የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አጥ ጣሪቅ   አንቀጽ:

Suurada Ad-daariq

وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ
2. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلنَّجۡمُ ٱلثَّاقِبُ
3. Waa xiddiggaa iftiinka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن كُلُّ نَفۡسٖ لَّمَّا عَلَيۡهَا حَافِظٞ
4. Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ
5. Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خُلِقَ مِن مَّآءٖ دَافِقٖ
6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَخۡرُجُ مِنۢ بَيۡنِ ٱلصُّلۡبِ وَٱلتَّرَآئِبِ
7. Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجۡعِهِۦ لَقَادِرٞ
8. Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ تُبۡلَى ٱلسَّرَآئِرُ
9. Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٖ وَلَا نَاصِرٖ
10. Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ
11. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡأَرۡضِ ذَاتِ ٱلصَّدۡعِ
12. Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ لَقَوۡلٞ فَصۡلٞ
13. Kani (Qur'aanku) waa hadal dhab ah oo cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا هُوَ بِٱلۡهَزۡلِ
14. Oo ma aha dhayal (dheel).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُمۡ يَكِيدُونَ كَيۡدٗا
15. (Gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَكِيدُ كَيۡدٗا
16. Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَهِّلِ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَمۡهِلۡهُمۡ رُوَيۡدَۢا
17. Ee u sug gaalada: Daa wax yar.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አጥ ጣሪቅ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት