baadilkuna (Ibliis) waxna ma abuuri karo mana soo nooleyn karo21.
21. Weedhan waxaa laga qaadanayaa inuu baadilku si dhan u awood beelayo, macnaha waa in la tirtirayo baadilka oo gebigaba meesha laga saarayo. Marka uu xaqu hirgalo, baadilka wuu hoobtaa.
عربي تفسیرونه:
قُلۡ إِن ضَلَلۡتُ فَإِنَّمَآ أَضِلُّ عَلَىٰ نَفۡسِيۖ وَإِنِ ٱهۡتَدَيۡتُ فَبِمَا يُوحِيٓ إِلَيَّ رَبِّيٓۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٞ قَرِيبٞ
50. Dheh: Haddaan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. haddaan hanuunana, waa sababta wuxuu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal waa wax kasta Maqle, Dhow.
عربي تفسیرونه:
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ فَزِعُواْ فَلَا فَوۡتَ وَأُخِذُواْ مِن مَّكَانٖ قَرِيبٖ
51. Haddaad arki lahayd22 markay (gaalada) noqon kuwo qarracansan, oo meelay u cararaan lahayn, waxaana laga soo qabqaban meel dhow.
22. Waxaad arki lahayd wax weyn.
عربي تفسیرونه:
وَقَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِهِۦ وَأَنَّىٰ لَهُمُ ٱلتَّنَاوُشُ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
52. Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)?
عربي تفسیرونه:
وَقَدۡ كَفَرُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۖ وَيَقۡذِفُونَ بِٱلۡغَيۡبِ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
53. Waxay dhab ahaan horey23 ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog24.
23. Noloshoodii hore ee arlada, ay ku heysteen fursad kasta, ha yeeshee hadda dhaaftay, waana fursad aan marnaba soo laabanayn.
24. Af ahaan, iyagoo wax iska mala awaalayey, oo inkirayey Xaqa sida Aakhirada, Naarta, Jannada, Iska soo bixinta qubuuraha, iwm.
عربي تفسیرونه:
وَحِيلَ بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ مَا يَشۡتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشۡيَاعِهِم مِّن قَبۡلُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ فِي شَكّٖ مُّرِيبِۭ
54. Waase la kala ooday iyaga iyo waxay rabeen25, sidii loo galay kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh.
25. Macnaha waa haleelidda iimaanka iyo waxa khayr ku jira iyo faa’idooyin aad u badan ama gelitaanka Jannada.
عربي تفسیرونه:
 
د معناګانو ژباړه سورت: سبا
د سورتونو فهرست (لړلیک) د مخ نمبر
 
د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب - د ژباړو فهرست (لړلیک)

د عبدالله حسن یعقوب لخوا ژباړل شوې ده.

بندول