លេខ​ទំព័រ:close

external-link copy
49 : 34

قُلۡ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَمَا يُبۡدِئُ ٱلۡبَٰطِلُ وَمَا يُعِيدُ

49. Dheh: Xaqu (Qur’aanka) waa yimid, Baadilkuna (Ibliis) waxna ma abuuri karo mana soo nooleyn karo [20]. info

[20]. Weedhan waxaa laga qaadanayaa inuu baadilku si dhan u awood beelayo, macnaha waa in la tirtirayo baadilka oo gebigaba meesha laga saarayo. Marka uu xaqu hirgalo, baadilka wuu hoobtaa.

التفاسير: |

external-link copy
50 : 34

قُلۡ إِن ضَلَلۡتُ فَإِنَّمَآ أَضِلُّ عَلَىٰ نَفۡسِيۖ وَإِنِ ٱهۡتَدَيۡتُ فَبِمَا يُوحِيٓ إِلَيَّ رَبِّيٓۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٞ قَرِيبٞ

50. Dheh: Haddaan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. haddaan hanuunana, waa sababta wuxuu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal waa wax kasta Maqle, aad u Dhow. info
التفاسير: |

external-link copy
51 : 34

وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ فَزِعُواْ فَلَا فَوۡتَ وَأُخِذُواْ مِن مَّكَانٖ قَرِيبٖ

51. Haddaad arki lahayd [21] markay (gaalada) noqon kuwo qarracansan, oo meelay u cararaan lahayn, waxaana laga soo qabqaban meel dhow. info

[21]. Waxaad arki lahayd wax weyn.

التفاسير: |

external-link copy
52 : 34

وَقَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِهِۦ وَأَنَّىٰ لَهُمُ ٱلتَّنَاوُشُ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ

52. Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)? info
التفاسير: |

external-link copy
53 : 34

وَقَدۡ كَفَرُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۖ وَيَقۡذِفُونَ بِٱلۡغَيۡبِ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ

53. Waxay dhab ahaan horey [22] ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog [23]. info

[22]. Noloshoodii hore ee arlada, ay ku heysteen fursad kasta, ha yeeshee hadda dhaaftay, waana fursad aan marnaba soo laabanayn.
[23]. Af ahaan, iyagoo wax iska mala awaalayey, oo inkirayey Xaqa sida Aakhirada, Naarta, Jannada, Iska soo bixinta qubuuraha, iwm.

التفاسير: |

external-link copy
54 : 34

وَحِيلَ بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ مَا يَشۡتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشۡيَاعِهِم مِّن قَبۡلُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ فِي شَكّٖ مُّرِيبِۭ

54. Waase la kala ooday iyaga iyo waxay rabeen [24], sidii loo galay kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh. info

[24]. Macnaha waa haleelidda iimaanka iyo waxa khayr ku jira iyo faa’idooyin aad u badan ama gelitaanka Jannada.

التفاسير: |